Sign in to follow this  
Liibaan

Wufuudii SSC OO Nairobi Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey

Recommended Posts

Liibaan   

NAASIRHNYBBBB.jpg

 

 

Wufuudii SSC OO Nairobi Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey

 

Wafti Balaadhan oo ay Hogaaminayeen Garaadka Guud ee SSC Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac iyo Hogaamiyaha SSC Dr: Suleymaan Ciise Axmed ayaa soo gaadhay maagaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

 

Boqolaal ka tirsan shacabka magaalada Nairobi ku dhaqan ee ka soo jeeda SSC ayaa halkaas ku soo dhaweeyey Wufuuda SSC, Waxaa soo dhaweynta si weyn uga qayb qaatay Barbaarta gaashaaman kuwaasoo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, Barbaarta gaashaman ayaa waxay ku labisnaayeen dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo weliba calanka Soomaaliya oo ay bartanka ugaga xardhanayd calamaada SSC.

 

Markii wufuudu soo degtay ayaa waxa hal mar laga dareemay Gegida caalamiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport, sawaxanka iyo sacabka Rayn raynta leh ee shucuubta SSC.

 

Waxaana arintaas ay soo jiidatay dareenka dadweynihii Garoonka ka dhoofayey soona dagayey, kuwaasoo aad u daawanayey ciyaarta hidaha iyo dhaqanka iyo Labista caajibka ah ee ay soo bandhigeen shacabka Soomaaliyeed ee SSC.

 

Qaar badan oo ka mid ah dadweynihii garoonka isticmaalayey oo ah dadka midabka cad cad ayaa su’aalo badan weydiinayey shacabka , sida ma madaxweynihii Soomaaliya soo dagaya? iyo su’aalo kale oo badan.

 

Wufuuda oo hadal kooban saxaafada siisay ayaa sheegay inay guul ku soo dhamaysteen arimihii qaran ee ay u tageen Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, isla markaana war faah faahsan ay sii doonaan saxaafada gudaha iyo debedaba bacda Nasashadooda.

 

Waxaana loo soo galbiyey hoygii ay ka dagi lahaayeen magaalada Nairobi, ayadoo ay daafaha ka soo raacen tobanaan gawaadhi ah oo bilicsani.

 

Dhanka kale waxaa soo dhaweynta ka qaybqaatay Madax waaxda Arimaha debeda ee SSC Pro: Mahamuud Ali Jaamac oo xalay asaguna soo gaadhay magaaalada Nairobi, wuxuuna Pro: Jaamac sheegay inuu magaalad DJibout kula soo kulmay madax ka tirsan dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Dhamaan madaxda SSC ayaa lagu wadaa in ay bacda nasashadooda ay warbixino iyo shirar la geli doonaan Shacabka SSC ee ku dhaqan Nairobi, ayagoo u sharaxi doona waxii ay kala soo kulmeen magaalada Xamar ee xarunta u ah dalka Soomaaliya.

 

Intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, waxay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxda u saraysa dalka Soomaaliya sida, madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya, oo ay guud ahaan kala hadlayeen qadiyada Soomaaliya gaar ahaan tan SSC.

 

Suleiman Xaashi Dheere,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

61.jpg

 

Wafti Balaadhan OO Ay Hogaaminayeen Garaad Jaamac Garaad Cali Iyo Hogaamiyaha SSC Dr. Saleeban Ciise Ahmed Soo Gaadhay Nairobi

 

 

Boqolaal ka tirsan shacabka magaalada Nairobi ku dhaqan ee ka soo jeeda SSC ayaa halkaas ku soo dhaweeyey Wufuuda SSC, Waxaa soo dhaweynta si weyn uga qayb qaatay Barbaarta gaashaaman kuwaasoo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, Barbaarta gaashaman ayaa waxay ku labisnaayeen dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo weliba calanka Soomaaliya oo ay bartanka ugaga xardhanayd calamaada SSC.

 

Markii wufuudu soo degtay ayaa waxa hal mar laga dareemay Gegida caalamiga ah ee Jomo Kenyatta International Airport, sawaxanka iyo sacabka Rayn raynta leh ee shucuubta SSC. Waxaana arintaas ay soo jiidatay dareenka dadweynihii Garoonka ka dhoofayey soona dagayey, kuwaasoo aad u daawanayey ciyaarta hidaha iyo dhaqanka iyo Labista caajibka ah ee ay soo bandhigeen shacabka Soomaaliyeed ee SSC. Qaar badan oo ka mid ah dadweynihii garoonka isticmaalayey oo ah dadka midabka cad cad ayaa su'aalo badan weydiinayey shacabka , sida ma madaxweynihii Soomaaliya soo dagaya? iyo su'aalo kale oo badan. Wufuuda oo hadal kooban saxaafada siisay ayaa sheegay inay guul ku soo dhamaysteen arimihii qaran ee ay u tageen Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, isla markaana war faah faahsan ay sii doonaan saxaafada gudaha iyo debedaba bacda Nasashadooda. Waxaana loo soo galbiyey hoygii ay ka dagi lahaayeen magaalada Nairobi, ayadoo ay daafaha ka soo raacen tobanaan gawaadhi ah oo bilicsani. Dhanka kale waxaa soo dhaweynta ka qaybqaatay Madax waaxda Arimaha debeda ee SSC Pro: Mahamuud Ali Jaamac oo xalay asaguna soo gaadhay magaaalada Nairobi, wuxuuna Pro: Jaamac sheegay inuu magaalad DJibout kula soo kulmay madax ka tirsan dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti. Dhamaan madaxda SSC ayaa lagu wadaa in ay bacda nasashadooda ay warbixino iyo shirar la geli doonaan Shacabka SSC ee ku dhaqan Nairobi, ayagoo u sharaxi doona waxii ay kala soo kulmeen magaalada muqdisho ee xarunta u ah dalka Soomaaliya Intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho, waxay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxda u saraysa dalka Soomaaliya sida, madaxweynaha, Ra'iisal wasaaraha iyo Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya, oo ay guud ahaan kala hadlayeen qadiyada Soomaaliya gaar ahaan tan SSC. Abdiwahab Mohamed Abdiweyne nairobi kenay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this