Sign in to follow this  
General Duke

Cali Cabdalla Salix of Yemen asks the US to support the new Somali government

Recommended Posts

MADAXWEYNAHA YAMEN OO KA CODSADAY MARAYKANKA INAY TAAGEERAN DOWLADDA CUSUB EE SOMALIYA.

 

Madaxweynaha Dalka Yamen Cali Cabdalla Salix ayaa ka codsaday Madaxweynaha Maraykanka George W.Bush inay taageero siiyaan Dowladda Cusub ee Somaliya, ee dhawaan lagu soo dhisay Dalka Kenya. Madaxweyne Saalax wuxuu jawaab ka bixinayey warqad lagu qoray gacanta oo uu ka helay Madaxweyne Bush, kadib markuu ku guulaystay muddo hor leh oo xagga Madaxtinimada Maraykanka ah, waxaana warqadda usuu gudbiyey Safiirka Dalka Maraykanka u fadhiya Yeman Thomas C. Krajeski .

 

 

Isagoo ugu jawaabay warqad kale ayuu kaga codsaday Maraykanka inay soo dhexgalaan xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Falastiiniyiinta Yasser Carafat, oo ku sugan xaalad caafimaad oo aad uxun, una dhaxaysa geeri iyo nolol kadib markuu galay maqnaansho xagga maskaxda ah oo aad dheer (long duration comma).

 

 

Wuxuu sidoo kale kala hadlay xaaladda Somaliya ay hadda ku sugantahay iyo sidii loo taageeri lahaa Dowladda cusub ee Somaliya, isagoo sheegay in somaliya oo hesha nabad iyo daganaansho ay qayb wayn ka qaadanayso daganaanshaha gobolka, isagoo ku tilmaamay inay sii adkaynayso dadaalka dowladnimo eee loogu jiro ladagaalanka argagaxisada.

 

 

Warqaddaan uu udiray Cali Cabdalla Salax Madaxweynaha Maraykanka ayaa kusoo beegantay xilli uu ku suganyahay dalka Yamen Madaxweynaha DKF ee Somaliya C/llahi Yusuf Axmed iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo. Waxayna maantay kulan layeesheen Madaxweyne Cali Cabdalla Salax, waxayna uga warameen xaaladda kajirta Somaliya, iyo dadaalka ay dowladda cusub ku bixinayso amniga iyo daganaansha Somaliya, iyo sidii loo dhisi lahaa mu’asasaatka dowladda Somaliya, loona soo celin lahaa dibudhiska Somaliya, ayagoo uga mahadceliyey Cali Cabdalla Salax, kaso qaybgalkiisii xafladdii lagu caleemo saarayey Madaxweynaha Dowladda Cusub C/llahi Yusuf Axmed.

 

Dhiniciisa ayuu isna ka sheegay Madaxweyne Cali Cabdalla Salax mawqifka Yamen ee ay ku taageerayso Somaliya, iyo dadaalka lagu bixinayo dibudhiska somaliya, isagoo sheegay inuu urajaynayo Madaxweyne C/llahi Yusuf inuu ku guulayso hawshiisa iyo Somaliya oo hesha dibudhis cusub oo ka qaybqaadata daganaansha gobolka.

 

Waxaa uga qaybgalay kulanka labada Madaxweyne Dowladda Yamen: Dr. Jacfar Baasalix, ku xigeenka Gudoomiyaha Barlamaanka, Dr. Khaled Rajix Shiikh, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Cabdullahi Xuseen Albashiiri, Wasiiru Dowlaha xoghaynta guud ee Madaxtooyada. Dhinaca Dowladda Somaliyana Waxaa uga Qaybgalay: Shariif Xasan Shiikh Adam, Gudoomiyaha Barlamaanka, Yusuf Cumar Azhari, lataliyaha Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale oo katirsan Baarlamaanka Somaliya.

 

Madaxweyne C/lahi Yusuf ayaa warsaxaafadeed uu siiyey telefishinka Dalka Yamen, wadahadalkii uu layeeshay Madaxweynaha Yamen kadib, ku sheegay in aragtiyada labada dhinac ee arinta Somaliya iyo sida wax looga qaban karo ay ahaayeen kuwo iskumida wuxuuna yiri: “ waxaan ka wadahadalnay dhibaatooyinka Somaliya ka aloosan, fikradahayaguna waxay ahaayeen kuwo isku mida, sida looga bixi karo dhibaatooyinkas, anagu waxaan nahay dad walaalo ah, wadankuna waa hal waddan, xidideena iyo dhiigeenuna waa isku midâ€. Wuxuuna kusii daray:†waxaanu nahay Yamaniyiin Somalinimadeena kahor, dhibaatooyinka kajira Somaliyana way saamaynayaa Yamen, tan Yeman kajirtaana way saamaynaysaa Somaliyaâ€.

 

Qorshaha uusoo bandhigay Dalka Yamen oo ah in lafuro Sanduuq maaliyaded oo lagu taageerayo Somaliya, wuxuu ku tilmaamay Madaxweyne Yusuf ra’yi wanaagsan, isagoo sheegay taagerada Yamen ay siisay Dalka Somaliya.

 

 

Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa lafilayaa inay tagaan dalka Masaarida maalinta Talaadada ah, iyadoo masuuliyiin katirsan Dowladda Masarna ay isku diyaarinayaan sidii loo soo dhawayn lahaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Sida uu qoray wargayska Al’ahram ee kasoo baxa dalka Masar.

 

 

Faysal Gabanow

fcgabanow@hotmail.com

Addisababa

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this