Jacaylbaro Posted December 9, 2009 Qaar kamid ah qubarada dastuur samaynta uu yeelan doono dalka Soomaaliya ayaa maanta ku soo bandhigay halka ay marayaan howalaha dastuur samaynta Soomaaliya. Tiro kamid ah qubaradaani oo ka hadlayay howlka shirarka uu uga soconayo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah Magaalada Mambasa islamarkaana isugu jiray Ajaanib iyo Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay lama huraan tahay in Dastuurka uu samaysan doono dalka Soomaaliya si wada jira ah ay uga qayb qaataan dhamaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya si bulshada dhaanteed ay raali uga noqoto,waxaana ay cadeeyeen in dastuurkaasi Saldhig looga dhigi doono Diinta Islaamka. Soo bandhiga Dastuurkan cusub ee ay yeelan doonto Soomaaliya ayaa yimid xilli dhawaan dowladda KMG Soomaaliya ay ansixiyeen ku dhaqanka Sharaceeda Islaamka kadib fadhi ay yeesheen Barlamanka KMG ee Soomaaliya. Kulankani oo galay maalintii 3-aad ayaa waxaa looga hadlay hanaanka bulshada rayidka ah ee ay uga qayb qaadan karto xoojinta nabada dalka Soomaaliya. Dhamaadkii soo gudbintaani ayaa waayo aragnimada ay u leeyihiin arimaha Dastuur samaynta waxaa la waydiiyay Su’aalo ku saabsan Mowduuca laga hadlayay. Su’aalahaasi ayaa waxaa si toos ah uga qayb qaadanayay dadka Soomaaliyeed ee Caalamka ku kala dhaqan taasi oo ay uu suro galisay Media Onlinka waxaana shirkaan qeyb weyn ka geystay Hay’adda CRD. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 9, 2009 Magaalada Mambasa si wada jira ah ay uga qayb qaataan dhamaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya si bulshada dhaanteed ay raali uga noqoto what a contradiction .............. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 9, 2009 Dastuurka somalia ma maantay qorayaan cajiib. Quote Share this post Link to post Share on other sites