Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Another One is Gone - Allah ha u Naxariisto

Recommended Posts

Garoowe (Jidbaale.com) Taliyihii hogaanka ciidanka Kulmiska Dawlad Goboleedka Puntland yaa saaka ku geeriyoodey shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Tuka-Raq oo ay fadhiyaan ee u dhaxaaya magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood.

 

 

Marxuum Xiif Cali Taar ayaa horey u ahaa taliyaha ciidamada dawlada Federaalka KMG ah ee gobalada dhexe, waxaase mudooyinkii ugu dambeeyey uu ahaa taliyaha ciidanka Kulmiska Puntland waxaana uu ku sugnaa fariisimada ciidamada Puntland ee ku sugan jiida hore ee dagaalka, isagoo ahaa taliyaha ciidamada Puntland.

 

Marxuum Xiif Cali Taar ayaa wuxuu saaka ku geeriyoodey shil baabuur oo ka dhacay Tuka Raq waxaana la gadoomay gaarigiisii gaarka ahaa oo ah Land Cruiser waxaana shilkaasi uu dhaawac ka soo gaarey afar ka mid ah ciidamadii la socdey taliyaha.

 

Wariyaha SBC International ee magaalada Garoowe C/naasir Yaasin ayaa soo sheegaya in meydadka Marxuum Xiif Cali Xiif Taar iyo dhaawicii la socdeyba goor dhaweyd la keenay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaana lagu wadaa in lagu aaso magaalada Garoowe galabta, iyadoo aaskiisa ay ka qayb gali doonaan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ALLAHA u naxariistee Marxuum Xiif Cali Taar oo ahaa Taliyihii ciidanka hogaanka Kulmiska dawlad Goboleedka Puntland ee maanta ku geeriyoodey shilka baabur ayaa aaskiisii wuxuu ka dhacay qabuuraha duleedka magaalada Garoowe.

 

Aaska Marxuum Xiif Cali Taar ayaa waxaa ka aaskiisii ka soo qayb galey masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Puntland oo ay ugu horeeyaan madaxweyne kuxigeenka Xasan Daahir Af-Qurac, xubnaha golayaasha xukuumada & baarlamanka iyo dadweyne aad u fara badan.

 

Goobtii aaska oo ay isugu yimaadeen boqolaal dadweyne ah ayay waxay muujiyeen sida uga tiiranyeysan yihiin geerida Marxuum Xiif Cali Taar, waxaana dadkii halkaasi ka hadley ka mid ahaa Madaxweyne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir oo ka sheekeeyey taariikhda iyo waxyqabadkii Marxuum Xiif iyo halgankii uu soo galey difaaca xuduudaha Puntland.

 

Madaxweyne kuxigeenka ayaa dadka reer Puntland uga tacsiyeey marxuumka waxaana EEBE uu uga baryey in uu naxariistii jano ka wareebiyo.

 

Sidoo kale waxaa aaskaasi ka hadley Suldaan Siciid Max'ed Garaase waxaana suldaanku uu sheegay in naf kasta oo EEBE abuuray ay dhadhaminayso geerida, sidaasi darteed qof kasta looga baahan yahay in uu ka shaqeeyo sidii uu ula imaan lahaa cibaado uu ugu dhawaanayo naxariista EEBE.

 

 

Buuhoodlemedia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this