Sign in to follow this  
General Duke

News from Xamar

Recommended Posts

Muqdisho: Guddoomiyaha Gobolka oo xalay iyo shalay kulamo la yeeshay qeybaha bulshada Muqdisho iyo Warar Kale

- Monday, June 20, 2005 at 19:32

 

Muqdisho (AllPuntland)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Xasan Cali Cadde oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa Kulamo la yeeshay qeybaha Bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir gaar ahaan Culimaa'uddiinka, Siyaasiyiin iyo waxgarad.

 

 

Mudane Cadde ayaa shalay kulan kula yeeshay xarunta Guddiga isku xerka Dowladda iyo shacabka xubno ka tirsan guddigaas oo uu horkacayey Caaqil Maxamuud Cali Jimcaale (Koogaar) halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay Guddoomiyaha oo ay la socdeen ku xigeenadiisa, Caaqil Koogaar ayaa soo dhoweyn kadib Guddoomiyaha ugu warbixiyay howlihii loo soo maray qabanqaabada Guddoomiyaha isahoo sheegay in mudo dheer ay wadeen dadaal leysugu keenayey Guddoomiyeyaasha 16 degmo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa.

 

 

 

Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay Faadumo Xasan Digis oo ku hadleysay magaca haweenka Gobolka Banaadir iyadoo sheegtay in haweenku ay yihiin udub dhaxaad aan laga maarmin ayna balan qaadeen sidii ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka cusub ee uu Guddoomiyaha ka yahay Maxamuud Xasan Cali.

 

 

 

Dhinaca kale waxaa kulankaas goob joog ka ahaa Dr. Sh. Shariif Sh. Muxiyaddiin oo ka mid ah Culimaa'uddiinka Soomaliyeed kaasoo kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha lamana oga waxay ka wada hadleen balse warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya iney la xiriirto talo soo jeedin uu Sheekhu u bandhigay Guddoomiyaha kaasoo ku dhamaaday jawi Saraaxad leh.

 

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this