Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Are They Coming Back To Their Mind ??

Recommended Posts

Gudoomiye ku xigeenka sharci dejinta ee Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Injineer Xuseen Maxamed Ceydiid ayaa taageeray diblomaasiyadda cusub ee dowlada Mareykanka ay ku taageereyso dimoqoraadiyada ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

 

“ Shacabka iyo Xukumadda Somaliland waxaan ugu hambalyeeynayaa guulaha siyaasadeed ee ay ku tilaabsanayaan taasna waxaan ku sifeyn karaa mid ka dhalatay dulqaadkooda iyo sida ay nabada uga shaqeeyeen ,waxaana ku dhiirigelinayaa inay sii laba laabaan horumarinta dalkooda” ayuu yiri Xuseen Maxamed Caydiid oo u waramayay Waagacusub isagoo ku sugan Magaaladda Dubai ee Emirate-ka Carabta.

 

Xuseen Caydiid oo markii ugu dambeysay Xukumaddii Federalka ee Geeddi ka hayay xilka Ra’isulwasaarre ku xigeenka iyo Wasiirka arrimaha Gudaha waxaa uu sheegay inaysan Somaliya ka jirin dowlad dhexe loona baahan yahay in Caalamka uu gacan hagar la’aaneed ka geysto sidii dalka looga hergelin lahaa dowlad loo dhan yahay oo nabadeed.

 

“ Isbaheysiga waa uu shaqeeynayaa waxaana qorshaheenu yahay inaan dalka ka xoreyno Cadawga xooga ku heysto,waxaase jira rag Somali u dhashay oo wali aan fahmin qorshaha socda kuna hoos nool gumeeysiga” ayuu yiri Xuseen Caydiid oo xusay in ragaas ay mar xeero iyo fandhaal kala dhacday ku baraarugi doonaan falaartii ay tuureen oo dib ugu laabatay.

 

Xuseen Caydiid wuxuu tilmaamay in Cabdulahi Yusuf iyo Xukumadda Zenawi ay shalay xilkii u u iskaga tagay u magacaabaysay nin ay isku heyb hoose yihiin si ay beesha u qanciyaan laakiin maalmo kadib lagala laabtay xilkii Maqaarsaarka taasna la garan karo waxa ka raacay.

 

“ Ragga hoos jooga Cabdulahi Yusuf waxaa tusaale ugu filan jidka uu maray Geeddi uuna ku socdo Nuur Cadde sidaas daraadeed waxaa lama huraana inaan runta la iska indha tirin oo aan jago beenbeena la siisan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Xuseen Caydiid.

 

SOURCE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this