Liqaye Posted April 20, 2004 Ardey ka qalin jabisey Jaamacadda Camuud Axmed Siciid Cige-BBCSomali.Com Jaamicadda Cammuud oo ku taalla deegaan qurux badan oo buuro iyo dooxooyin u dhow oo ilaa sagaal Km dhinaca woqooyi bari kaga toosan magaalada Boorama, ayeey Sabtidii u ahayd maalin weyn. Waxaa Sabtidii dadka halkaasi isugu tegay oo qaarkood ay meelo dheer uga yimaaddeen ay goob joog u ahaayeen qalinjebinta 24 arday oo ku dhammeystay Jaamicadda Cammuud waxbarasho Jaamicadeed. Dufcaddii labaad Ardeydaasi waxa ay yihiin dufcaddii labaad ee ka baxda Jaamicaddaasi, iyadoo afar ka mid ahi ay gabdho yihiin. Dhammaantood dufcaddani waxay wax baranayeen muddo shan sano ahayd oo ay ka qalin jebiyeen kulliyadda maamulka iyo maareynta ganacsiga, siduu ii sheegay guddoomiyaha Jaamicadda Cammuud professor; Suleemaan Axmed Guuleed, Guddoomiyaha oo isagu rasmi ahaan kaga dhawaaqay xafladdaasi qalin jebinta dufcadda labaad wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay in durbaba qaar ka mid ah ardeydan qalin jebisay Sabtidii ay shaqooyin heleen oo la sii carbuuntay, iyadoo buu yidhi dufcaddii ugu horreysay ee ka baxda Jaamicadda Cammuud ay haatan wada shaqeeyaan. Prof. Soleyman Axmed Guuleed Professor Suleemaan Axmed Guuleed wuxuu hadalkiisa ku xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay taageerada Jaamicadaha Cammuud iyo Hargeysa ee dawlad iyo shicibba si ay u taabbagalaan ayuu yidhi. Ardeyda qalinjebineysay Sabtidii ayaa lebbisnaa jubbaddo iyo koofiyaddo madow oo ah dharka ay caanka ku yihiin marka ardeygu dhammeysto tacliintiisa Jaamicadda. Jawigana waxaa sii bilay iyadoo roobabkii gugu ay ka da'ayeen maalmahanba gobolladan. Qeybaha Jaamacadda Jaamicadda Cammuud waxaa rasmi ahaan loo furay sannaddii 1998kii, waxayna ka koobantahay ilaa iyo hadda kulliyadaha waxbarashada, caafimaadka, iyo maamulka iyo maareynta ganacsiga. Waxaa kaloo ka furan Jaamicadda Cammuud barnaamijka tababarka macallimiinta oo heer diploma ah oo ay maalgeliyaan Ururka midowga reer yurub iyo dowladda Denmark. Dufcaddii ugu horreysay ee dhammeysata waxbarasho Jaamicadeed waxay ka qalin jebisay Jaamicadda Cammuud 23kii bishii Julay ee sannadkii 2003da kuwaas oo ahaa 32 arday. Quote Share this post Link to post Share on other sites
miles-militis Posted April 20, 2004 Congrats indeed – the more the merrier! Well done to all. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted April 20, 2004 Well done all round, its a wonderful moment. Masha Allah. Quote Share this post Link to post Share on other sites