Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sool iyo Sanaag Bari: Diiwaan-gelinta Dareenkii laga qabay iyo daah-furka cusub

Recommended Posts

waxa dad badani walaac mug leh ka muujinayeen sida ay suuro gal u noqon doonto in diiwaangelinta codbixiyaashu ay ka qabsoonto meelo badan oo ka tirsan Gobolada bari ee Somaliland maadaama oo ay meelahaas ka jiraan is haysasho dhinaca maamulka oo degmooyinka qaar ay ka jiraan laba maamul oo Somaliland iyo puntland ah.

 

Hadaba waxa arrin aad u xiiso badan noqotay in si buuxda ay uga dhacday diiwaan-gelintu dhamaan goobahaas shakiga laga qabay oo u badan bariga gobolka ugu baaxada wayn Somaliland ee Sanaag iyo goobo kale oo ka tirsan gobolka sool marka laga yimaado goobo kooban oo ay maalmo dib u dhaceen.

 

Hadaba, waxa aan jecelahay in aan hoos ugu daadago waxyaabihii aan indhahayga ku soo arkay iyo dareenadii aan la qabay in badan oo ka mid ah bulshadii aan isku fikirka ka haysano ama sawir-maskaxeedka gobollada sanaag iyo sool aniga oo ka mid ah hawl-wadeenadii komishanka doorashooyinka metelayay ee diiwaan-gelinta loogu talo-galay inay dadka ka qoraan macluumaadka ku saabsan kaadhadhka la bixiyay ee jinsiyada iyo codbixinta.

 

Abaaro 7:30 habeenimo ayaan magaalada burco dhinaceeda bari uga huleelay annaga oo ka koobaan ku dhawaad shan boqol oo gaadiidkii iyo hawl-wadeenadii ka fulinayay diiwaangelinta gobolka sanaaag isugu jira, hal cabaar ah markii aanu afka saarnay jidka laamiga ah ee laascaanood taga, isla-markaana aanu isha ku dhufnay tuuladii u horaysay oo ahayd magaalada Beer, waxa indhahayaga soo jiitay oo aan isha ku dhuftay goobihii makhaayadaha ee ay dadka deegaankaasi cawaysinka isugu yimaadaan oo aan ku arkay dhawr nin oo ku lebisan macawiso gaagaaban garbahana ay u sudhan yihiin qoryaha hubka ah. dhawr tuulo oo kalena markii aanu dhaafnay oo aan gaadhay ina af-madoobe waa halka looga leexdo jidka oo uu ka bilaabma jidka rafka ah ee Ceerigaabo looga daadago. Waxaanu kolba dhinac ula dheelino jidkaas rafka ah waxaanu isa soo taagnay Waridaad waa magaalada kala badhka u ah wadanka Somaliland, iyadana waxa aan ku arkay dad badan oo hubaysan, hada garo’oo ma sitaan dirays ciidan ee waa shicib. Iyadana waa ka gudubnay oo dhaafnay. “Waar cabdiqani dadka qoryaha wada sita caruur iyo ciroole xagee laga soo weerarayaa oo colka loogu sheegay.” Sidaa waxa igu yidhi Wadihii gaadhiga aanu saarnay mr Jamaal oo isagu igala mid ahaa dareen ahaan dadkan hubaysan ee aanu la yaabnay. Waxa uu ahaa gaadhiga aanu saarnay mid ka mid ah gaadiidkii dawladu ka dejisay masuuliyiinta xukuumada si ay uga qayb-qaataan hawlaha diiwaan-gelinta gaar ahaan goobihii uu madaxweynuhu kordhiyay, waxaana lahaa Badhasaabka gobolka cusub ee Gebilay, ku darsoo wadahayagu waxa uu ahaa nin aan magaalada burco dhinacna u dhaafin waligii.

 

“Saraari ma jidkii siraadbaa” waa odhaah aan igu cusbayn. Laakiin waxa ku wada dhawaaqay oo ay dhawr maalmood hadal-hays u ahayd odhaahdaasi kumanaan ka mid ah dadkii hawl-wadeenada diiwaangelinta ee uu maritaanka banka way nee saaraar ku cusbaa.

 

Gaadiidkii kolanyada ahaa ee isdaba-yaaca iyo baratanka ku jiray markii la marayay wadada laamiga ah ee u dhaxaysa hargeysa iyo burco, waxa u dambaysay iyo wadayaashii iyaga oo walaacsan iswaydiiyaan waar yaa wadada si fiican u garanaya, ilaa badiba wadayaashii ay noqdeen kuwo uu ku cusub yahay maritaanka jidkaasi. Sidaa daraadeed banka saaraar oo ay ka baxaan wadooyin aad u tiro badan awgeed, waxa kala halaabay gaadiid aad u tiro badan, kuwo badan ayaa maray wadooyin ay maraan gaadiidka shiidaalka koontarabaanka ah ka keena magaalada boosaase ee maamulka Puntland, gaadiid tiro badan ayaa anbaday oo dhexda laga soo celiyay.

 

Waxa aanu ku asqawnay banka saaraar markii aanu laba jeer ku soo noqnoqonay magaalada gar-adag ee intaanu ka baxnay hadana dib ugu soo laabanay ayaa nin reer sanaag ah oo isagau 7 gaadhi nagu horkacayay oo na hogaaminayay nagu war-geliyay inaan istaagno oo iska seexano banka, isaga oo taas ku macneeyay in aanu laftiisu waxba kala garanayn ilaa waagu-baryo. Markii aanu waxoogaa saacad iyo badh ah indhaha casaysanay ayaanu ka huleelay oo socodkayagii sii bilawnay. Waxa aanu gaadhnay tuulada fadhi-xun, ka dib ceel-afwayn markaas ayaanu nafisnay oo gaadiid badan oo iyaguna habeenimadii oo dhan banka ku laba jeer noqonayay isugu nimi socodkayagii ayaanu halkii ka sii bilawnay oo waxaanu gaadhnay magaalada yufle oo iyadu wax yar u jirta ceerigaabo waxaanuna galay magaalada ceerigaabo goor duhurnimo ah, socdaalkaasina wuxuu ahaa kii ugu dheeraa ee aan noloshayda maro 48 saacadood oo xidhiidhsan oo aan gaadhi dushii ku dhamaystay.

 

Qalinku ila taraarye aan ku soo laabto magaalada ceerigaabo oo si wanaagsan naloogu soo dhaweeyay, dadkuna diyaar u ahaayeen soo dhawayntayada iyo ka faa’iidaysiga tartankii goboladu ugu jireen in aan mid walba looga tiro badan. Gobolka sanaag waxa uu ku tartamayay in aan gobolka awdal ka tiro badan sida ay ku tiraabayeen dadkii deegaankaasi. Waxa jiray kutidhi-ku-teeno badan oo hoosta ka calaamadinayay in sababo nabadgelyo darteed aan loo tegi Karin meelo badan oo diiwaan-gelintu inay ka qabsoonto lagu waday laba maalmood ayay baqdin ka muujiyeen hawl-wadeenadii aanu ka tirsanayn qaarkood inay tagaan, deegaanada Dhahar, Badhan iyo meelo kale oo badan.

 

Waxase la yaab iyo amakaag noqotay raxan ama koox kolonyo ahayd oo ku qornaa inay hawsha ka fuliyaan degmada dhahar iyo intay xukunto inay ka baxeen magaalada ceerigaabo.

 

“Dhahar Somaliland awood kuma laha, waxa degan oo saanad hub ku haysta nin deegaankaas u dhashay oo madaxweyne ku-xigeen uga sharaxan puntland.” Hada hadalkani waa weedhihii ay qaar ka mid ah reer sanaag dhalinyaradayada hawl-wadeenada ah ku cabsi-gelinayeen si ay uga baaqdaan hawshaas.

 

Hase yeeshee, waxa arintaas lingaxa ka furay xil wayna iska saaray, masuuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka ciyaaraha, Maxamuud Siciid, Xildhibaan Baar Siciid, Gudoomiyihii hore ee Komishanka Qaranka, Axmed Xaaji Cali Cadami, Xubno qurbo joog ah oo deegaankaas dhamaantood ka soo jeeda, Iyo Jaamac Sweden oo isagu ka tirsan saraakiisha komishanka oo mooraal ahaan ku horkacay kooxda dhahar, waxaana dhalinyaradii goobahaas tagtay qaadaan-waa ku noqotay waxa ay indhahooda ku soo arkeen iyo wixii looga sheekeeyay, “waxa nalooga horyimi oo nalagu soo dhaweeyay fardo, caleemo qoyan, wax kharash ah oo naga baxayna ma jirin, oo waxaanu ku Quraacan jirnay, ku qadayn jirnay, oo ku cashayn jirnay hilib.” Sidaa waxa yidhi sxbkay maxamed Cawil oo isagu ka mid ahaa kooxihii deegaanka Dhahar tagay ee aanu ku kala hadhnay magaalada Ceerigaabo oo iiga sheekaynayay sida ay kaaf iyo kala dheerida u yihiin waxyaabihii lagu mooraal-jabinayay ee lagu warxumo tashiilayay dadka deegaanka dhahar iyo dhalinyaradii komishanku u diray si ay uga fuliyaan hawlaha diiwaan-gelinta.

 

Kooxo ka mid ah kuwii iyagu ka baqay ee aan tegin deegaanada Badhan ayaa iyaguna walaac ka muujiyay ka baaqashadooda ka dib markii ay warsadeen sida loo soo dhaweeyay dadkii tagay Dhahar. Isku soo wada xooriyoo, deeranka laga qabay inay diiwaan-gelintu si nabadgelyo ah uga dhacdo Sanaag bari ayaa noqotoy riyadii xukuumada oo rumowday.

 

maadaama ay xukuumada kordhisay oo kharashkooda bixisay goobo dhan 150 oo isugu jira Sanaag Bari Sool iyo Buhoodle Sababtoo ah masuuliyiinta u dhashay laftooda ayaa hubaysnaa oo ay baqdini ku jirtay, wadayaasha gaadiidka ayaa hubaysnaaa, dhalinyarada qaarkood ayaa isku qoomamaynayay markii ay arkeen dadka deegaanadaas sida ay hubka ugu xarooganayaan.

 

Waxayse daaha ka rogeen dadka deegaankaasi inay la mid yihiin oo wax la qabaan walaalahooda gobollada kale, waxayna si wayn diyaar ugu ahaayeen inay la tartamaan, xaga sooryada dhalinyarada iyo xaga codka gobolkaba, waxayna u badeleen dareenkii cabsida lahaa ee laga qabay mid ka duwan oo ah dad bisil.

 

 

Deegaanka Buuhoodle iyo Doorkii Diiwaan-gelinta:

 

Deegaanka Buuhoodle waxa uu xukun ahaan sida caadada ah hoosyimaadaa oo ka tirsan yahay Gobolka Togdheer, hase yeeshee diiwaangelintii ka dhacday gobolkaas suurto-gal may noqon inay si la mid ah uga dhacdo deegaanka Buuhoodle, sababo la xidhiidha dadyawga deegaankaas qaarkood oo qadiyada Somaliland ka soo horjeeda.

 

Sidaa daraadeed, ka dib markii ay madaxdhaqameedka iyo waxgaradka deegaankaasi si adag uga codsadeen xukuumada inay diyaar u yihiin dadka deegaankaasi diiwaangelinta ayuu Madaxweynuhu goobihii uu ku kordhiyay oo ahaa 60 goobood oo gobolka Sanaag Barigiisa ah iyo 90 goobood oo Sool ka tirsan waxa 10 goobood la siiyay Degmada Buuhoodle iyo deeganka hoosyimaada.

 

Hadaba, waxa ka mid ah Hawl-wadeenadii TObanka Goobood ee Buuhoodle, waxaanu ka baxnay abaara 7:00 habeenimo magaalada Laascaanood waxanan ka koobnayn Labaatan Gaadhi oo aanu ku wadanay 10kayaga Team-kiiba Laba Baabuur, waxaana na welinayay Gaadiid kolonyo ahaan nagu galbinayay oo isugu jiray Badhasaabka Buuhuudle Mr. Afmiishaar, ku-xigeenkiisa, Maayarka Buuhoodle, Taliyaha Qaybta Bilayska Buuhoodle iyo aqoonyahano u dhashay Buhoodle, waxaanu dhabaha rafka ah ee widhwidh looga gudbo Buuhoodle sii haynay muddo Saddex saacadood ah, habaas iyo siigo darteed gaadiidka wada socda ayaan isarkayn. Goorsheegtu markay maraysay 12:20 daqiiqo ayaanu ku hoyanay Widhwidh oo dilkii labada Sarkaal ee Somaliland Marxuum Shiine iyo Ruush alle ha u naxariistee ayaanu la kowsanay.

 

Markii waagu beryay ayaa nala kala qaybiyay oo mish Shan Team naloo qaybiyay waxaana nakala qaybsaday Maamulkii gobolka Buuhoodle ee na hogaaminayay.

 

Annaga waxa na horkacay Badhasaabka Buuhoodle Mr. Afmiishaar oo nagu hogaaminayay magaalada Xamar lagu Xidh oo dhinaca Hawdka ka xigta 40 KM magaalada Widhwidh, waana Magaalo ay deegaanka ahaan ka soo jeedeen Badhasaabka iyo Taliyaha Qaybta Bilayska Buuhoodle ee na horkacayay.

 

Kooxdii kalena waxa loo hogaaminayay dhinaca Buuhoodle oo lagu kalihiyay iyada oo ay iyana horkacayeen Maayarka iyo badhasaab ku-xigeenku.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay noo muuqatay magaaladii aanu ku socanay ayaa waxa jidka na joojiyay nin lugaynaya, waxaana uu nagu war-geliyay in aanu ka digtoonaano magaalada, isaga oo ku sababeeyay inuu kacdoon nagu lid ahi oo lagaga soo horjeedo hawsha aanu u socono halkaas laga wado.

 

Markii aanu galay gudaha magaalada, ayaa waxa indhahaygu qabteen Odayaal meel ku xoonsan oo waxgaradkii deegaanka lagu sheegay, geesta kale ee gaadhiga midigtiisa hadii aan eegayna waa dhalinyaro Qoryo ku hubaysan, cajab!!!! Hortayda ayaan eegay waase nin Mikrafoon ku hadlaya:

 

“Gaalada ka saara Magaalada, sharwadayaasha, haddii aad dagaal rabtaan magaalada uga baxa dhinaca dibada” anaga oo yaaban ayaanu mar keliya la soo wada boodnay: “Ash-hadu an laa ilaaha ila laah. Adeer gaalo ma nihin ee dad Islaam ah ayaanu nahay.”

 

Waxa nala geeyay guri uu halkaas ku lahaa Badhasaabka Buuhoodle oo isagu na hogaaminayay, isaga iyo odayaashii deegaanka ayaana wada hadal isula baxay. Intii ay wada hadlayeen dhalinyaradii gadoodsanayd ayaa rasaas Musaska gaadiidka aanu wadanay meel u dhow la dhacayay.

 

Si kastaba ahaatee, waxa ay odayaashii go’aan ku gaadheen in aanay raali ka ahayn diiwaan-gelinta.

 

Waxaana uu badhasaabku u sheegay inuu nagu celinayo halkii uu naga keenay Widhwidh: “markii aanu ka soo dhaqaaqnay ayay rasaastii si isdaba joog ah u sii badatay. Orod iyo xawaare aan kala go’ lahayn ayaanu ku soo galay Widhwidh, ka dib markii badhasaabku ka war-helay jidgooyo lagu rabay in naloo dhigo..

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa la yaab iyo amakaag nagu riday dadkii Gaalada ku soo duushay noo haystay inay la soo hadleen Badhasaabkii:

 

“Waxaanu codsanaynaa in aad dib noogu soo celiso, maanu moodayn inaad wadaan wax dan noo ah, si kale ayaa wax nalooga dhaadhiciyay, waanu rabnaa in aanu isdiiwaangelino.” Sidaas ayay Telefoonka ugu soo sheegay iyada oo Badhasaabku inta uu na wada joojiyay dhamaantayo Speakerka telefoonka noo shiday, iyada oo aanu si toos ah u dhegaysana doodoodii: “Wax laydiin soo celinayaa ma jirto, fursadaasi way idin seegtay oo waad garan waydeen ee nabadeey, dadka iyo umada rabta ayaa looga faa’iidaynayaa.” Ayuu ugu jawaabay Badhasaabku. Waxa iyana yaabka yaabkiisa nagu noqotay ka dib markii aanu ragnay dhalinyaradii xabada noogu caga=juglaynayay iyo dadkii deegaankaas ee Gaalada nagu tilmaamayay oo intay Baabuurta Waaraadada loo yaqaano iska soo buuxiyeen magaalada Widhwidh iska diiwaan-gelinaya.

 

Kumanaan noqon magaalada Xamar lagu xidh, waxaanu dib ugu soo laabanay Laascaanood iyada oo ay Laba maalmood ka hadhsanaayeen wakhtigii Komishanku ugu talo-galay diiwaangelinta gobolada ee Lixda maalmood ahaa. Waxanaan ka war-helay in qoladii tagtay magaalada Buuhoodle aanay iyana hawshoodii bilaabin ka dib markii halkaasna rabshado ay ka dhaceen.

 

Si kastaba ha ahaatee, dadyawga deegaanadaasi waxay u ekaayee kuwo aan fahamsanayn wadciga iyo hawsha loola tagay oo aan la wacyi-gelin, kuwaasoo markii dambe ee ay fahmeen meesha ugu dhow ka doonanayay kaadhadhka diiwaangelinta.

 

 

By:

Cabdiqani Baynax

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this