General Duke Posted December 26, 2008 Uganda oo lagula taliyay in dalka ay Ciidamadooda kala baxaan. Friday, 26 December 2008 11:41 BXM Kadib xadid la’aanta kuyimid khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta ugu sareysa ee TFG-da oo Ciidamada Itoobiyaankuna ay sheegayaan in dalka ay isaga baxayaan ayaa waxaa soo baxaya talooyin kale oo ku aadan Ugandeska in ay iyaguna ka baxaan dalka Soomaaliya. Hussein Kyanjo oo ah mas’uul katirsan dowladda Uganda gaar ahaan dhanka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegay in dowladda Uganda ay dooneyso in ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka Soomaaliya kadib markii dhibaatada kajirta Soomaaliya xal loo waayay. Mas’uulkani ayaa waxa uu sheegey in ciidamada dowlada Uganda looga saarayo Soomaaliya sababo uu ku sheegay in uu isku dhexyaac iyo nidaam darro ka dhex dhashay TFG-da maadaama ay markii hore ku yimaadeen si ay u ilaaliyaan ammaanka Mas’uuliyiinta TFG-da. Mr.Hussein waxa uu sheegay in TFG-dii martigelisay Ciidamada AMISOM in iminka aysan jirin meel ay maamulaan oo ay ka taliyaan oo xittaa iminka Muqdisho qeybo yar oo kooban ay ka maamulaan Caasimadda. Arrintani ayuu talo ahaan u soo jeediyay mas’uulkani waxaana uu sii raaciyay in haddii Itoobiyaanka ay ka baxaan Soomaaliya islamarkaasina khilaafka lagu kala tago in Amisom ay wajahi doonto dhibaato xoogan oo ay gaarsiin doonto heer ay kala garan weydo Ugandeska cidda ay u shaqeyneyso iyo kuwa ay Ammaankooda sugeyso. Lama garanayo AMISOM sida ay ka yeeli doonaan Ciidamadooda oo iminka ay Muqdisho kajoogaan kuwa ka kala socda Burundi iyo Uganda iyadoo dhowaanna lasheegayo in Ciidadama Itoobiyanka ay dalka isaga bixi doonaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites