Sign in to follow this  
Liibaan

Hoodaaddada Faroole iyo Hungada SSC

Recommended Posts

Liibaan   

Hoodaaddada Faroole iyo Hungada SSC

 

Written by Administrator

Wednesday, 28 April 2010 01:52

Kagadaal burburkii Dawladdii dhexe waxay soomaaaliya ukala baxday reero aan is aamminsanayn oo qolo waliba degaankii ay asal ahaan kasoo jeedday salka dhigatay si ay ugu ammaan hesho. Isla markiiba waxaa caddaatay in Jabhaddii SNM ay ku dhawaaqeen “inay ka xoroobeen Soomaaliya” Jabhaddaasoo qabiil ku dhisnayd aakhiritaankiina ku dhawaaqday maamul qabiil oo ay sheegeen inay ka dhaxleen Saancaddihii Ingiriiska. Waxa xusid mudan reerihii ay wada degannaayeen waqooyiga Soomaaliya sida Shacabka Maakhir, Sool Sanaag iyo Cayn inay diideen oo aanay Soomaali ka go,ayn shacabka gobolka Awdal waxay markiiba ku muqiiniyeen xoog dadkiina si jujuub ayay ugu khasbeen inay goonnigoosatada kaga midnoqdaan.

 

Muddo sideed sanadood ah kaddib waxa dhidibada loo taagay Maamul lamagac baxay Puntland oo ujeeddadiisu ahayd inta laga helayo Soomaali dawladnimo udiyaara inay reeraha ku bahoobay yeeshaan nidaam iyo kala danbayn. Run ahaantii maamulkaasi waa hirgalay inkastoo saluug iyo habacsanaan maamulxumo iyo caddalad xumo dadbadani ka tirsanayeen, markase loo eego Soomaaalida Koonfur ka xigta wuxuu ku guulaystay inuu keeno wax lagu sifayn karo itaalka maamul iyo amni inuu ka abuuro gobollada ku bahoobay magaca Puntland.

 

 

Haddaan usoo dego dulucda qoraalkaygan waxa maamulka Puntland waajibaaadkiisa ka mid ahayd inuu difaaco ilaaliyona xilna kasaaranyahay dhammaan xuduudaha gobollada ku bahoobay ka mid ahaanshaha Puntland. Hase yeeshee waxa dhacday in Maamulka goonnigoosatada soomaalidiidku (Somaliland) ay qabsadeen xaruntii Gobolka Sool ee Laascaanood muddo hadda laga joogo laba sannadood iyo dheeraaad, lagana sugayey Maamulka Puntland inuu dib usoo celiyo degaanada Laascaanood ee Goonnigoosatadu qabsatay iyagoo aan ku qabsan hab qabiil sida Habarjecloo Shacabka SSC qabsataye ay ku qabsadeen Magaca Somaliland oo ka qabsaday Maamulka Puntland. Waxa xusid mudan Sanadguuradii Faroole in Garaad Abshir Saalax si cad ugu sheegay Faroole in dhulka maqan lagu qabsaday Magac Maamul sidaa daraaddeed maamulka looga fadhiyo inuu dib usoo celiyo degaanada SSC ee maqan. Waxa iga yaabiyey Jawaabtii Faroole oo aad mooddid inuusan ogaynba inuu Madaxweyne uyahay degaannada Puntland oo dhan isagoo ujawaabay sidii oday Ciise maxamuudoo Sin-u-jiif deggan! Wuxuu yidhi odayada Shacabka SSC haddaad tihiin haddee idinku heshiiya oo dhinac isu raaca! miyaanu ogayn in waajibaadka madaxweynaha tahay inuu mideeyo ummadduu sheeganayo inuu madaxweyne uyahay. Bal qiyaas madaxweynaha Maraykanka oo gobollo Ruushku ka qabsaday yidhaahda dadka deggan goboladaa idinku heshiiya!

 

Waxaan kusoo xidhi lahaa miyaanu faroole akhrisan Qodobka Lixaad ee Dastuurka Puntland oo udhigan sidan: -

“Qodobka 6aad

 

DHULKA IYO SOHDIMAHA

 

1.Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag.

 

2.Sohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen deegaannada dariska la ahaa Jannaayo 1991kii ka hor, hase yeeshee wixii khilaafaad ee hore u jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa marka Dawlada-Goboleedyada kale ay dhismaan.

 

3.Puntland waxay soo dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland.

 

4.Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda.

 

5.Midnimada dhulka Puntland waa muqaddas, lama kala qaybin karo, lagumana xadgudbi karo”.

 

Ugu danbayntii Faroole isagaa dastuurkan udhaartay isagaana qaaday Mas’uuliyadda difaaca degaannada Puntland iyo amniga dadka kuhoosnool, gar iyo daw toonna maaha inuu dad shacab ah yidhaahdo ma’uuliydaad wax ku leedihiin, maaddaama ay isaga doorteen mas’uuliyaddiina udhiibteen. Muxuu ugu xilsaari waayey odayada dhaqanka reer bariga isku laayey Ufayn iyo igdhays? Waa tan uu udiray saddexda Guuto ee ciidanka ahe, Farooloow sidaad ugaratay inay mas’uuliyaddada tahay inaad kala badbaadisid reer Bariga ayay mas’uuliyaddada utahay inaad soo celisid degaananada ka maqan Puntland, waa haddaad isu aqoonsantahay Madaxweynaha Puntland, Puntland-na aad u,aqoonsantahay gobollada kor kuqoran.

 

 

Farooloow gar maaha inaad tidhaahdid Dhulbahantoow dhulkii soo xoreeya markaad soo celisaanna Puntland ayaad ka tirsantihiin!

Waxa kaloo xusid mudan Faroole inuu marwalba sheego in ay Puntland diyaar u tahay Dawlad Soomaaliyeed oo Federali ah, waxaad ogsoonaataa Farooloow haddaadan Puntland oo dhan gacanta ku hayn inaad federalka la aadaysid saddex gobol ee Bari, Nugaal, iyo Mudug oo aan dhammayn! Goboladan SSC ee aad dayacdayna ay iskood Federalka ugeli doonaan ama iyagoo Ka mid ah Waqooyiga Soomaaliya (Hadday Soomaalidiidku mawqifkoodu beddelaan oo laysku afgarto) ay ku biiri doonaan Federaalka laga rajo qabo, markaasaad ogaanaysaa muhiimaddda ay gobolladani uleeyihiin Puntand’e.

 

Odayada Shacabka SSC ee Garaadada shirka uballansan waxaan odhan lahaa idinka kaalintiinnu waa inaad xoogga saartaan midnimada Shacabka SSC iyo taladiisa, intaas ka bacdina xagga Puntland haddaad rajo biddaan aad ukeentaan talo midaysan oo ah in degaanada maqan magac maamul lagu qabsaday sidaa daraaddeedna Puntland iyo faroole laga rabo hadal kama danbays ah oo ficil wata kuna wajahan soo celinta degaanka oo weliba muddo cayiman loo ballamo. Mar marsiinyo danbe iyo waqti lumin danbena aannaan yeelayn. Waxa kaloo lagama maarmaan ah in haddii mardanbe laga maqlo Faroole waad kala qaybsantihiin inay tahay aflagaaddo kaddib markaad go’aan midaysan oo madaxdhaqameedka Shacabka SSC ah aad siisaan Faroole. Haddii kale aad afcad ka qaaddaan Faroole oo ah inaan Puntland diyaar u’ahayn dhulkaa. Markaana Shacabka SSC waa yaqaanna dariiquu umaraayo Soo celinta Dhulka kamaqan. Laakiinse waxa lagaama maarmaan ah in laga baxo hoodaadada iyo hagardaamada laga tirsanayo maamulka Puntland oo uu noqdaa mid lagu tashado ama laga tashado.

 

 

Maxamuud Ibrahim.

email: - dalmarbilaal@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Are you still talking about Faroole and Puntland. Niyow dantaada ka shaqee intaad isku mashquulin leheed Faroole.

 

Besides I thaught SSC left Puntland to go for its own? Why are you guys still talking about what Puntland should do to get your regions "back".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Chief_Aaqil:

Are you still talking about Faroole and Puntland. Niyow dantaada ka shaqee intaad isku mashquulin leheed Faroole.

 

Besides I thaught SSC left Puntland to go for its own? Why are you guys still talking about what Puntland should do to get your regions "back".

good point but i think libaan still loves puntland deep deep inside.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

SSC, Puntland, Galmudug, Awdalland, Jubaland, Woqooyi-Galbeed/ Northwest Triangle, Hiiraan, Banaadir, Shabelle, Bay/Bakol, and Maakhirland are all regions of our Great country - United Somalia

 

and Yes I love my country Somalia and all its regions

 

 

the problem is secessionists somalidiid/snm, pirates, Alshabaab, warlords Riyaale, Godane, Siilaanyo,Aweys, Qanyare, Faroole, and Mahamed dheere etc

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Liiban how are pirates the problem? ma iyaga ba technico magaaloyinka ku wareegayo oo dad xasuuqayo? Ma iyaga ba political force dooneyo inay noqdan? Again sxb wax macquul bala sheega. Pirates are only problem for foreigners ee domestic problem dadka kuma hayan.

 

When you have people like hamar who chopping people's heads off and u have burco folks dying in the sea because they have no future well that is called domestic crisis that needs to be dealt with.

 

But as for the pirates bal aar sheeg hal dhibaato ay ku hayan shicibka somaliyeed?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Pirates are bigger problem for their people. But you might not see it until that problem knock your door.

 

How many pirates are under custody of saan cadaale niyow?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this