Jacaylbaro Posted March 31, 2008 Buug aan Akhriyey oo la yaab leh “Xog iyo Xusuus” Waxa aan qalinka khadka u darsanayaa in aan maqaalkan ka qoro, buugga magaciisa loo bixiyay “XOG IYO XUSUUS”, oo nuxurka dhambaalka uu sidaa uu yahay “ dhacdooyinkii iyo murti taariikheedkii halgankii siyaasadeed ee Soomaaliland” Maalin maal-maha ka mida ayaa waxaan gallay bookshop aan alaab ka iibsanayay, waxaan arkay buug aad isoo jiitay, waan soo qaatay buuggii magaciisa ayaan akhriyay. Dabadeed aad ayaan uga helay, oo intaan la soo booday ayaan qiimihii waydiiyay, oo iibsaday buuggii. Waxa isoo jiitay saddex shay oo buuggu kullan-saday oo qof kasta oo muwaadin ahba soo jiidan lahaa, oo kala ah: 1. Saddexda midab ee calanka Somaliland ka kooban yahay oo kala ah (AKHTAR,CADAAN IYO CASSAAN) oo waliba xiddigtiina dhexda ugu jirto. 2. Tawxiidka qiraya kali ahaanshaha ILLAAHAY(SWT) iyo rasuulkiisa Muxamed ahaa(SCW). 3. Magaca buugga oo ah XOG IYO XUSUUS, oo markaba uu magaca buuggu dareen xiiso leh oo aan la soo koobi karin uu maanka iyo maskaxdaada ku reebayo, xusuus ma go’do ah, haddii aan kalmadaha aan kala qaado oo aan kaga sanqadhiyo . kalmada XOG: waa arrin aad xogogaal ka tahay oo aad si dhaba uga xog warramaysid. Kalmada XUSUUS: waa dareen qof ama ummad kaga taga raad aan masaxmayn ama aan la illoobi karin. Markaa intaa ka bogtay anigoon buugga intiisa kaleba u dhaadhicin ayaa markiiba waxa maskaxdayda ku soo dhacay dareen xoog badan oo i leh, buuggani intii aanad haysan ama soo iibsan waxa kaa maqnaa xogtii waddankaaga ka dhacday ee dhabta ahayd iyo halka ay ka billaabantay iyo siday u kala horreysay oo suugaan sawrac iyo sinji leh uu abwaanku si faham leh uu kuugu soo gudbinaayo. Hadalkaa markay naftaydu igu celcelisay ayaan sugi kari waayay intaan guriga gaadhayo, tagay gurigii akhriyay xogtiina ogaaday xusuusna igu reeb. 1. Buuggan waxa qoray MAXAMED SHIIKH IBRAAHIM ”XUJAALE” 2. Waxaana loo qoray si farshaxannimo ku jirto oo waliba xeel dheerina leh. 3. Buuggu waxa uu ka kooban yahay 256 bog, waxay u kala baxaan shan qaybood ama tuduc. Oo aanu ku jirin tuduca Faahfaahinta ah ee ka kooban (Afeefta, Mahad-Naqa, Hor-dhaca iyo Gogol-dhigaba). iyo laba tuduc oo qoraagu u kala bixiyay (Raad-Raac iyo Taariikh Nololeed Kooban ) oo qoraaga buuggu isku iftiiminayo. Nuxurka buugga haddaan ka warramo ee qoraagu ka hadlay, waxa ka mid ah:- Qaybta 1aad: waxa uu qoraagu ku soo qaadanayaa: Markii ingiriisku yimid iyo la dagaallankiisii. Qoraaga buuggu wuxuu isagoo ka hadlaya yidhi:- Gumaystihii reer yurub markii ay Afrika qaybsadeen, gaar ahaan Soomaaliya, ee xuduudaha la kala dhex mariyay dalalka soomaalida degto 1884kii, waxa xanaaqday dawladii Menelik oo xilligii ka talinayey dalka Itoobiya, iyadoo gaar ahaan Ingiriiskii, Talyaanigii iyo Faransiiskii soomaalida qabsaday, Kula dacwidey inay qaybteeda ka hesho boobka geeska Africa. Taasi waa ta keentay, in dhul badan oo Somaliland ka mid ahaa, dadka ku dhaqanina bulshada reer Somaliland ka mid yihiin, Ingiriiskii siiyo dawlad-ku sheegtaas Itoobiya. Arrintaas waxa ka dhashay, kacdoon iyo mudaharaad ballaadhan oo bulshada Somaliland aanay u kala hadhin, laguna canbaaraynayey gumeysigii caddaanka ahaa iyo boobkoodii ay markii danbena Itoobiya ka qayb gashay. Haddaba abwaanada reer Somaliland iyaguna arrintaas ma ay yaraysan oo waxay ka curiyeen suugaan badan, oo ay ku dhalliilayeen falkaas, dadkana ku baraarujinayey waxa ka taagan dalka, iyadoo abwaanada qaarkoodna si gaar ah farta ugu fiiqayey Itoobiya, kuna dhalliilayeen boobka deriskooda ay caddaanka shisheeye kala qayb qaatay, iyadoo midab, derisnimo iwm midna aan xeerin. Maansooyinkan soo socda waxay ka mid ahaayeen suugaantaas oo aad u badnayd. Isagoo qoraagu gabayada markuu sheegayo usoo qaadanaya abwaankoodii, kuna turjumaya kalmaddaa iyada ah iyo kalmad kale oo ah darreenkoodii, wuxuu ku micneeyay ama ku tilmaamay qof Eebbe hibo u siiyay inuu tiriyo hees ama gabay iyo iwm, ee kaga hadlaya dareenkiisa marxaladda ummaddu marayso. Qoraagu waxa kale oo uu soo qaatay kalmad kale oo ah khawaastii oo iyadana uu ku micneeyay, inay sheegayso ninkii caalimka ku ahaa diinta Islaamka dareenkiisa, ama abwaanka dareenkiisa aanu isagu ogeyn markuu maansada tirinayo. Haddaba aan wax kasoo qaadanno kuwuu qoraagu u bixiyay abwaankoodii anigoo ku badallaya ereygaa magaca abwaanka:- Maxamed Bulxan wuxuu yidhi: Qarnigii siddeed iyo tobnaad, sanac xumaantiisa Siddeetan iyo dhawr sano wakhtiga, saaka laga joogo Oo uu saan-caddii galab arliga, sabab, la’aan boobay Oo idinka idin siiyey qaar,aradka soomaali Socdaalkuu Jermaaniya ku tegey, saaxirkii Menelik Afriiqiya sidii loo dhacaad, sabab ahaydeene Madow oo dhan waaxad siisateen, sooryo maalin ahe Sirtaad naga gasheen baa ahayd, sun iyo waabay’e Sina uma qadderin midabka iyo, soohdintiyo jaare Gumeystaha dadkaan ula sinnayn, soo degoo yimid’e Wax saayida addoonsiga madow, kugu sameeyaaye Xaqana lagama seexdoo nin lihi, waw sid tiriyaaye Goortay u soo martaa buu wuxuu, sugayey doontaa. Qabaha kale ee buugga waxa ka mid ah qaybta 2aad oo ka waramaysa xorriyaddii la helay, dabbaal-deggii, Damaashaadkii iyo u-baaqidii Soomaalida kale. Wuxuu qoraagu soo qaadanayaa gabayo badan oo la xidhiidha xaaladdii markaa waddanku taagnaa, waxa ugu horreeya gabayadaa uguna xusuus badan, Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde), gabaygiisii ahaa:- Soomaaloo is-cunaysoo, Saqda qaylo dhawaaqdiyo Sulub laysu cabbaystiyo , Hadba soof la xabbaahiyo, Sarayaa dami weydey, Kii laydhiisu na saaqday, Kii sadqeeyay qabaa’ile , Isu saaray gacmaa ee Saf walaalo ka yeelow, Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow, Aan siduu yahay eego’e Kaana sib kanna saar. Buuggani waa buug intii an buug akhrinayay, iigu waayo aragnimada badnaa. Iiguna xiisaha badnaa, waa buug uu tuducba, tuduca kale kuu dhiibayo, Adigoo aakhirka moodayaba inaad ka qayb gashay, halgankii dheeraa. Faa’iidooyinka laga faa’iidayaa ma yara, waxaana laga dheefi karaa wax ciiddaa ka badan. Qof kasta oo reer Somaliland ah wuxuu ka dhaxlayaa taariikh ma hadho ah, Oo qof kasta oo muwaadin ah raad ku reebaysa. Waliba dareensiinaysa muhiimada ay waddaniyaddu leedahay. Buuggan loo bixiyay “XOG IYO XUSUUS”, qoraagu wuxuu meel kaga dhacay xuquuqdii abwaanku lahaa, oo ah mid aan loo diidi Karin. Lana illoobi Karin. Maxamed, wuxuu soo qaatay gabayadii ugu qiimaha badnaa laakiin gabay kasta oo uu soo qaataba wuxuu ka tagayay magaca abwaanka, taasoo hoos u dhigaysa xiisihii buugga loo hayay. Xaqiraadna ku ah abwaannadii dalka iyo dadkaba U soo halgamayay AF iyo ADINBA. Runtiina waa ayaan darro in abwaanada dalka iyo dadkuba ku tiirsan yihiin, ee qaar nafahoodii ku waayeen, si yar oo fudud inta murtidoodii loo adeegsado oo buug lagu daabacdo magacyadoodiina layskaga tago, waayo, waxa uu qoraagu xagga dambe ee buugga uu taxay dhammaan magacyada iyo raadraaca suugaaneed ee ay leeyahiin abwaannadu, balse qofka akhrinaaya ma garan karo abwaanka uu yahay ee yidhi arrinta uu hadba ka hadlaayo, Waana khaladka ugu way ee uu qoraagu sameeyay. Gaba-Gabada, hadalkayga waxaan ku soo afmeerinayaa qoraalkayga Akhristoow buugga la magac-baxay “XOG IYO XUSUUS”. Hadaadan akhrisan waxa kaa dhiman waayo aragnimo iyo dhacdooyinkii iyo murti-taariikheedkii halganka siyaasadeed ee Somaliland. Gaar ahaan dhallinyarada reer Somaliland, ayaan ugu baaqayaa inay buuggan akriyaan si ay u noqdaan xoggogaal wax ka sheegi kara kuna tusaale qaadan kara: Halgankii dalkeennu soo maray ee mar-xallada kala duwan lahaa. Waxaana Mahad leh ILLAAHAY. Marka labaad qoraha buugga Maxamed Shiikh Ibraahim “XUJAALE” oo buuggan xil wayn iska saaray ururintiisa iyo habayntiisa. Iyo dhamaan intii gacan ka gaysatayba, aniga oo aan kala masuugeynin amaanteydana waxa aan leeyahay Hambalyo, hambalyo, sida geesinnimada leh ee aad halganka uga warantey, adiga oo waliba suugaan qiimo iyo qaayo leh ku ladhay. W/Q. Farduus Siciid Dirir fardusita624@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites