Sign in to follow this  
General Duke

TFG...Minister helps set up admin for Badhaadhe lower Juba..

Recommended Posts

Xildhibaan C/rashiid Xiddig iyo Waxgaradka Beesha ****** ah oo ku guulayestay Dhisidda Maamulka Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose

 

Isniin, July 10, 2006 (HOL): Wasiir ku xigeenka Dowladda Federaalka ee Amniga Qaranka C/rashiid Maxamed Xiddig iyo odayasha dhaqanka beesha ****** ayaa ku guulaystay maamul u sameynta degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Wasiirka oo ay wehlinayeen waxgaradka Deegaanada Jooraha ee aagga Badhaadhe ayaa waxay isla garteen in loo dhiso degmadaasi oo ay hoos timaado 8 tuulo maamul mideeya.

 

Wasiir ku xigeenka waxaa uu qeexay in ay dadka deegaankaasi iskood isu abaabuleen oo ay doorteen duqa magaalada iyo xubno kale, taasoo ah tilaabo qaad loo sameeyey dhinaca maamul dhisiddaasi , wuxuuna intaas raaciyey in isagoo ka tirsan dowladda iyo masuuliyiin kale ay la fududeyeen dadka degaan dhisidda maamulkaas.

 

Mar aan wax ka weydiiyay in la soo qabtay eedeysanihii geyestay dilkii Suldaanka ee deegaankaasi ayaa waxaa uu sheegay wasiir ku xigeenka in lagu raad-jooga dambilihii geystay falkaasi, wuxuuna intaasi ku daray in lagu jiro qabanqaabadii lagu dooran lahaa hoggaamiyahii dhaqanka ee la dilay booskiisa.

 

Haddaba ujeedada wasiir ku xigeenke ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ku sheegay in ay tahay mid kormeer ah, isla markaana uu doonayo in uu kulamo la yeesho maamulka Dooxada Jubba inkastoo uusan faahfaahin dheeri ah ka bixin kulamada uu la yeelanayo maamulka Dooxada Jubba waxa ay ku saabsan yihiin.

 

Sahra Cabdi Axmed Hiiraan Online

sahra@hiiraan.com

Kismayo, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this