Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu demonstration against Yalaxow Qaynyare

Recommended Posts

Xamar oo Laga Qabanqaabinayo Banaanbax ka dhan ah Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare..

 

Dadweynaha ku nool Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir ayaa waxa ay qaban-qaabo ugu jiraan banaanbax balaaran oo ay uga soo horjeedaan Max’ed Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi oo iyagu si dabacsanaan ah uga hadlay heshiiskii dhexmaray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo sida ay uga hor yimaadeen maamul u sameynta Gobalka Banaadir, waxaana banaanbaxaan la filayaa in ay ka qaybqaataan qaybaha kala duwan ee bulshada, waana markii ugu horeysay oo banaanbaxyo ka dhan ah hogaamiyaasha hubeysan uu ka dhaco Gobalka Banaadir, waxaana isa soo taraya dhaceybka ay dadweynaha u qabaan hogaamiyaashaasi oo mudo 15-sano ah hor taagnaa shacabka Soomaaliyeed iyo in dalku uu helo Dowlad iyo nabad buuxda. Banaanbaxaan ayaa marka uu ka dhaco Degmada Kaaraan waxaa la filayaa in uu ku baaho dhamaan degmooyinka Gobalka Banaadir oo iyagu aad uga soo hor jeestay hogaamiyaasha hubeysan ee Gobalka Banaadir marka la fiiriyo maalmihii la soo dhaafay. Dhinaca kale dadweynaha Degmada Wardhiigley ayaa iyagu talaabo ku dayasho mudan sameeyay kaddib markii iyagoo isku duuban ay si wadajir ah uga hor tageen isbaaro kooxo maleeshiyo ah ay dhigteen Isgooska Aadan Cadde ee degmada Wardhiigley, waxaana arrintaani ku tusineysaa sida dadweynaha Soomaaliyeed ay ugu adkeysan la’ yihiin kooxaha Maleeshiyooyinka ah ee mar walba gacan siinaya kooxaha hubyesa ee ku sugan Gobalka Banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Haddey mudaaharaadyo noocaanoo kale ah sameeyn lahaayeen mar hore, dhibkaba ma jireen, waayo reer muqdisho ayagaaba fiirsanayo oo rabo in isbaaro looo dhigto oo korka looga taagnaado, waa shicib oo waa laga awood badanyahay noqon meyso marmarsiyo, shicib kacdoon sameeyey wax ka adkaan karo ma jiro waa la wada ogyahay!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this