miles-militis Posted September 2, 2003 Nice reading and a brilliant reflection of some historical moments for the challenged I thought. Cali-Dhuux iyo Cabdullaahi Yuusuf! W/Q:Ali Shire Jamac Kolkii ciwaankaan kor ku xusan ishaadu milicsato waxaa laga yaabaa in durbaba maskaxdaado kugu soo celiso turjun ah in laga faaloonayo taariikh−nololeedyadii labadii hogaamiye, ee Puntland Cali-Dhuux Aaden iyo Cabdullahi Yuusuf. Laakiin haddii wax laga qorayo qof noloshii uu soo maray waxaa lama huraan in isaga lala kulmo ama la helo raad raaca sida qoraallo amase qalabka wax lagu kaydiyo sida cajiladaha. Haddaba waxaan jirin qoraallo naga haqab tiri kara taariikhdii Cali-Dhuux iyo Cabdullahi, waxaa kale oo aan rajo laga qabin in helo cajilado iyo waxii la mid ah, waayo raadiyaasha Soomaaliya siduu ula wareegey Maxamed Siyaad Barre lama ogoleyn in laga sheego wax aan ka ahayn amaaniisa. Ka dib kolkii uu meesha ka baxay Barrena waxaa Soomaaliya idaacad u noqtay BBC:da iyaduna waxaad moodaa in loo furey aamaanta Carta iyo Somaliland. BBC:du haddii ay heli karaan waxay u gawrici lahaayeen Cali-Dhuux iyo Cabdullahi sidii Pol Pot kaaboojiyiinta u xasuuqay taariikh ay ka duubaan ha joogtee. Idaacadaa meelaha gaarkaa laga buunbuubiyo waxaa soo raaca raadiyayaal yar yar oo aan tayo la hayn iyo dhalinyaro la wareega kaamarado oo kolkii ay la kulmaan Cabdullahina aan awoodi karin in ay su’aalo laga faa’iideysan karo waydiiyaan. Taariikhdii Cali-Dhuuxna waxay moodeen in ay xaq tahay in la qariyo, iyaga oo ka shidaal qaadanya BBC iyo raadiyaashii Siyaad Barre hogaanka u hayay. Dhalintaas oo ku mashquusha aragtida ay Cabdullahi la kulmeen, Cali-Dhuuxna uusan kuba soo dhicin maskaxdooda. La yaab ma leh in ay Cali-Dhuux halmaanaan waayo soomaalidu waxay la fil yihiin waxii ay markaas arkaan, waana ka aradan yihiin in ay dib u jaleecaan taariikhihii hore ama saadaalin waxa soo socdo. Kolka ay la kulmaan labadaan nin kan hadda nool oo ah Cabdullahi Yuusuf ayaa waxaa meesha baxa taariikhdii ay ka soo dhirdhirin lahaayeen ee Barre iyo BBC qariyeen, iyaga oo niyada iska leh: ”Waxaad la kulanteen ninkaan caankaa, ee idinkuna ku soo caanbaxa” Kama masuugneen haddii ay Cadbdullahi aragiisu ula weyn tahay dhalintaas in uu yahay ninkii meesha ka saaray Siyaad Barre iyo kooxdii hunguriga badneyd ee Carta, Cali-Dhuuxna ay ku xasuusan la haayeen in uu yahay hogaamiyihii docwareenka ku dhuftay kooxdii Sayidka. Maqaalku kuma saabsana in aan ka faaloodo nacaybka BBC:du u qabto Cali-Dhuux, Cabdullahi iyo Puntland iyo tayo la’aanta saxaafada kale ee Soomaaliya, ee waxuu ka saabsan yahay madaxda Cabdullahi ka shaqaaleeyo wasaaradaha Puntland, kuwaas oo ah wasiirada Puntland. Kolka la rabo in dawladi wax ka qabato horumarka mushtamaca waa in helaa hogaamiye karti u leh shaqada hortaal oo ah in uu dal dhan masuul ka yahay ka dibna uu hogaamiyuhu xushaa wasiiro wasaaradeedyo fulin kara barnaamijka dawlada. Haddii aan wasiiradaas doorkaa la helana waxaa hubaal ah in adeegii dawlado u haysey shacabka gabi ahaanba is taagayo ilaa laga helayo kuwa lagu diirsado, oo horumarka dadka u horseeda. Dadka Cabdullahi hormuudka uga dhigay wasaaradihii Puntland waa kuwa aad moodid haraadi oo kolkii ay hagi la haayeen ummada iyagu u baahan in usha loo qabto. Haddaba su’aashu waxay tahay maxuu Cabdullahi madaxda ugu dhigay kuwa aan masuulayadooda gudan karin? Waxaan shaki ku jirin in Cabdullahi aan lagu xaman tuugnimo, iyo shaqo looga baahnaa oo uu ka soo bixi waayey sida kooxdii bililiqada ee Carta iyo Siyaad Barre oo lagu xanto arinkaas, laakiin waxaa meesha ka cad in kuwa ku gadaaman ay yihiin kuwii safka danbe gali lahaa. Waxaa kale oo is waydiin mudan maxuu Cabdullahi ugu dindaabyeynayaa shacabka Puntland wasiiro la mid ah shaqsiyaadkii Maxamed Siyaad reerka xaabada ugu soo guri jirey?. Horumar la’aanta ay dhigeen wasiiradu waaba laga soo kaban karaa, haddii la helo kuwa badala mustaqbalka, laakiin waxaa daran in wadankaba lacag iyo naago la siisto, oo jiilasha soo socdaa ay ku gaarsadaan iga oo sida reer kurdistan ah. Halkaan kuma tixi doono dhamaan wasiiradu hagardaamada iyo ceebta ay Puntland u soo jiideen, ee waxaan tusaale u soo qaadaneynaa labo mudane. Kolkii Daahir Riyaale oo burcad wataa wareerarka cad maalin ku soo qaaday Puntland waxuu wasiirka gudaha ee Puntland Maxamed Ibraahim Xaabsade BBC ka yiri: ”Maxuu noo soo weeraray Daahir Riyaale anaguba Boorame ma wareerarneene” Waa yaabe maxaa wasiirka shakasha doodii ka galiyey? Booramada uu sheegayaa waxuu Riyaale ka yahay sida Xassan Abshir ka yahay Puntland. Xaabsade isaga oo dadkiisa lugooyo ku siiwada ayuu waxuu dirin cas ama gaduudan u dhigay kooxdii danbiga ka soo gashay koonfurta Soomaaliya ee uu Hadraawi madaxda u ahaa. Wasiirada Puntland oo sii wada ku xadgubka qadiyada dalka iyo sharciga ayaa waxaa fajac iyo amankaag badneyd kolkii ”Seeftabaanku” oo meeshii uu ka garbixi lahaa eedeynta Somaliland u soo jeedisey Puntland waxuu BBC ka yiri: ”Gabdhaa la kala qabaa” Lakiin maadaama aan ka sharqaminey dhaliisha labada wasiir waxaa danbi ah in aan la sheegin sida cadaaladu ku jirtu wanaagooda, haddaba waxay Xaabsade iyo ”Seeftabaanku” Puntland ka galeen taariikh dahab ah, taas oo ah sifayntii kooxdii burcada ahayd ee Carta, laakiin maxay ku badaleen? Hadii hablo la kala qabo ama hadal laqwi ah oo aan laga fiirnsan kolka lagu tiraabayo Puntland qadiyadeeda lagu dayacayo waxaa u hadimeyn lahaa Cali Aaden (Cali-Dhuux). Wasiiradu waxay moog yihiin in Puntland ay soo martay taariikho aan marnaba jiritaankeeda lacag iyo haween lagu badalan. Haddaan taarikhdaa soo gaabino waxaa horseed ka ahaa Cali Aaden (Cali-Dhuux) oo qawleysato wareerar ku soo qaaday Puntland afka cagta ka saaray. Waxaa kale oo Cali-Dhuux ahaa ninkii Calaamadiyey xuduuda Somaliland iyo Ogaadeenya, xariiqdaas oo dadka waxmagartadaa ay ku tilmaamaan isku dir. Halgankii Cali-Dhuux waxaa hagradey dhamaan boqortooyinkii Puntland, oo ka baqay in uu xukunka kala wareego, sida ay dhamaan wadadama carabtuba Usama Binu Laden uga baqaan in uu ka baabi’iyo saldanadooda. Boqoradii Puntland waxay dhaheen: ”Sayidku marabo in uu baabi’iyo astaamaha boqortooyinka Puntland, waayo haddii uu isku dayo waxaa ku dhici kara kala jabab awoodiisa ciidan ku timaada, taas oo ay ugu wacan tahay in wali laga urinayo ajnabinimo, laakiin Cali-Dhuux barqo ayuu innaga xayuubinayaa taajajka marka aan ka hortagno” Waxaa la hubaa in boqortooyadii Bargaal ee Soomaaliya ugu awooda badnayd aysan marna saad u soo dirin ciidamadii Puntland ee Cali-Dhuux madaxda ka ahaa oo jahaadka kula jirey Sayidka. Waxaa kala oo aan isna jirkiisu u dubaaxin boqorkii awooda labaad lahaa ee fadhiyey Laasqorey, kuwa kalana iskaba daa, laakiin waxaa gacan u fidiyey boqorkii Hobyo Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid. Intii ay boqortooyinka Puntland xasdayeen Cali-Dhuux ayaa burcadii waxay haddiiba ka takhaluseen garaadkii waqooyiga Puntland, walina waxaa laga garan karaa Puntland dulduleelkii ka soo baxay booskii uu baneeyey. In awoodihii boqortooyinku aamini waayaan Cali-Dhuux waxay ka dhigantay qisadii ka dhacday dagaalkii Ethopia iyo Soomaaliya oo ahayd in Siyaad Barre uusan rabin in dagaalka lagu guuleysto isaga oo ka cabsi qabey in Cabdullahi Yuusuf soo caanbaxo. Maxamed Siyaad Barre oo ka hadlayey mishin dagaalka Soomaaliya dan u ahaa kaas oo ahaa in Cabdullahi Yuusuf qabsado Addis-Abbaba si loo soo afjaro dagaalka, waxuuna Siyaad Barre shiraas ka yiri: ”Maxaad rabtaan in la maqlo magac aan ka ahayn kayga” Mar labaad ayaa taariikhdii mid la mid ah ku habsatey Puntland,waana kolkii shacabkii Puntland oo intii Siyaad Barre xasuuqay maahane intii kale ee Khaliif shiikh Maxamuud intuusan dhiman firxadkoodii meel isugu keenay, uu Maxmed Faarax Caydiid oo bililiqo doon ahi u soo dhacay. Kolkaas ayaa Cabdullahi Yuusuf oo dagaal kula jira ********taas, waxaa dhabar jabin ku dhuftay, wadaado iyo siyaasiyiin is bahaystay. Gaashaanbuurtaas oo tixraacaya qaabkii hogaamihii hore ee Puntland Cali-Dhuux Aaden loo mijaxaabiyey ayaa yiri: ”Intii Cabdullahi Yuusuf na xukumi lahaa Caydiid ha na bililiqaysto.” Haddii Cabdullahi iyo Cali-Dhuux xukunkooda shacabka Puntland ka doorteen in cadowgoodo xasuuqo ama bililqaysto, waxaa laga yaabaa in kuwa garaadka yari dhahaan: ”Ha la iska dhaafo shacabku meeshii uu rabo ha aadee.” Kuwa sidaas maskaxdoodu iftootay waxaa lagu wara celin karaa, haddii geelaagu dugaaga ooda u jabiyo ma waxaad oran: ”Nagadaaya dugaagu ha warjeefee” Shacabka iyo boqorada reer puntland waxaa ka hoos baxday tixdii Qamaan Bulxan lahaa: “…..Nin walaalki doorsaday Ilaah darajo siin waa, meeshaad ina adeerkaa dhigtay baad ka hawiseysaa…….” Haddaba aan ku soo laabano dulucda mawduuca oo ah wax qabad la’aanta wasiirada Puntland. Waxaa adduunka looga yaqaan maamulka Puntland “madax ka nool” oo malaha loola jeedo in aan qof wax qaban karaa uusan ku jirin maamulka aan ka hayn Cabdullaahi Yuusuf, haddaba far kaliya fool ma dhaqdaa?. Madaxweyne kuxigeenka iyo gudoomiyaha baarlamaanka Yuusuf Xaaji Saciid ayaa ahaa niman hufan oo cadowga gaashaan uga ahaa Puntland, laakiin reer puntland wali waxay sugayaan in uu war shaafiya ka siiyo madaxweyne kuxigeenku Maxamed Cabdi Xaashi waxuu Ameerika uga dagey kolkii tuugtii Carta dadka iyo dalka dhibayeen, laakiin Yuusuf Xaaji wali wax ceebaal ah laguma hayo. Waxaa in la casilo mudan dhamaan wasiirda Puntland aan ka ahayn wasiir-kuxigeenka warfaafinta Cabdishakuur Mire Aaden oo aad moodid in uu la jaan qaadi karo siyaasada Puntlland. Cabdishakuur waxuu u dhigmi karaa afayeenada adduunka kuwa ugu caansan, dhanka soomaalidana waxaa soo ha weysan kara Maxamed Aaden Qalinle oo ka tirsanaa RRA (********* Resistance Army) intii ay caafimaadka qabtay, laakiin ka dib ku daba faylay kooxdii Ismaaciil Cumar Geelle u abuuray in ay soomaalida ka macsiyeystaan ee Carta. Waxaan rajeyneynaa in aan Cabdishakuur amaantayada amar ka qaadin, ee uu shaqada sida ay tahay u sii wado inta laga helayo kuwa uu garabsado. Hadda Cabdullahi Yuusuf waxuu ku socdaa in uu noqdo madaxweynaha dawlada federaalkaa ee Soomaaliya, kolkaas waa in uu ka digtoonaa shaqaaleynta kuwa la midkaa shaqsiyaadkii inta Cabdiqaasim jaadka u qaado u ku tuugsan jirey intuu hoteel ku xirto. ”Hindiya ayaa waxaa ka jira dhaqamo u eg kuwa Cabdiqaasim sameeyo waana inta ilmuhu waalidkood indhaha ka ridaan ay ka dibna ku tuugsadaan” Waxaana la mid ah waxii Cabdiqaasim ka sameeyey Xamar oo ahayd in uu wasiiro ku sheegyo indha la’ uu carabta ku dawarsado. Taariikhdu isma qorto ee dadkaa qora, haddaba waa in Cabdullahi cal dheer ka fulaa in aysan ku dhicin mid la mid ah taariikh xumadadii ay ka tageen kacaankii iyo kooxihii bililiqado sida Carta. Waxaa looga badbaadi karaa taariikh xumada kolka aad tahay madaxwenye dal in aad adigu kolka hore la timaadid karti dheerad ah, ka diba aad maamulkaaga ka dheereysid kuwa aan xulka ahayn. Cali-Dhuux waxuu soo qabtay waa la soo dhaafay in kasta oo taariikhdu dib u xusi doonto, laakiin maadaama bartamaha laga jiro xilligii Cabdullahi waa in uu dib ugu laabto qoristii wasiirada Puntland. Kuwa mustaqbalka uu Soomaaliya u dhisi doonana uu ka beeraandagaa inta uusan ku dhawaaqin. Dhamaan wasiirada Puntland iyo Soomaaliya loo magacaabi doonaa waa in ay ummada u horseedaan horumar. Qadiyada dalkana mid gaar ah iyo guudba aan lagu galadin hadal aan maskaxada ka soo dhalaalin, oo cadowgu daldalool ka hel karo iyo gabdho jacayl awgiis. Ali Shire Jamac Sharmaake@hotmail.com Mudugonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites