Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: National Conference continues as planned + agenda of talks

Recommended Posts

webgbanadir.jpg

Maanta ayaa mar kale si rasmi ah shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Muqdisho xariga uga jaray qudbad dheerna uu ka jeediyay Rwasaaraha DKMG Prof. Ali Mohamed Ghedi ,

 

July 19 . 2007 Radiofreesomalia.com

 

Maanta ayaa markale si rasmi ah u furmay shirka Qaran oo isagu dib loo digay Axaddii markii la furay kaddib, ayna maanta tahay maalintii loo ballansanaa inuu furmo.

 

Goobta shirka wararka ka imaanaya ayaa waxay tibaaxayaan in halkaas ay ku qulqulayaan ergooyinkii beelaha ee shirka ka qaybqaadan lahaa, waxaana si rasmi ah u furay shirka maanta , khudbad dheerna ka jeediyay shirka Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Shirkaan guddiga hoggaaminaya ayaa waxay sheegeen inay ku soo diyaargaroobeen Muqdisho ku dhawaad 1200-ergo oo loo xayiray shirka inuu sii socod, waxaana ay sheegeen in shirka uusan sinnaba maanta ku baaqanayn.

 

Iyadoo la ogyahay in shirka markii uu furmay Axaddii in lagu weeraray hoobiyeyaal ayaa waxay qireen guddiga sirka Qaran in ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyay, isla markaana aan cabsi laga qabin inay qalalaase shirka ku yimaadaan.

 

Deegaannno hor leh oo cusub ayaa lagu arkay ciidammada dowladda, waxaana goobahaan cusub ka mid ah Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, halkaasoo la sheegay in dhawaan laga weeraray shirka Qaran, iyadoo hoobiyeyaal lagu weeraray shirka.

 

Shirka ayaa kooxina diidan tahay, halka dowladduna ay sheegtay inuu qabsoomayo, iyadoo Madaxweyne Yuusuf uu horay u sheegay inaanu shirkaan baaqanayn haddii xitaa Qumbul-durriyo la rido

Share this post


Link to post
Share on other sites

shirkafeyl.jpg

Muqdisho: Shirkii dib u heshiisiinta oo dib u furmay iyo weeraro lala beegsaday xaafadaha ku dhow

 

19. July 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa maanta mar kale dib la isugu soo laabtay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo Axadii ka furmay magaalada Muqdisho iyadoo kulankii maantana ay ka soo qeybgaleen ergooyin tiradoodu gaareyso 1325 xubnood.

 

Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo furitaankii shirkaasi maanta ka hadlayey ayaa ka warbixiyay safaradii uu ku soo kala bixiyay dhawaan qaar ka tirsan dalalka caalamka iyo kulamo uu ugu qeybgalay dalka Soomaaliya isagoo ergada u faahfaahiyay in beesha caalamku ay diyaar u tahay taageerista shirkan dib u heshiisiinta qaran iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

“Marka laga gudbo shirkan looga doodayo qodobadan xasaasiga ah waxaa ku xigi doona taaba gelinta dib u heshiisiinta siyaasadeed sida ku qoran dastuurka Federaalka KMG ah taasoo horseedeysa afti laga qaado shacabka oo ay dooranayaan xisbiyo iyo axsaab, taasoo ku dhaceysa si dimoqraadiyad ah” ayuu yiri Prof. Geeddi oo hoosta ka xariiqay in ergooyinka ka soo qeybgalay kulanka ay ka go’antay in ay heshiis iyo guulo ku gaaraan shirkan.

 

Dhinaca kale Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyaha guddiga shirka dib u heshiisiinta beelaha oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa ergooyinkii ka soo qeybgalay kulanka ugu cudur daartay iney raali ku noqdaan inta ay joogaan goobta shirka iyo guryaha ay seexanayaan waayo ayuu yiri dadaalka aan galnay sidaan ayuu dhaafi waayay.

 

“Sidaad la socotaan magaaladii Xamar waxaa ku dhacay burbur, waayo waxay lahaan jirtay dhismooyin iyo hoteelo qurux badan kuwaasoo ku buburay colaadii sokeeye sidaa daraateed waxaan idinka codsanayaa inaad ku raali noqotaan danta guud ee aad u timaadeen oo ka weyn tan aad u baahan tihiin” ayuu yiri Md. Cali Mahdi oo ergooyinka kula kaftamay iney ku sabraan inta ay shirka joogaan waxyaabaha yaryar ee cariiriga ka geli kara.

 

Gabagabadii kulankan ayaa ergooyinkii ka soo qeybgalay loogu qeybiyay qoraalo ka kooban 11 qodob oo noqonaya ajantayaasha KMG ah ee ay ka doodayaan ergada iyadoo ay soo gudbin karaan qodobada muhiimka ah ee lagu kordhin karo.

 

Qodobada ayaa waxaa ka mid ahaa Taaba gelinta dib u heshiisiin siyaasaadeed, ka doodista baaq taageero loo fidinayo furitaanka shirka, la kulanka madaxda qaranka, hub ka dhigis, hanti isu celin, doorasho dhaceysa 2009, qeybsiga qeyraadka dalka, ka doodista xagjirnimada Diineed iyo qodobo kale.

Dhanka kale shirkan ayaa xiligii uu soo gabagabooway lala soo beegsaday deegaanada ku dhow dhow goobta shirka Shan Hoobiye oo aan la ogeyn cida iyo dhinaca laga soo tuuray balse abaarihii 2:25 daqiiqo xiliga Muqdisho la maqlay qaraxyada Hoobiyaashaasi oo ku dhacay xaafadaha Shibis iyo C/Casiis.

 

Khasaaraha rasmiga oo ay geysteen hoobiyeyaashan ayaan si rasmi ah loo sheegi karin balse inta la og yahay afar qof ayaa ku dhaawacmay qaraxyadaasi Hoobiye, iyadoo sababta aan loo ogaan karin dhibaatooyinka hoobiyeyaashna ay tahay tahay xernaanshaha wadooyinka iyo dhaqdhaqaaqa dadka oo aan loo ogoleyn inkastoo ciidamo aad u fara badan ay goobtaasi ka buuxaan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

R/Wasaare Geedi Oo Qudbad Ka Jeediyay Madasha Shirka

 

Muqdisho(Calanka.com) 19-Luulyo-2007

 

Ra`iisal wasaaraha Somaliya prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta qudbad dheer ka jeediyay xarunta shirka dib u heshiisiinta qaran oo ey isugu yimaaden in ka badan 1325 ergo oo ka kala socday dhamaan daafaha dalka Somaliya.

 

Prof. Geedi oo maalinkii Axada ee uu shika furmay fursad aan u helin in uu ka qudbeeyo madasha shirka oo uu dalka ka maqnaa ayaa maanta qudbad furitaan u jeediyay ergooyinka Somaliyeed, isagoo uga mahad celiyay ugu horeyntii imaatinkooga shirka.

 

Qudbada ra`iisal wasaaraha oo uu badankeed kaga hadlayay safarada kala duwan ee uu isaga iyo wafdigii uu hogaaminayay ugu maqnaayeen dalka dibadiisa iyo waxyaabihii ey kala soo kulmeen safaradaas ayaa ugu bishaareeyay ergooyinka in beesha caalamku taageersantaha shirka ey maanta ugu fadhiyaan magaalada Muqdisho ee ah shirweynaha dib u heshiisiineed.

 

Prof. Geedi ayaa sidoo kale u sheegay ergooyinka in beesha caalamku ey diyaar u tahay dib u dhiska dalka Somaliya oo uu ka muuqdo burbur baahsan sida ey iyaguba indhohoodu ku arkaan.

 

"Marka laga gudbo shirkan looga doodayo qodobadan xasaasiga ah waxaa ku xigi doona taaba gelinta dib u heshiisiinta siyaasadeed sida ku qoran dastuurka Federaalka KMG ah taasoo horseedeysa afti laga qaado shacabka oo ay dooranayaan xisbiyo iyo axsaab, taasoo ku dhaceysa si dimoqraadiyad ah", ayuu yiri Prof. Cali Geedi.

 

Cali Mahdi, gudoomiyaha Shirka oo isna ka hadlay shirka ra`iisal wasaaraha ka dib ayaa ka codsaday ergooyinka in ey muujiyaan dulqaad maadaana caasimadu ey dabooli karin baahida dhamaan ergooyinka "Sidaad la socotaan magaaladii Xamar waxaa ku dhacay burbur, waayo waxay lahaan jirtay dhismooyin iyo hoteelo qurux badan kuwaasoo ku buburay colaadii sokeeye sidaa daraateed waxaan idinka codsanayaa inaad ku raali noqotaan danta guud ee aad u timaadeen oo ka weyn tan aad u baahan tihiin", ayuu yiri Cali Mahdi.

 

Gabagabadii kulankan ayaa ergooyinkii ka soo qeybgalay loogu qeybiyay qoraalo ka kooban 11 qodob oo noqonaya ajantayaasha KMG ah ee ay ka doodayaan ergada iyadoo ay soo gudbin karaan qodobada muhiimka ah ee lagu kordhin karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergooyinka shirka dib u heshiisiinta oo loo qeybiyay ajandaha shirka

 

Mogadishu 19, July 07 ( Sh.M.Network)- Shirka dib u heshiisiinta Somaliyeed ayaa maanta dib u furmay, iyadoo ergada loo qeybiyay ajandayaal ka kooban 11 qodob, iyadoo halkaasi qudbado ay ka jeediyeen RW Geedi iyo Cali Mahdi Max'ed.

 

Ajandahaan loo qeybiyay ergada ayaa waxaa ku jira labo qodob oo suurto gal tahay in ka doodistooda ay dheeraato, kuwaasi oo kala ah qeybsiga kheyraadka dalka iyo ka doodista waxa lagu sheegay Xagjirnimada diineed.

 

Kulankaan oo ay soo xaadireen ergo ku dhow 1300 xubnood oo ka kala yimid gobolada dalka ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Cali mahdi oo sheegay in meesha ka baxday fikradii aheyd in shirka aanu qabsoomeyn.

 

RW Geedi oo isna ka hadlay kulankaan ayaa waxa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo ku aadan wax qabadka horyaala dowladdiisa iyo safaro uu dhowaan ka soo dalal dhowr ah, isagoo u mahad celiyay si gaar ah dalalka Sacuudiga, Kenya iyo Ethiopia oo kaalin muhiim ah ka ciyaaray qabsoomidda kulankaan.

 

Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta, Cali Mahdi Max'ed ayaa ku wargaliyay ergada in la isku soo laaban doono maalinta sabtida ah oo laga doodi doono ajandaha.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo maanta mar kale ka furmay Muqdisho(6 Qof oo ku dhimatay Hoobiyeyaal markii labaad lagu weeraray hareeraha goobta shirka )

 

Waxaa maanta mar kale dib uga furmay Ex-xaruntii gaadiidka booliska oo ku taala degmada Shibis ee magaalada Muqdisho Shirkii dib u heshisiinta Qaran ee beelaha Soomaaliyeed oo muddo 3 cisho ah hakad ku jiray , iyadoo munaasabadii shirkaasi maantana uu ka soo qeyb galay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadiisa.

 

Kulankii maanta oo ay soo xaadireen inka badan 1300 (kun iyo saddex boqol) oo ergay oo intooda badan ay ka kala yimaadeen gobolada dalka ayaa waxaa ka qeyb galeyaasha loogu qeybiyey kulankaasi ajendeyaal ka kooban ilaa 11 qodob oo la sheegay inuu yahay mid ku meel gaar ah oo la doonayo in ergooyinka ay fikradahooda ku biiriyaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin dhameynta khilaafadka beelaha ka doodida arrimo ay ka mid yihiin nabada, dimoqraadiyada dowlad wanaaga, xag jirnimada diinmed iyo kuwo kale.

 

Ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi oo khadbad u jeediyey ergooyinka ka soo qeyb galay shirweynaha ayaa ka warbixiyey safaradii uu ku soo kala bixiyey dalal badan oo ka tirsan caalamka kuwaasoo uu xusay iney u arkaan in Soomaaliya imika la gaaray xiligii ay cagaheeda isku taagi laheyd, loona baahan yahay in ergooyinka ka qeyb galaya shirkan ay ay horseedaan nabad iyo dowladnimo taam ah.

Sidoo kale guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaranka ee beelaha Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa kaga cudurtaartay ergooyinka ka qeyb galaya kulankaasi haddii intii ay Muqdisho ku sugnaayeen ay dareemeen waxoogaa tas’ hiilaad xumo ah, wuxuuna tilmaamay Cali Mahdi in guddigooda ay habeen iyo maalinba u taagan yihiin sidii ay ergooyinka u dejin lahayeen meelo ku haboon, wuxuuna Cali Mahdi tilmaamay in magalada Muqdisho aaney laheyn hotelo waaweyn oo dad badan qaada sidaa darteedna ay ku qasbanaadeen in hotelo masaafdaoodu kala fogtahay ay ay ergooyinka dejiyaan.

 

Inti uu shirka maanta socday ayaa waxaa hoobiyeyaal ilaa 6 gaaraya lagu soo weeraray xaafado ka tirsan degmooyinka Shibis iyo C/casiis ee magaalada Muqdisho kuwasoo loola dan lahaa goobta uu ka dhacayo shirka dib u heshiisiinta waxaana ilaa imika la xaqiijiyey iney ku dhinteen ilaa 6 Qof ah halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo munaasabadii furitaanka shirkaasi ee 15-ka bishan oo uu goob joog ka ahaa madaxeynaha dowladda federaalka Soomaliya C/llaahi Yuusuf Axmed sidoo kale ilaa 7 hoobiye lagu soo weeraray xaruntaasi inkastoo aaney haleelin oo ay ku dhaceen qaar ka mid ah guryaha ku yaala xaafadaha ku dhow dhow deegaankaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

shirka oo maanta Muqdisho ka furmay...

 

Mugadisho, khamiis, Julaay 19, 2007 SMC

 

Wejigii labaad shirka Dib u heshiisiinta oo Maanta ka furmay Magaalada

Muqdisho ergooyinkana loogu qeybiyay Ajnedeyaasha Shirka.

 

Xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska oo maanta dib uga furmay Shirka Dib u

heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ayaa waxaa markii ugu horeysay Maanta

kasoo qeybgalay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Prof.Cali Maxamed

Geeddi.

 

Shirka ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay

Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed Mudane

Cali Mahdi Maxamed iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Prof.Cali

Maxamed Geeddi.

 

Prof.Geeddi oo halkaasi khudbad xasaasi ah ka jeediyay ayaa waxa uu ugu

horeyn si aad ah ugu Mahadceliyay Dowladaha Itoobiya, Kenya iyo sacuudiga,

wuxuuna sheegay ra’iisal wasaare Geeddi in Dowladda Sucuudiga ay gacan weyn

ka geysaneyso taaba gelinta Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed.

 

Shirka ayaa sidoo kale Maanta loogu qeybiyay ergooyinkii kasoo qeybgalay

ajnedeyaashii loogu doodi lahaa, waxaana dib la iskugu soo laaban doonaa

Maalinta sabtida ah.

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC)

Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saf Loogu Jiro Madasha Shirweynaha Qaran

 

Muqdisho(Calanka.com) 19-Luulyo-2007

 

Ilinka hore ee madasha shirweynaha qaran ayaa saakay ah mid aad u mashquulsan isla markaana ka bateen tirada dadka oo ey u badanyihiin ergooyinkii ka qeyb gali lahaa shirka, kaasoo lagu wado in uu dhawaan ka furmo markale xaruntii gaadiidka boliska ee magaalada Muqdisho.

 

Mashquulka ka socda halkaa ayaa isugu jira mid baaris iyo mid qeybinta kaararka shirka lagu galayo oo loo qeybinayo ergooyinka, waxaana howlahaas fulinaya ciidamo isugu jira bolis dhar cad (Shibil) iyo kuwa labisan dareeska.

 

Goobtan oo ah mid amaankeeda aad loo adkeeyay ayaa waxaad ka dareemeysaa buuq iyo sheeko dhexmareysa dadka aadka u tirada badan ee ku sugan goobta shirweynaha qaran.

 

Shirkan ayaa furmay maalintii Axada aheyd ee aanu soo dhaafnay, halkaasoo uu qudbad dheer ka jeediyay madaxweynaha Somaliya mudane C/Laahi Yuusuf Axmed iyo masuuliyiin kala gadisan oo isugu jira ajaanib iyo Somali.

 

Maanta ayaa dib loo balamay kadin markii mudo sadex cisho ah dib loo dhigay shirka si ey usoo xaadiraan ergooyinkii ka maqnaa shirka maalintii furitaanka.

 

Ergooyinkii la casuumay ayaa dhamaan soo wada gaalay caasimadda Somaliya, waxaana lagu sheegay in ey yihiin 1.325 ergo.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo maanta loo qeybiyay Ajendayaal ay ka doodayaan

Written by Osman Dhayib

 

Thursday, 19 July 2007

 

Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo maanta isugu yimid shirkoodii koowaad kadib markii Axaddii dhaweyd uu u furmay Shirweynaha ay leeyihiin, waxaana maanta ergooyinka loo qeybiyay Ajendayaal dhowr ah oo ay ka doodi doonaan sabtida soo socota bacdamaa ay maalinta berri ah Jimco tahay.

Ajendayaasha Ergooyinka loo qeybiyay ee ay ka doodayaan ayaa waxaa ka mid ah Nabadda iyo Hub iska dhigidda, Hanti Isu celinta, Dowlad-Wanaaga iyo Dimoqraadiyadda, Tirakoobka Dadka, Abuurista Axsaab Siyaasadeed, Midnimada Dalka, Qeybsiga Kheyraadka iyo Awoodda Dalka, Xag-jirnimada Diimeed,iyo kuwo kale, waxaana ergooyinka loo sheegay in ay ajendayaashaas ka doodi doonaan maalinta Sabtida ah ee soo soocta.

 

Furitaanka Shirkii Maanta ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, kaasi oo shirka guul u rajeeyay, isagoo sidoo kalena soo gaarsiiyay Ergooyinka salaan uu uga siday Dadkii Soomaaliyeed ee uu dhawaan kula soo kulmay Dalalkii uu soo maray.

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi oo dalka Dibadda uga maqnaa markii uu furmayay Shirka Dib u heshiisiinta ayaa u sheegay Ergooyinka in laga doonayo in ay fikradahooda mideeyaan, isla markaana ay soo saaraan wax Soomaaliya ka saara dhibaatada ay ku jirto, “Waxaa nagula xantaa in aan nahay dad been isu sheega oo is-xada, waana nagala ammaan baxay, sidaas darteed waa in aan sharaf xumadaas iska meyrnaa oo aan is-aaminnaa, daacadna isu noqonnaa, Illaahna u noqonnaa”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo khudbaddiisa ay u badneyd warbixin uu Ergooyinka ka siinayay socdaal uu dhawaan ku soo kala bixiyay dalal dhowr ah oo Caalamka ah ayaa wuxuu sheegay in uu Dowladda Sacuudiga kala soo hadlay sidii ay uga qeyb-qaadan lahayd dib u dhiska Dalka Soomaaliya, “Waxaan ku iri ma wadanno Dambiilo aad Dhaqaale noogu shubeysaan, hayeeshee waxaan rabnaa in aad naga kaalmeysaan dib u dhiska dalka, gaar ahaan Dugsiyadii Waxbarashada, Isbitaallada, Garoomada, Dekedaha, Waddooyinka iyo Xarumihii Dowladda” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Sidoo kalena waxaa shirkii maanta ka hadlay Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed, kaasi oo sheegay in ay guul weyn tahay in ay Ergooyinkii shirka lagu casuumay ka soo wada qeybgaleen, isagoo farta ku fiiqay in ay hareen hadallo horay loo sheegi jiray oo ahaa in uusan qabsoomeynin Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Cali Mahdi Maxamed waxaa uu sheegay in uu si weyn ugu mahadcelinayo Ergooyin ka kala yimid Gobollada Dalka, kuwaasi oo uu sheegay in ay qaarkood ka soo tageen howlo muhiim ah, wuxuuna intaas kadib uu ergooyinka uga cudurdaartay haddii ay la kulmaan hab-maamuus ay saluugaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iyadoo maanta uu si rasmi uga bilaamay Caasimada dalka soomaaliya ee Muqdisho shirka dib u heshiisiinta qaranka ee uu shir gudoominayo Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa waxaa halkaasi qodbado kala duwan ka soo jeediyey Mas’uuliyiin katirsan dowladda fadaraalka soomaaliya.

 

Raysal wasaaraha dowladda fadaraalka soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in si aad ah uu ula dhacsanyaahy hanaanka uu ku furmay shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed oo haatan ka socda xarunta Kumaanda Buluusiya ee Magaalada Muqdisho.

 

Ergoyooyin kala duwan oo aad u fara badan ayaa ka soo qeyb galay kulanka dib u heshiisiinta qaran ee Maalinimadii axada ahayd si rasmi uga furmay caasimada iyadoona maanta ay ahady markii ay sheegeen guddiga qaban qaabada shirka inay maalinta ugu dambaysa ee shirka uu dib u bilaaban doono islamarkaana uu socon doono ilaa laga gaarayo ajandayaasha looga gol leeyahay in laga soo saaro shirkaasi wallow ay jiraan qabiilo soomaaliyeed oo dhaliilsan shirka.

 

Waxaana la horgayn doonaa ajandaayaashaan hoos ku qoran si ay uga doodaan.

 

1.soo saarrida baaqa lagu taageerayo shirweynaha dib u heshiisiinta soomaaliyeed.

 

2.la kulanka ergadda madaxda sare ee qaranka.

 

3-ka doodida nabadgalyada dalka iyo hub iska dhigida

 

4.kala doodida iyo xalinta qilaafaadka beelaha Soomaaliyeed.

 

5.ka doodidda hanti isu celinta.

 

6.ka doodidda dowladda-wanaaga,dimoqoraadiyada,axdiga qaranka,tirakoobka dadka abuurista asxaab iyo doorasho xor ah 2009-ka

 

7-ka doodida qeybsiga qiiraadka dalka iyo dhowri taanka qeybsiga awooda sida ku qeexan axdiga KMG ah.

 

8-ka doodida midnimada soomaaliyeed.

 

9-ka doodida xagjirnimada diineed.

 

10-qiimeynta iyo ka guulgaariddad qodobadii laga dooday.

 

11-ka codsiga dowladda fadaraalka soomaaliya iyo bulshada caalamka taageero dhinac kasta leh ee dib u dhiska soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

shirkii dib u heshiisiinta oo maanta mar kale dib la isugu soo laabtay { 19 Jul 2007}

 

waxaa la daabacay Thu 19 Jul 2007 09: 39: 32

Waxaa maanta mar kale dib la isugu soo laabtay shirkii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo Axadii ka furmay magaalada Muqdisho iyadoo kulankii maantana ay ka soo qeybgaleen ergooyin tiradoodu gaareyso 1325 xubnood.

Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo furitaankii shirkaasi maanta ka hadlayey ayaa ka warbixiyay safaradii uu ku soo kala bixiyay dhawaan qaar ka tirsan dalalka caalamka iyo kulamo uu ugu qeybgalay dalka Soomaaliya isagoo ergada u faahfaahiyay in beesha caalamku ay diyaar u tahay taageerista shirkan dib u heshiisiinta qaran iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

“Marka laga gudbo shirkan looga doodayo qodobadan xasaasiga ah waxaa ku xigi doona taaba gelinta dib u heshiisiinta siyaasadeed sida ku qoran dastuurka Federaalka KMG ah taasoo horseedeysa afti laga qaado shacabka oo ay dooranayaan xisbiyo iyo axsaab, taasoo ku dhaceysa si dimoqraadiyad ah” ayuu yiri Prof. Geeddi oo hoosta ka xariiqay in ergooyinka ka soo qeybgalay kulanka ay ka go’antay in ay heshiis iyo guulo ku gaaraan shirkan.

 

Dhinaca kale Cali Mahdi Maxamed Guddoomiyaha guddiga shirka dib u heshiisiinta beelaha oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa ergooyinkii ka soo qeybgalay kulanka ugu cudur daartay iney raali ku noqdaan inta ay joogaan goobta shirka iyo guryaha ay seexanayaan waayo ayuu yiri dadaalka aan galnay sidaan ayuu dhaafi waayay.

 

“Sidaad la socotaan magaaladii Xamar waxaa ku dhacay burbur, waayo waxay lahaan jirtay dhismooyin iyo hoteelo qurux badan kuwaasoo ku buburay colaadii sokeeye sidaa daraateed waxaan idinka codsanayaa inaad ku raali noqotaan danta guud ee aad u timaadeen oo ka weyn tan aad u baahan tihiin” ayuu yiri Md. Cali Mahdi oo ergooyinka kula kaftamay iney ku sabraan inta ay shirka joogaan waxyaabaha yaryar ee cariiriga ka geli kara.

 

Gabagabadii kulankan ayaa ergooyinkii ka soo qeybgalay loogu qeybiyay qoraalo ka kooban 11 qodob oo noqonaya ajantayaasha KMG ah ee ay ka doodayaan ergada iyadoo ay soo gudbin karaan qodobada muhiimka ah ee lagu kordhin karo.

 

Qodobada ayaa waxaa ka mid ahaa Taaba gelinta dib u heshiisiin siyaasaadeed, ka doodista baaq taageero loo fidinayo furitaanka shirka, la kulanka madaxda qaranka, hub ka dhigis, hanti isu celin, doorasho dhaceysa 2009, qeybsiga qeyraadka dalka, ka doodista xagjirnimada Diineed iyo qodobo kale.

Dhanka kale Guddoomiyaha guddiga shirka dib u heshiisiinta beelaha Md. Cali Mahdi Maxamed oo kulankaasi ka hadlayey ayaa sheegay in maalinimada Sabtiga 8:00 subaxnimo dib la isugu soo laaban doono

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii dib u heshisiinta Beelaha Soomaaliyeed oo mar kale ka furmay manta Hoolka Shirarka Gaadiidka Muqdisho.

 

Waxaa Saaka subaxnimadii dib mar labaad uga furmay Kulan weynihii Dib u heshisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee Axadii ina dhaaftay Irdaha loo furay.

 

Waxaa Saaka subaxnimadii dib mar labaad uga furmay Kulan weynihii Dib u heshisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee Axadii ina dhaaftay Irdaha loo furay.

 

Shirkan saakay mar kale ka bilowday Hoolka Shirarka ee Xaruntii Gaadiidka Booliska waxaa ka soo qeybgalay dhamaan Ergooyinkii lagu casumay ee dhamaan Dalka ka kala yimi.

 

Kulankan oo uu hadalo ka jeediyey furitaankii maanta Raysal Wasaaraha DFS Mudane, Cali Maxamed Geedi oo dhawaan socdaal shaqo dibada uga soo laabtay, wuxuuna Mr. Geedi carabka ku adkeeyey in Wadamadii uu soo maray dhamaan diyaar u yihiin gacan qabashada Umadda Soomaaliya, balse looga baahan yahay Shacabka iyo Hogaamiyayaasha Dhaqanka in laga shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka Dalka ka taagan. Wuxuu kaloo sheegay Raysal Wasaaraha inuu Boqorka Dalka Sucuudiga isa soo arkeen uuna balanqaaday dib sidii loogu dhisi lahaa Dalka oo gebi ahaan burbursan. sida uu Geedi tilmaamay Boqorka Sucuudiga Amiir Cabdalla waa soo dhaweeyey dhamaan cdsiyadii Soomaaliya.

 

Shirka waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiyaha Shirka dib u heshisiinta Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed wuxuuna sheegay in manta loo baahan yahay sidii loo wada dhaqmi lahaa la isuna cafin lahaa, dibna looga wada shaqeyn lahaa dhismaha Dalkeena ayuu yiri oo muddo badan burburinaynay. Wuxuu kaloo ka hadlay Mudane, Mahdi Ajandaha shirka dib u heshisiinta oo ka kooban 11 Qodob oo kala ah :-

 

Ka doodida iyo Xalinta Khilaafaadka Beelaha Soomaaliya Ka doodida Dawlad wanaaga, Dimuqraadiyada, Axdiga Qaranka, Tirakoobka Dadka,Abuurista Xisbiyo iyo Doorashooyin xor ah 2009.

 

Ka doodida Hanti isu celinta Bulsho Weynta Soomaaliyeed Ka doodida Nabadgelyada Guud ee Dalka iyo Hub-dhigista Ka doodida Qeybsiga Khayraadka Dalka iyo Dhowritaanka qeybsiga awooda sida ku qeexan Axdiga Qaranka KMG

Ka doodida Xagjirnimada Diimeed.

 

Ka doodida Midnimada Umadda Soomaaliyeed

La kulanka Ergadda Madaxda Sare ee Qaranka.

Soo saarida Baaq lagu taageerayo shirweynaha dib u heshisiinta Soomaaliyeed

Qiimeenta iyo ka guul gaarida qodobadii laga dooday.

 

Ka codsiga Dawladda Federaalka ah ee KMG iyo Bulshada Soomaaliyeed iyo Cosiga Caalamka taageero caalami ah oo dhinaca dib u dhiska ah Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntii shirka ayaa waxaa mar kale loo balamay in maalinta Sabtida ah dib la isugu soo laabto si loo maalinta jimcada ah ee berito loo soo akhrissto Ergadu Ajandaha shirka si ay uga soo baaraan degto wixii ay ku kordhin laheyd ama ka dhimi laheyd.

 

Dhanka kale waxaa goor dambe oo shirka gabagabo ku jiro kooxaha ka soo horjeeda Dawladda ku soo tuureen Hoolka shirka dib u heshisiinta ee xarunta Gadiidka dhowr Hoobiye oo meelo dad rayid ah degan yihiin ku habsaday dad caruur u badan oo ilaa sadex ahna ku dilay, kooxahan oo aad moodo in jahawareer iyo cabsi gelin oo keliya uga dan leh wax tuurida iyo qaraxyada agagaarka hoolka shirka Ergadda Beelaha Soomaaliyeed, balse dadka ka qeybgalaya shirka dib u heshisiinta Beelaha ayaa ku tilmaamay inay cawaaqib xumo ku noqon doonto Cidkasta oo Ergadda Nabadeed waxyeelo ku gaarsiisa halka ay martida ku yihiin ee Nabada Soomaaliya loogu casumay ee Hoolka Nabada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Marka laga gudbo shirkan looga doodayo qodobadan xasaasiga ah waxaa ku xigi doona taaba gelinta dib u heshiisiinta siyaasadeed sida ku qoran dastuurka Federaalka KMG ah taasoo horseedeysa afti laga qaado shacabka oo ay dooranayaan xisbiyo iyo axsaab, taasoo ku dhaceysa si dimoqraadiyad ah", ayuu yiri Prof. Cali Geedi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii dib u heshiisiinta oo maanta furmay khudbona uu ka jeediyay R/wasaare Geeddi

Thursday, 19 July 2007

Waxaa maanta mar kale dib uga furmay xaruntii hore ee gaadiidka Booliska shirkii dib u heshiisinta beelaha Soomaaliyeed, iyadoo ay soo xaadireen in ka badan 1200 oo ergooyin ka socda beelaha Soomaalida, sida ay sheegeen gudiga shirka.

 

Shirkan ayaa waxaa maanta ku saa’id ahaa ergooyin badan oo ku cusbaa goobta shirka oo aan joogin maalintii uu furmayay shirka, waxaana sidoo kale shirkan goob joog ka ahaa maanta ra’iisal wasaaraha dowladda Prof. Cali Max’ed Geeddi.

 

Ra’iisal wasaaraha oo khudbo ka jeediyay madasha shirka ayaa ergooyinkii shirka ka soo qeyb galay uga mahad celiyay sida ay ugu diyaarka yihiin dib u heshiisiinta isagoo sidoo kalena u sheegay in shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay beelaha Soomaaliyeed oo 16-kii sano ee la soo dhaafay aan isugu imaanin goob heshiisiineed.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa soo ifbaxayay cabashooyin xoogan oo ay muujinayeen xubno katirsan beelaha Soomaaliyeed, kuwaasoo dhaliilo xoogan u jeedinayay gudiga shirka dib u heshiisiinta, halka qaar kalena ay eedeyn u jeedinayeen habsami u socodka shirka iyo qaabka loo casuumay.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this