General Duke Posted March 25, 2008 Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay Shir Golaha Xukuumada kaga hadlayeen arrimaha dib u heshiisiinta, ammaanka iyo suurta gelnimada daqli uruurin laga bilaabo dalka. 25. marts 2008 Muqdisho (AllPuntland) - Madaxweynaha Soomaaliya mudane cabdulahi Yusuf Axmed ayaa manta ka qeyb galay shir ballaadhan oo ay yeesheen golaha xukuumada dowladda federaalka soomaaliya. Madaxweynaha ayaa hadalo ka jeediyay shirkaas oo ay soo xaadireen wasiiro ka tirsan xukuumada raisalwasaare nuur cadde Shirkan Golaha Xukuumada oo ahaa mid dhinacyo badan looga hadlay ayaa muhiimada ugu weyni ay aheyd arrimaha ammaanka iyo dib u heshiisiinta, waxaana madaxweynuhu ka jeediyeen talooyin muhiim ah. Afhayeenka Dowladda Cabdi Goobdoon ayaa u sheegay AllPuntland in Madaxweynaha si weyn ugu dhiira geliyay golaha xukuumada in ay laba laabaan waajibaadka horyaala. Wuxuu Afhayeenku sheegay in la is weydaarsaday aragti kala duwan oo ku wajahan ammaan ku soo dabaalida caasumada oo uu madaxweynuhu ku booriyay in ay xukuumada horay ugu socoto sidii ay xal ugu heli laheyd mushaakilaadka ka dhaca Muqdisho. Ahmiyada ugu weyn ayaa waxay aheyd in la bilaabo daraasad suura gelineysa in daqli uruurin laga sameeyo dalka, si muhiim ugu noqoto xasilinta dalka oo idil, isla markaana ciidamada kala duwan u helaan gunooyin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 25, 2008 Muqdisho: Golaha Xukuumada soomaaliya oo maanta meel mariyay Istiraatiijiyadii dib u heshiisiinta ee uu ku dhawaaqay Raisalwasaare Cadde. 25. marts 2008 Muqdisho (AllPuntland) - Golaha Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay istiraatiijiyada dib u heshisiinta ee uu dhowaan shaaciyay Raisalwasaare nuur xasan xuseen. Kulan maanta Golaha wasaaradaha ku yeesheen Hoyga Raisalwasaaraha, isla markaana uu shir gudoominayay Mr Cadde ayaa loogaga hadlay istiraatiijiyada dib u heshiisiineed. Raisalwasaaraha ayaa hordhigay golihiisa Xukuumada istiraatiijiyada dib u heshiisiinta, taasoo ugu dambeyn ay ansixiyeen. Sida uu saxaafada u sheegay Afhayeenka Dowladda Cabdi Goobdoon waxa uu tilmaamay in Golaha wasiirada ka wada munaaqishoodeen ajande badan oo loogaga hadlay kulankoodii. Wuxuu sheegay in Raisalwasaaraha soo jeediyay talooyin badan oo ku wajahan arrimaha dib u heshiisiinta, taasoo ay ugu wada riyaaqeen golaha wasaaradaha. Mr Goobdoon waxaa uu carabka ku adkeeyay in Golaha Xukuumada is tuseen arrimaha ka taagan caasumada, waxayna isla ogolaadeen in la diyaariyo barnaamij buuxa oo loo wajahayo ammaanka caasumada muqdisho. Golaha Wasaaradaha ayaa ansixintooda barnaamijkan ka dambeysay, ka gadaal markii uu raisal wasaaruhu usoo bandhigay documentiga istiraatiijiyada dib u heshiisiinta, waxaana sidoo kale la filayaa in Baarlamaanka soomaaliya uu ka doodo si uu u ansixiyo. Cabdicasiis Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites