General Duke Posted May 4, 2009 Aragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay... Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin Dr. Faroole" (Maqabo) in ay cid xaq u leedahay wax dalka Soomaaliyeed qayb ka mid ah cid kale heshiis lagula geli karo source Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 4, 2009 Even Sharif's old tool states that the sea must not be sold. Xildhibaan ka tirsaan baarlamanka Soomaliya ayaa ku eedeeyay DF in ay iska indha tireyso la tashi ay kala sameyso dadka aqoonta buuxda u leh arrimaha Badaha heshiiskii ay la gashay dowladda Kenya Isha: Radio Danan | Muqdisho | April 29, 2009 Iyadoo la filayo in dhawaan baarlamanka Soomaliya uu ka doodo heshiiskii xuduudaha ee dhex maray dowladaha Soomaliya iyo Kenya ayaa waxaa muuqanaya kala qeybsanaan baarlamanka dhexdiisa ah. Xildhibaan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah mudane ka tirsan baarlamanka Soomaalida kana mid ah xildhibaanadii u arka heshiiskii ay wadaageen dowladaha Soomalia iyo Kenya mid luminaayo dhul Soomaliyeed, ayaa u sheegay Radio DANAN ineey dowladda Soomaliya ka meer meereyso iney arrinta heshiiskan kala tashato dadka aqoonta u leh arrimaha badaha iyo heshiisyada caalamiga ah. Wuxuuna sidoo kale sheegay in heshiiskani uusan aheyn sida ay DF u sheegeyso oo ah mid is afgarad ah, balse heshiiskaasi uu dhabtii yahay mid u daneynaayo dowladda Kenya oo qura. Xildhibaan Tarsan ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in arrintani ay horay u diidday dowladdii madaxweyne C/laahi Yuusuf, Kenya ay wax badan raadineysay arrintaan, balse ugu dambeyntii ay fursad u heshay in la siiyo wixii ay raadineysay waqti dheer. Baarlamanka Soomaliya ayaa dhawaan la filayaa inuu ka doodo arrintii heshiiska xuduudaha lamana oga waxa ka soo bixi doona kal fadhigaas lagu madlaan yahay, waxaase dadka wax odorosa ay qiyaasayaan inaan baarlamaanka Soomaliya laga fileyn inuu u doodo qaabkii u u doodi jiray oo aheyd iney lakala saftaan hogaamiye yaashooda sar sare, maadaama ay arintani tahay mid ka dhexeysa in ka badan 8-milyan oo qof. Isha warka: DANAN RADIO Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 4, 2009 Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub Maxamed Xuseen Owliyo oo ugu baaqay baarlamanka Soomaliya iney waddaniyad muujiyaan marka ay ka doodayaan mooshin ku saabsan heshiiska xuduud badeedka ah ee dowladaha Soomaliya iyo Kenya Isha warka: Danan Radio | Muqdisho | April 29, 2009 Ka hor inta uusan baarlamanka Soomaliya ka doodin arrinta heshiiska xuduudaha Soomaliya iyo Kenya ayaa waxaa baarlamanka Soomaaliya loo soo jeedinayaa aragtiyo kala duwan. Afahyeenka Ahlu Suna wal Jameeca ee Yurub Maxamed Xuseen Owliyo oo hada ku sugan waddanka Britain oo xalay la hadlayay Radio DANAN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baarlamanka Soomaliya ay la gudboodn tahay iney ka hor imaadaan arrintan, wuxuuna Maxamed Xuseen Owliyo ka codsaday baarlamanka Soomaliya iney muujiyaan waddaniyad oo ay cod aqlabiyad leh ku diidaan arrinta heshiiskan, oo sida uu sheegay luminaya dhul Soomaliyeed. Mr. Owliyo ayaa sidoo kale sheegay in baarlamanka Soomaaliya looga baahan yahay iney u midoobaan, arrinta heshiiskan sidii ay kal hore ugu midoobeen ansixinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa horay u sheegay in hadii la ansixiyo heshiiskani ay Kenya yeelan doonto ku dhawaad 38.000KM, oo laba jibaaran, oo dhulka Soomaliya ah, kaa soo ku eg jasiiradaha Lamashaaqa ee dhulka Soomaliya. Kenya iyo Soomaliya oo ah laba dal oo daris ah ayna gumeysteen waddamada Britain iyo Italy, ayaa leh xuduud muuqata oo ay sameeyeen gumeyste yaashasi sanadii 1924-tii. Aqoon yahanada Soomalida ayaa heshiiskani ugu magac daray dantii Kenya iyo doqonimadii Soomaliya. Ka Dhagayso Halkan ama soo rogo (Radio Danan) isha: DANAN RADIO Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2009 Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 4, 2009 Muqdisho: " Ma jirto sabab dib loogu dhigo Fadhiyada baarlamaanka, oo aan ka aheyn in ay Shariifka iyo Aaden Madoobe uxalaaleeyaan Kenya qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya" Mudanayaal katirsan baarlamaanka Soomaaliya. 4. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )- Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa eed kulul dusha uga tuuray Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Aaden Maxamed Nuur, oo ay sheegeen in ay sababo ugaar ah ay dib ugu dhigeen fadhigii golaha baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaano dhowr ah oo lasoo xiriiray AllPuntland ayaa ku sheegay sababaha dibka loogu dhigay fadhiyada baarlamaanka in ay tahay in uu meelmar noqdo heshiiskii ay galeen Xukuumada Soomaaliya & xukuumada Kenya. Xildhibaanada ayaa sheegay in ay tahay siyaasad in fadhiyada baarlamaanka dib loo dhigo, ee aysan aheyn sababaha ay sheegayaan gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ee ah in aan amaan jirin. " Adeer waxba kama jiraan mar-marsiiyaha ay sheegteen Madaxda dawladda, balse waxa ay doonayaan in la gaaro 13-ka May-2009 oo ah maalinta ay Kenya yeelaneyso qeyb ka mid ah badda Soomaaliya,anaga waxaan dooneynaa in aan afka ciida udarno heshiiskaasi oo aysan Kenya waxba bad ah helin, isla markaasna aan talaabo ka qaadno cidii ka dambeysay heshiiskaasi" Ayuu yiri Mudane baarlamaan oo u hadlay xildhibaano gaaraya 50 xildhibaan. Eed ka timid mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya wali kama uusan jawaabin xaafiiska Madaxweynaha iyo kan gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in maalmaha nagu soo aadan wafdi ka socda dawlada Soomaaliya ay aadayaan magaalada Nayroobi oo ay kala xaajoonayaan heshiiskii la gaaray ee qalinka lugu duugay. Eedaha iska soo daba dhacaya ee ku aadan dawladda Shariif Sheekh Axmed heshiiska Kenya loogu ogolaaday in ay sheegato qaar ka mid ah Biyaha Soomaaliya ayaa soo badanaya, waxaana dadweyne badan oo Soomaaliyeed ka dagi la'a beeninta ay sameynayaan Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya, ayadoo Xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda gobalada Jubooyinku ay sheegeen in uu heshiiskaasi yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaasna ay talaabo cad ka qaadayaan cidii ka dambeysay arintaasi. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites