Liibaan Posted June 22, 2010 Kulanki Labaad ee Golaha Khusuusida/Parliement oo Caasimada SSC ee Buuhoodle kafurmay waxaa Maanta magaalada Buuhoodle ee xurunta Gobolka Cayn sitoos ah uga farmay kulankii labaad ee golaha khusuusida ssc kulankaas oo uu shir gudoomiye ka aha Gudoomiyaha Khusuusida SSC C/risaaq Gacamey. Kulankaas oo ay kasoo qaybgaleen inta badan xubnaha Golaha Khusuusida oo loogaga hadlayay xaaladihi ugu danebeyay ee SSC. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 22, 2010 oo maxay khuusuusigu ka shirayan ileen wasiir puntland ba jooga buhoodle iyo xildhibaan somaliland eh shirka kuwasi may ka so qeyb gallen lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted June 23, 2010 Kalfadhi ay maanta Golaha Khusuusidu ku yeesheen Magaalada Buuhoodle, SSC, Somalia Kalfadhigii labaad ee ay iskugu yimaadaan golaha Khusuusida gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maanta ka dhacay xarunta ay ku leeyihiin magaalada Buuhoodle. Kalfadhigii labaad ayaa hore uga dhacay magaalada Buurowadal oo hore golaha khusuusidu u fadhiyi jirtay. Kalfadhiga maanta ayaa waxaa ka soo qaybgalay 16 xildhibaan oo dhamaantood wakhtigan xaadirka ah ku sugan magaalada Buuhoodle ee xarunta u ah gobolka Cayn. Halka ay goobtaa ka maqnaayeen shan xildhibaan oo duruufo gaar ah awgeed maanta ka soo qaybgeli kari waayey kalfadhigaa labaad. Waxayaabaha kalfadhigaa labaad lagu soo qaaday ama lagaga wada hadlay waxaa ka mid ahaa in shaqo maalmeedka golaha khusuusida la dedejiyo iyada oo la kulmayo shan maalmood todobaadkiiba. Waxaa kale oo laga wada hadlay sidii saacado goan maalin walba loo kulmi lahaa iyada oo la ilaalinayo wakhtiga shaqada. Waxaana si qoto dheer looga wada hadlay kalfadhigii maanta oo noqday kii labaad ee golaha in sida ugu dhakhsaha badan loo dejiyo looguna dhaqaaqo sharci dejin deg deg ah oo khaas u ah golaha khusuusida iyo habkii ay u dhaqmi lahayeen. Waxaa kale oo goobtaa maanta ka soo baxay in xarunta golaha khusuusidu ay si ku meelgaadh ahaan ah u noqon doonto magaalada Buuhoodle inta laga xoraynayo magaalada Laascaanood oo magaalo madax u ah gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay hada gacanta ku hayaan ciidmada Soomaalidiidka ah ee ka soo doolay magaalada Hargeysa. Golaha Khusuusida iyo Hogaanka midaynta iyo badbaaduba waxaad maalmahan ka soo baxay ama laga arkaa in ay shaqadoodii loo doortay si rasmi ah ugu guda jiraan muhiimadana ay saarayaan sidaaa magaalada Laascaanood iyo magaalooyinka kale ee maqanba loo xorayn lahaa sida ugu dhakhsaha badan. Buhodle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites