General Duke Posted June 20, 2005 Muqdisho: Guddoomiyaha Gobolka oo xalay iyo shalay kulamo la yeeshay qeybaha bulshada Muqdisho iyo Warar Kale - Monday, June 20, 2005 at 19:32 Muqdisho (AllPuntland)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Xasan Cali Cadde oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa Kulamo la yeeshay qeybaha Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir gaar ahaan Culimaa'uddiinka, Siyaasiyiin iyo waxgarad. Mudane Cadde ayaa shalay kulan kula yeeshay xarunta Guddiga isku xerka Dowladda iyo shacabka xubno ka tirsan guddigaas oo uu horkacayey Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar) halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay Guddoomiyaha oo ay la socdeen ku xigeenadiisa, Caaqil Koogaar ayaa soo dhoweyn kadib Guddoomiyaha ugu warbixiyay howlihii loo soo maray qabanqaabada Guddoomiyaha isahoo sheegay in mudo dheer ay wadeen dadaal leysugu keenayey Guddoomiyeyaasha 16 degmo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa. Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay Faadumo Xasan Digis oo ku hadleysay magaca haweenka Gobolka Banaadir iyadoo sheegtay in haweenku ay yihiin udub dhaxaad aan laga maarmin ayna balan qaadeen sidii ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka cusub ee uu Guddoomiyaha ka yahay Maxamuud Xasan Cali. Dhinaca kale waxaa kulankaas goob joog ka ahaa Dr. Sh. Shariif Sh. Muxiyaddiin oo ka mid ah Culimaa'uddiinka Soomaliyeed kaasoo kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha lamana oga waxay ka wada hadleen balse warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya iney la xiriirto talo soo jeedin uu Sheekhu u bandhigay Guddoomiyaha kaasoo ku dhamaaday jawi Saraaxad leh. Cali Muxiyaddiin Cali Quote Share this post Link to post Share on other sites