Sign in to follow this  
General Duke

Demonstrations in Mogadishu, Galkacyu,Garowe and Bossaso in support of PM President

Recommended Posts

Banaanbax1.JPG

 

BANNAANBAX LAGU TAAGEERAYO MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF IYO RA’IISAL WASAARE GEEDI OO KA DHACAY MUQDISHO

Somaliweyn.com (Mogadishu 19/03/05)

 

Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna bannaanbaxayaasha oo sitay boorar ay ku qornaayeen halku-dhigyo ay ka mid yihiin:

 

“Dowlad-diide doonimeyno, Doolar qaate doonimeyno, waxaan taageersanahay Ciidamo Afrikaan ah oo aan la kala sooceyn in dalka la keenoâ€.

 

Dadka bannaanbaxayay ayaa socod dheer ku soo maray qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, wuxuuna bannaanbaxani ahaa kii ugu horeeyay ee lagu taageerayo Dowladda Federaaliga ah oo ay soo bandhigaan bulshada magaalada Muqdisho, waxaana dadkii bannaanbaxayay la socday ciidamo hubeysan, kuwaas oo loogu talagalay inay kahor tagaan kooxaha diidan in la muujiyo fikirka lagu taageersan yahay Dowladda Federaaliga ah.

 

 

Idaacadaha Muqdisho ayaan soo hadal qaadin bannaanbaxan, iyadoo ay muuqato in qaar ka mid ah Idaacadahaasi ay si toos ah uga shaqeynayaan sidii loo kala dhantaali lahaa qorshaha Dowladda ee ku aadan dib u dhiska iyo samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax lagu taageerayo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi oo maanta ka dhacay magaalada Bosaaso

 

Bosaso :- Banaanbax aad ubalaaran oo ay kasoo wada qeyb galeen shacabka magaalada iyo maamulka Gobalka ayaa saaka ka dhacay bartamaha magaalada Bosaaso.

 

Banaanbaxan oo ay ka qeyb qaateen dad aad u badan oo lagu qiyaasay kumanaan ayaa ahaa mid lagu taageerayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi isla markaana looga soo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo ay dadkii mudaharaadayey ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah,

 

Dadkan isugu soo baxay banaanbaxan ayaa si weyn u dhaliiceenaya dagaalkii ka dhacay Baarlamaanka Federaalka ayagoo markaasi ku eedeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka ninka sababta u ahaa dagaalkaasi.

 

Dadkan oo qaarkood wateen boorar ay uu ku masawiran yahay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqayey in ay taageerayaan mooshinka Ra'iisul Wasaaraha uu ku codsaday ciidamada nabad sugida ah.

 

Mudaharaadkan ayey ka khudbeeyeen xubno kamid ah maamulka Gobalka iyo dowlada Puntland kuwaasi oo ay ku jireen guddoomiyaha degmada Bosaaso Mr.Rooble Cumar iyo Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xaaji Bakiin iyo xubno kale ayaa si weyn u dhaliiceeyey qaabkii uu u dhacay kala fadhigii ugu danbeeyey ee Baarlamaanka Federaalka.

 

Waxaa sidoo kale dhaliiceyn weyn mudaharaadkan looga soo jeedshay Idaacada BBC-da Laanteeda Afsoomaaliga oo lagu sheegay mid aan dhex dhexaad ahayn, isla markaana u xaglineysa qeyb kamid ah kooxaha ku dagaalamay Baarlamaanka.

 

Dhanka kale waxaa ayaguna jira dad kamid ah shacabka Puntland oo ayagu taageersan in dalka Soomaaliya aan la keenin ciidamo ka socda safka hore balse mudaharaadka maanta ka dhacay Boosaaso ayaa ah kii ugu horeeyey oo ay shacabka Puntland uga qeyb qaadanayaan oo lagu taageero Xukuumada Federaalka.

 

Waxaa sidoo kale jiray mudaharaadyo la qorsheeyey in ay ka dhacaan magaalooyinka Qardho, Garowe iyo Gaalkacyo oo ayagu dib u dhac ku yimid.

 

Shacabka ayey ka muuqataa in aysan ku mideysneyn arrinta keenista ciidamada ayadoo maamulka Puntland uusan weli ku dhawaaqin wax mudaharaad ah oo lagu sameeyo Puntland ayaa hadana la oron karaa waxaa socda dhaq dhaqaaqyo lagu abaabulayo mudaharaadyo ay shacabka ku dhiibanyaan aragtidooda.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Bosaso, PL Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isu soo baxa ka dhan ah guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya oo ka dhacay Garoowe

 

Garoowe-19.March.2005 Isu soo bax ballaaran oo lagu diidan yahay xaaladdii uu fadhigii baarlamanka ka dhaliyey guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa saaka laga oogey xarunta maamul goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe.

 

Waxaa maanta gebi ahaanba irdaha loo laabay goobaha ganacsiga ee magaalada Garoowe, iyadoo la fasaxay ardayda kala duwan ee dugsiyada magaalada Garoowe, si ay uga qayb qaataan mudaharaadka looga soo hor jeedo dhacdadii 17-kii bishan March ka dhacday magaalada Nairobi ee la isku fara saaray fadhigii golaha baarlamanka Soomaaliyeed.

 

Mudaharaadkii maanta ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa si weyn looga dareemay saamayna ku yeeshay ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta maamulka gobolka Nugaal.

 

Bannaan bixii maanta ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka warfaafinta, Geesood iyo wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga Siciid Qoosheel, wasiirka caafimaadka, C/raxmaan Dhegaweyne, wasiirro kuxigeenno iyo maamulka degmada iyo gobolka Nugaal.

 

Waxaa sidoo kale, ka soo qayb galay dibadbaxaas oo si weyn loogu dhaliilay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, cuqaasha iyo nabaddoonna gobolka Nugaal iyo ardayda magaalada Garoowe oo lulayey calanka Soomaaliya iyo caleemo qoyan.

 

Dadweynihii isu soo baxay ayaa ku dhawaaqayey “dooni meyno go’aankii uu keligiis qaatay Shariif Xasan Shiikh Aadanâ€.

 

Dhinaca kale, bannaanbax ballaaran oo ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo maanta ayaa la ujeeddo ahaamidkii ka dhacay magaalooyinka Boosaaso Qardho iyo Garoowe, waxana dadkii isu soo baxay meel fagaare ah uga khudbeeyey mas’uuliinta gobolka Mudug, waxnay sheegeen in ay si weyn uga soo hor jeedaan go’aanka guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, isla markaasna ay taageersan yihiin go’aankii uu qaatay ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Cnaasir Yaasin

SBC Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this