Sign in to follow this  
BiLaaL

Qodobo kasoo baxay shir Jaraa'id oo lagu qabtay magaalada Asmara

Recommended Posts

BiLaaL   

Muqdisho,18,April-07 (Qaadisiya.com) Guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo raysal wasaare ku xigeenka kooxda Imbagati Xuseen Ceydiid ayaa kulan ka yeeshay xaalada dalka uu haatan ku sugan yahay ayagoo gabagabadii kulankaasi soo saaray war saxaafadeed loo qeybiyay saxaafada.

 

Warmurtiyeedkaasi oo ka koobnaa 12 qodob ayaa waxaa saxaafada u akhriyay guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif ayadoo labadiisa dhinac ay taagnaayeen guddoomiyaha baarlamanka iyo ra'iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta halka wakiilo ka socda beesha caalamka oo lagu casuumay shirka ay goob joog ahaayeen.

 

1) Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka in ay soo fara galiyaan dagaalada ciidamada Xabashida ay kawadaan magaalada Muqdisho ayagoo adeegsanaya madaafiic aan loo meel dayin.

 

2)Waxaan canbaareynaynaa xasuuqii ciidamada Xabashida ay ka gaysteen 29kii bishii March ilaa 1da april oo lagu laayay in kabadan 1086 qof,laguna dhaawacay 2400 oo qof halka boqolaal kun ay ku barakaceen.

 

3) Waxaan canbaareyneynaa bur burinta baaxada leh ee loo gaystay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Wardhiigley,Yaaqshiid iyo Huriwaa oo ku fadhiya masaafo dhan 10km oo si gaar ah ay u bartilmaameedsadeen ciidamada Ethioipa.

 

4)In ciidamada Xabashida ee duulaanka ku soo galay dalka Soomaaliya ay ka baxaan si loo abuuro jawi lagu nabadeyn karo dalka Soomaaliya.

 

5) Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in dawladda Ethiopia ay culeys ku saaraan in ay joojiso ciidamada faraha badan oo ay u soo direyso dalka Soomaaliya kuwaasoo ujeedkoodu yahay sidii xasuuq kale ay u gaysan lahaayeen.

 

6) Waxaan canbaareyneynaa socdaalkii Jendayi Frazer ay ku tagtay magaalada Baydhabo oo lagu dhiiri gelinayay xasuuqa ciidamada Xabashida ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

 

7) In beesha caalamka ay guddi caalami ah u dirto magaalada Muqdisho si ay u soo baaraan xasuuqii Muqdisho ka dhacay isla markaana lala xisaabtamo raga ku lugta leh xasuuqii ka dhacay magaalada Muqdisho 29kii March ilaa 1-da April.

 

8) Waxaan canbaareyneynaa xabsiyada lamidka ah xabsiga Guantanamo ee Ethiopia ay ka sameysatay dalkeeda ayna maamulaan raga maamula Guantanamo kuwaasoo jirdil ba'an u gaysta dadka rayidka ah ee aan wax danbiyo ah galabsan.

 

9) Waxaan u sheegeynaa beesha caalamka in ciidamada Uganda ay gaashaan u yihiin gumeysiga Ethiopia ay ku soo rogtay dalka Soomaaliya.

 

10) Waxaan canbaareynaynaa mowqifkii wadamada Kenya,Ethiopia iyo Uganda ay ka istaageen shirkii dhawaan ururka IGAD ay ku yeesheen magaalada Nairobi kaasoo lagu taageeray cadaawada ciidamada Xabashida ay ka wadaan magaalada Muqdisho, waxaan soo dhaweyneynaa mowqifkii wadamada Suudaan,Jabuuti iyo Eritrea ay iska taageen xaalada Soomaaliya, waxaana ugu baaqeynaa 3daasi dal in ay soo fara geliyaan xaalada Soomaaliya si loo joojiyo xasuuqa ciidamada Xabashida ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

11) Waxaan ugu baaqeynaa hay'adaha samafalka kuwa caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah in gurmad deg deg ah ay la gaaraan dadka tabaaleysan ee ka barakacay dagaalada Muqdisho ka socda kuwaasoo roobab iyo cuduro ay isugu darsoomeen.

 

12) Waxaan soo dhaweyneynaa shirkii magaalada Liister ay ku yeesheen jaaliydaha Soomaaliyeed, waxaana si buuxda u taageersanahay qodobadii laga soo saaray shirkii Liistar.

 

Shirkan ayaa ku soo aaday xilli weli ciidamada Xabashida ay xasuuq ka wadaan magaalada Muqdisho ayagoo xalay ku asqeeyay madaafiic qeybo ka mid ah magaalada taasoo muujinaysa sida weli ay ugu ooman yihiin daadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

jose caydeed open his mouth again!! talk about being famous for putting your foot in your mouth 24/7! i need to get name for this homie..!

 

well afkaabo should be his name!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   
Rudy - One will have to wait and see where Aydid ends up, but i much prefer the words he's uttering in the last few weeks than his old self. Repentace is open to all. I only hope that his recent words are an indication of a deeper sense of true repentance on his part. Besides, Aydid was a heavyweight in the TFG and his apparent switch of sides, even if for a brief moment, can only benefit the resistance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

say bilaal...! i just cant understand u and afkaabo in the same boat!! lool. i hope u hid your life jacket. cuz that homie aint got no life jacket with him. hes clueless. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this