Sign in to follow this  
Haatu

Ugaarsiga Beesha Xisbul Islaam ee Gobolka J/Hoose

Recommended Posts

Haatu   

Dagaalada Jubooyinka Oo Qaab Beeleed Isu Rogay

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Afmadow ayaa sheegay inmaleeshiyaad isku dhaf ah oo shababka & kuwo beeleed ka soo gurm,aday Gobolka Gedo ay la wareegeen degaanka Xagar oo u dhaxeysa degmada Ceel Waaq & Afmadow, degaanka ayaa la sheegay iney gacan ku hayeen Maleeshiyaadka Raskambooni ee Ururka Xisbul Islam.

 

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Shababka & kuwa Beeleedka ay durbadiiba ka bilaabeen baaris xoogan oo guryaha degaanka, iyadoo ay barbar socoto Bililiqo xoogan boob, waxaana la sheegay in qaar kamid ah odayaal dhaqameedka magaalada Xagar la xiray halka kuwo kale loo gaystay jidh dilo, hanjabaad iyo cago-jugleeyn. Maleeshiyaadka Shababka ka soo gurmaday dhinaca gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa inay odayaal dhaqameedka ku eedeeyeen inay la shaqaynayaan maleshiyada Xisbul Islaam ee ku sugan magaalada Afmadoow.

 

Degaanka Xagar ayaa waxaa fariisin ka samaystay Maleeshiyaadka xoogagga Al-shabaab, waxeyna dhowr jeer weerar ku soo qaadeen degmada Afmadow, inkastoo dib loo riixay, degmada Afamadow ayaa weerar seddex xagal ah lagu hayaa, aagan ayaa la sheegay iney qorsheynayaan iney ka weeraraan degmada Afmadow, iyagoo kaashanaya Maleehsiyooyin kale ka soo talaabay buundada Bu’aale ayaa iyaguna waxeyna fariisin ka sameysteen xabaalo culumo oo duleedka Afmadow ah dhanka Bu'aale, sidoo kale weerar kale ayeey ka wadaan Shababka degaanka Sooyo oo u dhaxeysa Janaay cabdalla & Canjeel oo dhanka Kismaayo ah

 

Horjoogayaasha Al-shabaab ee isku soo urursaday degaanada Xagar, Sooyo, Xabaalo Culumo ayaa la sheegayaa inay qorshaynayaan inay weerar kama dambeysa ah oo rogaal celis ah ku bixiyaan magaalada Afmadow iyadoo gulufyadii ugu dambeeyay ay guuldaro ku dhamaaday.

 

Dhanka kale Weerarkii ay qaadeen shalay gabal-dhicii Tuulada Buulo Xaaji ayaa la sheegay in uga dan lahaayeen sidii loo wiiqi lahaa awoodaha maleeshiyaadka MJ ee la baxay Caanoole kuwaasoo ku sugnaa degaanka kadib markii laga soo saaray magaalada Kismaayo, waxeyna maleeshiyadani gacan siin jireen kuwa Raskambooni ee difaaca uga jira degmada Afmadow aaga Sooyo, dagaalka xalay ayaa la sheegay inuu khasaare kala duwan soo gaarsiiyay labada dhinac.

 

Dagaalada ka socda Jubooyinka ayaa u muuqda mid isku bedelaaya mid beeleed, kadib markii Maleeshiyaada Gurmad ah oo gaareen dhinaca Shababka (S*de) kana soo gurmaday Gobolada Gedo, halka Maleehsiyaadka Mucaskarada raskambooni & Caanoole la sheegay iney gurmadyo xoogan ka heleen Beelaha Kabl*lax, la arki doonee halka ay ku biyo shubtaan dagaaladani

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this