General Duke Posted June 10, 2007 Muqdisho: Maxamed Dheere: “Waxaa cad in shirkadda Telcom Somalia aysan aheyn shirkad Ganacsi oo Hoggaamiye Kooxeedyo ay yihiin”. 10. June 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxaemd Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa ku eedeeyay shirkadda Isgaarsinta Telcom Somalia in aysan aheyn shirkad ganacsi balse ay tahay shirkad Hoggaamiye Kooxeed. “Waxaa cad in shirkadda Telcom Somalia aysan aheyn shirkad ganacsi oo Hoggaamiye kooxeedyo ay yihiin” ayuu yiri Maxamed Dheere Guddoomiyaha gobolka Banaadir isagoo intaa raaciyay in maamulkiisa uu si buuxda ula xisaabtami doono isla markaana go’aan cad ay ka qaadan doonaan guddiga iyo hey’addaha amaanka. Hadalkan ayaa yimid kadib markii shirkaddaha ganacsi ay horay u gudbiyeen liisas ay ku qoran yihiin cadadka hubka ay hayaan, iyadoo shirkadda Telcom ay gudbisay in labo qori oo lagu ilaalinayo xarunta shirkadda hase ahaatee baaritaan ay ciidamada Booliska ku sameeyeen garaash shirkadda Telcom ay laheyd laga soo bixiyay noocyada kala duwan ee hubka waaweyn taasoo ka careysiisay Maxamed Dheere. Lama oga tallaabada Maxamed Dheere iyo maamulkiisa ay ka qaadan doonaan sidii ay ka yeeli lahaayeen shirkadda isgaarsiinta Telcom Somalia. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites