Jacaylbaro Posted February 5, 2008 Gudoomiye ku xigeenka sharci dejinta ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Injineer Xuseen Maxamed Ceydiid ayaa taageeray diblomaasiyadda cusub ee dowlada Mareykanka ay ku taageereyso dimoqoraadiyada ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland “ Shacabka iyo Xukumadda Somaliland waxaan ugu hambalyeeynayaa guulaha siyaasadeed ee ay ku tilaabsanayaan taasna waxaan ku sifeyn karaa mid ka dhalatay dulqaadkooda iyo sida ay nabada uga shaqeeyeen ,waxaana ku dhiirigelinayaa inay sii laba laabaan horumarinta dalkooda” ayuu yiri Xuseen Maxamed Caydiid oo u waramayay Waagacusub isagoo ku sugan Magaaladda Dubai ee Emirate-ka Carabta. Xuseen Caydiid oo markii ugu dambeysay Xukumaddii Federalka ee Geeddi ka hayay xilka Ra’isulwasaarre ku xigeenka iyo Wasiirka arrimaha Gudaha waxaa uu sheegay inaysan Somaliya ka jirin dowlad dhexe loona baahan yahay in Caalamka uu gacan hagar la’aaneed ka geysto sidii dalka looga hergelin lahaa dowlad loo dhan yahay oo nabadeed. “ Isbaheysiga waa uu shaqeeynayaa waxaana qorshaheenu yahay inaan dalka ka xoreyno Cadawga xooga ku heysto,waxaase jira rag Somali u dhashay oo wali aan fahmin qorshaha socda kuna hoos nool gumeeysiga” ayuu yiri Xuseen Caydiid oo xusay in ragaas ay mar xeero iyo fandhaal kala dhacday ku baraarugi doonaan falaartii ay tuureen oo dib ugu laabatay. Xuseen Caydiid wuxuu tilmaamay in Cabdulahi Yusuf iyo Xukumadda Zenawi ay shalay xilkii u u iskaga tagay u magacaabaysay nin ay isku heyb hoose yihiin si ay beesha u qanciyaan laakiin maalmo kadib lagala laabtay xilkii Maqaarsaarka taasna la garan karo waxa ka raacay. “ Ragga hoos jooga Cabdulahi Yusuf waxaa tusaale ugu filan jidka uu maray Geeddi uuna ku socdo Nuur Cadde sidaas daraadeed waxaa lama huraana inaan runta la iska indha tirin oo aan jago beenbeena la siisan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Xuseen Caydiid. SOURCE Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sabriye amp co. Posted February 5, 2008 Does anyone take Hussein madaxey serious anymore? Tomorrow he will turn around and say SL wa maamul beeleed ee dadka ka soo jeeda sool iyo sanaag wey iney iska qabtaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted February 5, 2008 Some people would ,,,,,, it just shows who their master is. Next: A. Samatar ?? ,,,,,, May be Quote Share this post Link to post Share on other sites