Sign in to follow this  
General Duke

Hiiraan falls forces moving towards Jowhar...

Recommended Posts

Yuusuf Dabageed"hadii aan aragno cid ku dhexwadata qori magalada oo aysan ka muuqan astaanta ciidanka xooga dalka tilaabo ayaan ka qaadaynaa

 

Posted to the MOL December 25, 2006, 9:28 am

 

 

Baladweyn:- Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee uu soo magacaabay Ra'iisul Wasaare Geeddi ayaa maanta meel fagaaro ah kala hadlay Dadweyne fara badan oo isugu soo baxay Wadooyinka Magaalada Beled Weyn, kadib markii ay gacanta ku dhigeen halkaas Ciidamo uu watay Dabageed oo kaashanaya ciidamo kale oo uuu wato maxameed Dheer iyo kuwo Itoobiyaan.

 

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in maanta wixii ka bilowda aanu jirin cid aan qori sidata, oo aanu ka aheyn Ciidamada Xooga Dalka iyo Booliskaba. Dabageed waxa uu kaloo sheegay in ay ku raad joogaan wax uu ugu yeeray Firxadka Kooxaha Argagixisada.

 

"hadii aanu aragno cid wadata qori, oo aanan ka muuqan astaanca Ciidamada Xooga Dalka talaabo ayaan ka qaadeynaa" ayuu yiri Dabageed oo meel fagaaro kala hadlay dadkii isugu baxay Wadooyinka Magaalada.

 

Dabageed ayaa sheegay in xilligan wixii ka bilowda la furi karo goobaha ganacsiga, cid kasta ay xur u tahay.

 

 

Maxamed C/qaadir awkhalaf

Galkacyo, puntland, somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qoysas badan oo ku nool magaalada beled weyn oo dabkii ka dansanaa uu maanta u shidmay ,kaddib markii ay billaabeen ganacsigii kooxaha argagixisadu ka xayireen

 

Wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaliya sanadku markuu ahaa 1991-kii waxaa raggu ay noqdeen fadhi ku diriri aan haynin wax shaqo ah ,si qoysaska loo badbaadiyana waxaa haweenkii ay bilaabeen in ay buuxiyaan booskii raggooda iyagoo bilaabay ganacsiyo warato ah oo laamiyada hareerohooda ah ,waxana ganacsiyadas ka mida ganacsiga qaadka oo boqollaal kun oo shacabka Soomaliyeed ka tirsni ay kuxirnaayeen nolol ahaan.

 

Wixii ka dambeeyay markii kooxaha argagixsada ah ee maxakimta Islamiga sheegtaahi ay qabsadeen in badan oo ka mida bartamaha iyo koofurta Soomaliya waxaa ay billaabeen in ay caburiyaan ganacsiga shacabka sida :qaadka,studio-yaasha laguduubo noocyada kala duwan ee cajaladaha,xafladihii lagu dhigijiray hoteelada sida arosyada IWM,waxaana dadka Soomaliyeed ee ku nool deegaanada ay maxakimtu mamulayen ay noqden kuwo wax kasta oo xumaan ah maxakimta uqaaday.

 

Magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan oo ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ay saaka la wareegen gacan ku heynteeda ayaa dhamaanba dadkii laga xayiray ganacsigoodu waxaa ay bilaabeen in ay dib u furtaan goobohoodii ganacsi ee horay maxakimta islaamiga shegtaahi ay uga xayireen.

 

Sidoo kale studio-yaashii iyo dhamaanba goobihii kale ee horay loo xiray ayaa dib loo furay,waxaana dadku ay muujinayen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay dib u bilaabaan gancsigooda.

 

Wariye ku sugan degmada Beledweyn oo magaciisa qariyay ayaa u sheegay shabakaddan in qoysas badan oo dabkoodu dansanaa bilihii lasoo dhaafay ay manta bnilaabeen raashin heer sare ah in ay cunaan.

 

"Waa Allah mahadii nolol cusub ayaan dib u helnay"sidaa waxaa tiri hooyo lagu magacaabo DFahabo Cilmi oo ka mida Haweenka qaadka ka ganacsada oo qadka telefonka ee magaalada Beledweyn aan goor dhoweyt kula hadlay.

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadaado iyo Buulo Barde oo Maxkamadaha Muqdisho ka sii baxayaan.....

 

Ciidamada Maxkamadaha Muqdisho oo hadda bilaabay inay ka baxaan deegaamada Cadado iyo Buulo Barde kaddib markay culayska Ciidamada DFKS u tabar waayeen.

 

Dagaaladii ka socday aagagga Cadaado iyo Buulo Barde ayaad moodaa inay hadda soo afjarmayaan,kaddib markay ciidamada Maxkamadaha Muqdisho iska caabin waayeen ciidamada DFKS oo ay caawinayaan dayuuradaha cirka ee Ethiopia.

 

Dagaaladan oo tan iyo shalay aad uga soo xoogsaday dhammaan aagagga Soomaaliya oo idil,ayaa warar xogogaal ahi noo sheegeen in ciidamada Maxkamaduhu sii tabar gabayaan,ayna u suurta gal tahay inaan dhaq-dgaqaaq samayn karaan habaynimada oo qura,markaasna ay dib ugu guranayaan.

 

Saraakiil aqoon u leh dagaalada Soomaaliya waxay qiyaasayaan in ugu danbayn2 beri oo danbe haduu dagaalku sidan ku sii socdo in ciidamada Maxkamaduhu ku soo uruuri doonaa aagagga Afgooye iyo Balcad oo qura.

 

Sahal Aaden

Olol.News

Belad-Weyne

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadaado iyo Buulo Barde oo Maxkamadaha Muqdisho ka sii baxayaan.....

 

Ciidamada Maxkamadaha Muqdisho oo hadda bilaabay inay ka baxaan deegaamada Cadado iyo Buulo Barde kaddib markay culayska Ciidamada DFKS u tabar waayeen.

 

Dagaaladii ka socday aagagga Cadaado iyo Buulo Barde ayaad moodaa inay hadda soo afjarmayaan,kaddib markay ciidamada Maxkamadaha Muqdisho iska caabin waayeen ciidamada DFKS oo ay caawinayaan dayuuradaha cirka ee Ethiopia.

 

Dagaaladan oo tan iyo shalay aad uga soo xoogsaday dhammaan aagagga Soomaaliya oo idil,ayaa warar xogogaal ahi noo sheegeen in ciidamada Maxkamaduhu sii tabar gabayaan,ayna u suurta gal tahay inaan dhaq-dgaqaaq samayn karaan habaynimada oo qura,markaasna ay dib ugu guranayaan.

 

Saraakiil aqoon u leh dagaalada Soomaaliya waxay qiyaasayaan in ugu danbayn2 beri oo danbe haduu dagaalku sidan ku sii socdo in ciidamada Maxkamaduhu ku soo uruuri doonaa aagagga Afgooye iyo Balcad oo qura.

 

Sahal Aaden

Olol.News

Belad-Weyne

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka baxay Muqdisho oo gaaray Jowhar iyo Buulo Burte oo ay isaga baxeen Maxaakiimta

Last Updated::2006-12-25 17:08:16

 

buulo_burte.JPG

 

Jowhar:- Ciidamo kasoo baxay magaalada Muqdisho oo ka tirsan kuwa Maxaakiimta ayaa soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe.

 

Ciidamadan ayaa soo gaaray xili ay magaalada Jowhar ka socoto diyaar garow xoogleh oo ku aadan ciidamo badan oo isugu jira Kuwii Hogaamiyihii hore ee Jowhar Maxamed dheere iyo kuwa kale oo Itoobiyaan ah oo kusoo aadan dhinaca gobalka Sh/dhexe.

 

Ciidamada taageersan DFKMG oo ay wehliyaan kuwa Itoobiya ayaa kasoo gudbay dhinaca magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

 

Dhinaca kale ciidamada Maxaakiimta oo qaarkoodii kasoo baxay magaalada Beledweyne ayaa xarun ka dhigtay dhinaca magaalada Buulo Burte.

 

Hase yeeshee ciidamadaasi ayaa maanta isaga baxay magaalada Buulo Burte oo ka tirsan gobalka Hiiraan, una dhaw dhinaca xadka gobalka Sh/hoose.

 

Lama yaqaan sababta keentay in ciidamada Maxaakiimta ay baneeyaan magaalad Buulo Burte, ayadoo la xaqiijiyey in ay magaaladaasi hada labada dhinac midna uusan gacanta ku heyn.

 

Ciidamada Beledweyne Qabsaday ayaan weli soo gaarin Buulo Burte, waxaana la sheegayaa in ay jiraan bililiqo ka dhacday magaalada Buule Burde, kadib markii ay halkaasi baneeyeen ciidamada Maxaakiimta.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yuusuf Dabageed , Aadan Garaaso iyo ciidamo ay hogaaminayaan oo si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Beledweyne iyagoo halkaa dadkii kala hadlay gawaari samaacado waaweyn lagu xiray

 

Dec 25.2006 Radio Free Somalia (RFS) .

 

Saakey aroorninadii hore ayaa ciidamada maxaakimta iyo kuwa ay hogaaminayaan Yusuf Dabageed oo degaanka hore uga talin jirey uu ku dhexmaray degaanka ceelgaal 12km kaga beegan tahay dhinaca waqooyi magaalada baladweyne.

 

Waxaana lagu soo waramayaa inay ciidamada gudoomiyihii hore ee ,gobolkaasi Yuusus Axmed Hagar Dabageed iyo Aadan Cabdulle Garaaso ay la wareegeen magaalada B/wayne.

 

Waxaana ay mas,uuliyiintaa ay halkaa kula hadleen shacab reer Hiiraan, oo ay ka muuqatay reyn reyn iyo farxad iyo iyagoo ay ka muuqatay wejiyadooda dad degaankoodii xoreystay , oo gawaari samaacado ay ku xiran yihiin ay ka baxayeen heeso wadani ah , qudbado ay qudbaynayeed Gudoomihii Gobolka Yuusuf Dabageed iyo Col. Aadan Graaso

 

Radiofreesomalia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka gobolka Yuusuf dabageed oo bandow ku soo rogay magaalada B/Weyne

 

Maamulka gobolka Hiiraan ee manta la wareegay talada gobolka Hiiraan, kadib markii ay gudaha magaalada ka saareen ciidamada Golaha Maxkamadaha ISlaamiga ah ayaa soosaaray bandow la xiriira dhinaca ammaanka , waxaana isagoo dadweynaha la hadlayay Aadan Cabdi Saciid (Aadan garaase) uu sheegay in cidii lagu arko iyadoo hub ku dhex heysata gudaha magaalada B/Weyne oo aan ka tirsaneyn ciidamadooda inay iyagu u arkaan cadow ka soo horjeeda.

 

Mar uu ka hadlayay isbedelka magaalada B/weyne ku sii baahaya dhammaan gobolka Hiiraan oo dhan ayuu sheegay in bandowgan ay soo rogeen ilaa muddo saddex cisho ah, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada B/Weyne ay sheegayaan in garoonka diyaaradaha magaalada B/Weyne ay soo gaareen diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ee Helikobtarada loo yaqaan, kuwaasoo soo daabulaya ciidamada Dowladda Federaalka oo taageeraya kuwa itoobiyaanka ah.

 

Dhinaca kale wararka ka imaanaya degaanada Buurlo Burte, Matabaan, Garasyaale ayay sheegayaan inay halkaasi ku sugan yihiin ciidamo isugu jira kuwa maamulka gobolka Hiiraan, ciidamada Dowladda iyo kuwo ka tirsan maamulkii hore ee gobolka Sh/dhexe oo uu hoggaaminayo Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) Guddoomiyihii hore ee gobolkaasi, iyadoo wararku intaasi ku darayaan in qorshahoodu yahay sidii ay u soo gaari lahaayeen magaala madaxda gobolka Sh/dhexe ee Jowhar.

 

 

Jabriil Maxamuud Nuur

jabriil@journalist.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^You are not worthy of my response and this will be my last respond to your likes. We are only trying to free your weak soul from your Tigree masters.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this