BN Posted August 4, 2003 Boosaaso, (AllPuntland)- Waxaa 1-dii bishaan lagu qabtay xaflad balaaran xarunta Jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso, halkaasi oo shahadooyin lagu gudoonsiinayay arday ka qalin jabisay waxbarasho u socotay labo sanno. Ardayda ayaa waxbarashadooda ka qaadanaysay jaamacad lagu magacaabo Fort Hare University, iyagoo duruusta ku qaadanayay Jaamacada Boosaaso loona soo marsiinayay ayna socodsiinaysay hay'ada Africa Educational Trust xafiiskeeda Boosaaso. Ardaydaan oo ah kuwii ugu horeeyey ee qalin jabisey waxay tiradoodu dhan tahay 7 arday, iyadoo tiro 22 arday ah oo kale ay hadda dhexda kaga jiraan waxbarsho tani la mid ah. Xaflada qalinjabinta oo lagu furay aayado qur'aan ah ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Prof. Cabduweli Geyre oo ku hadlaayey magaca jaamacdda Bariga Afrika, wuxuu u mahadceliyay kasoo qaybgalayaasha xaflada, wuxuuna ka waramay heerarkii ay soo martay waxbarashada ardayda qalin jibasay, isagoo ku dheeraday qiimaha waxbarashada iyo sida ardayda tani ay uga faa'iidaysteen fursada ay heleen, Prof. Gayre wuxuu kula dardaarmay ardayda waxbarashada dhamaysatay inay aqoontooda gaarsiiyaan bulshada. Dr. Micheal Brophy oo ah wakiilka Afrika ee Hay'ada Africa Educational Trust ayaa ka hadlay sida ay ku bilaabtay wax barashadda noocaan ah oo uu tilmaamay in ayan ahayn markii ugu horaysay ee ay hay'adiisu fuliso, balse dalal kaloo Afrika ah ay ka fuliyaan, wuxuuna ku amaanay ardayda reer Puntland oo uu ku tilmaayay kuwo dadaal badan la yimid sidii ay fursadaan uga faa'iidaysan lahaayeen, tani oo uu sheegay inay dhiiri galinayso in hay'adu sii wado mashruuca waxbarasho ee noocaan ah. Dr. Micheal mar uu ka hadlayay Jaamacada Koonfur Afrika ee ardaydu duruusteeda qadanayeen, wuxuu sheegay inay tahay Jamacad caan ah oo ay wax ku barteen madax badan oo qarada Afrika laga yaqaan sida Madaxweynihii hore ee K/Afrika iyo Boqorka Iswasiland iyo madax badan oo afrika ah. Dr. Axmed Cabdiraxmaan oo ah Gudoomiye xigaha Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaso ayaa u mahadceliyay hay'ada Africa Educational Trust ee hirgalisay in ardayda joogta Jaamacada Boosaso ay duruus maalmeedkooda iyagoo Boosaaso jooga ay la qaybsadaan ardayda Jaamacada Koonfur Afrika joogta. Wsiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ahna xilhayaha dawlada Puntland ee gobolka Bari Eng. Faarax Maxamuud (Dooxa-joog) ayaa ka hadlay doorka horumarinta waxbarashada iyo sida loogu baahan yahay in la isu kaashado, wuxuu u mahadceliyay Africa Educational Trust iyo Labada Jaamacadood ee hirgaliyay waxbarashadan, wuxuuna gudoonsiiyey ardaydii waxbarashada dhamaysatay shahaadooyinkii iyo abaal marin kale. Sawirqaade Cabdifataax Jaamac Mire AllPuntland, Boosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
BN Posted August 4, 2003 Ardayda waxbarashadu u dhamaatay Prof. Cabduweli Geyre, Hormuud kuliyada Jamacada Bariga Afrika Dr. Micheal Brophy Wakiilka Afrika ee Hay'ada Africa Educational Trust Dr. Ahmed Abdirahman, Gudoomiye xigaha jaamacada Bariga Afrika ee Boosaaso Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadahe ee DGPL Eng. Faarax Maxamud Dooxajoog oo ardaydii waxbarashada dhamaysatay gudoonsiinaya shahaadooyinkoodii Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hawdgirl Posted August 5, 2003 HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO CONGRATS TO THE SISTAS AND BROTHERS WHO FINISHED THEIR STUDIES IN A SUCH RAVAGED WAR COUNTRY.... WE SHOULD BE PROUD OF THEM AND THEY SHOULD BE OUR ROLE MODELS MAASHA'ALLAH Quote Share this post Link to post Share on other sites