Sign in to follow this  
NASSIR

Maxaa kala socotaa Heerka Waxbarasho ee Dugsiyada Sare e Cerigaabo{sawiro}

Recommended Posts

NASSIR   

Maxaa kala socotaa Heerka Waxbarasho ee Dugsiyada Sare ee Magaalada Ceerigaabo

 

Ceerigaabo :Wax barashada Dugsiga Sare ee Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Sanaag ayaa Noqotay Mida ugu Horumarsan Dalka Somaliya ka dib markii la Ogaadey Hanaanka iyo Heerka baaxadale ee ay ka taagantahay Degmoyinka kale ee Dalka Somaliya.

Ceerigaabo waxa ay ka tirsantahay Degaanada sida Khaaska ah ay u degaan Dadka ka soo Jeeda Gobolka Sanaag Waxaana ka taliya Maamulka Gobolka Sanaag ee Makhir state.

Ma jirto wax Raad iyo awood ah oo la Oran karo Somaliland way ku leedahay Sababtoo ah Degaanka Waxa Meteli kara Shacabka uu ka soo Jeeda.

Hadaba Intaasi ka bacda ayaa waxaan Booqanay Dugsiga sare ee Wax barashada Degmada Ceerigaabo oo ah Dusgsiyadii ay Hirgelisay Dowaladii Hore ee Jaale Maxamed Siyaad Bare Waqtigii ay ka arimin jirtey Dalka Somaliya ilaa haatana Waxaa Dhismaha iskuulkaasi uu yahay Mid Heer sare ah oo aan wax Dayac ah marin.

Waxaa ay isugu jiraan ardayda Wax ka barataa Dusgsiga sare ee magalada Ceerigabo Wiilal iyo Hablo ku Howlan sidii ay u gaadhi lahayeen Heerka jaamacadeed ee ay Dalkooda wax ugu qabsan donaan.

 

3938.jpg

 

kk.jpg

 

ceeriga3.jpg

 

6_9.jpg

 

7_8.jpg

 

5_12.jpg

 

ceeriga8.jpg

 

10_6.jpg

 

Magaalada Ceerigaabo ayaa Sidoo kale waxaa ku yaal In ka badan ilaa 20 iskuul oo isugu jira hoose Dhexe iyo Sare ku waasi oo Dhamaantood ay wax ka dhigaan Macalimiin wax ku soo bartay jamacado ku yaal Dalka Gudihiisa iyo Debediisaba.

Sidoo kale Goobihii aan booqanay ayaa waxaa ka mid ahaa Gobtii ay ku Olayd Jaamacadii Hore ee Degmadaasi Ceerigaabo ee loo yiqiin Dayaxa waxaana ay haatan tahay Meel aan waxba laga baran balse ay Weli ka muuqato qaabkii jamacadeed.

Inta badan ardayda Wax ka barata Dusgiga Sare ee Magaladaasi Ceerigaabo ayaa waxa ay waxbarasho u raadsadaan Jamacadeed dalalka Suuriya, Hindiya, Sudaan, bakistaan, Malaysiya iyo Sidoo kale ku wa dalka oo ku kala yaal Boorame iyo Bosaso.

Maamulka iskuulaadka Magaalada Ceerigaabo ayaa Sheegay Inay Wax barasahada u badka Xilgaara ay iska Saraan isla mar ahaantaasina Sanad Walba ay jiraan Boqolaal Dhalinyaro ah oo ka qalin jibesa Wax barasahda Sare ee Degmada Cerigaabo ku waasi oo inta badan Wax barashadooda ku Dhamaysta Qurbaha iyo Meelaha kale ee ay ka Heli karayaan.

 

Source: Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this