General Duke Posted September 26, 2007 Ciidamada Nabad sugida Qaranka oo Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ka qabtay Xubno ka soo qeybgalay Shirkii Tuulada Asmara. Ilo wareedyo ku dhaw dhaw Hawlwadeeno ka tirsan Garoonka Caalamiga ee Muqdisho ayaa sheegay in shalay ay ciidamada Nabad sugida Qaranka gacanta ku dhigeen Xubno ka mid ah ka qeybgalayaashii Shirkii tuulada Asmara. Xubnahaan la qabtay oo aan la hayn tiradooda ayaa waxa ay soo mareen Magaalada Hargaysa oo ay ka timid Duulimaadkii ay saarnayeen. Hawlwadeenada Garoonka ayaa Shabakada Wararka Carmooyin.com u sheegay in maalmahaanba Garoonka lagu soo kordhiyey Ciidamo aad u fara badan oo ka amar qaata Nabad sugida Qaranka si loo qabtaa xubno horey Muqdisho si dhuumaaleysi ah uga tagay oo Tuulada asmara aaday. Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in xubnaha la qabtay uu ku jiro Gudoomiyihi Dallada FPENS oo Isbahaysi ku sheega Asmara ka soo helay xilka Warfaafinta . Ciidamada iyo Saraakisha Nabad sugida ayaa la sheegayaa in ay garoonka ay ku hayaan Sawirada iyo Magacyada xubno la sheegay in ay Muqdisho ku soo fool leeyihiin oo Shirkaa ka soo qeybgalay. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmoyin.com ee Mqudisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 26, 2007 Muqdisho: Nabad sugida dowladda oo u diyaar garoowday qabashada ergooyinka iyo suxufiyiinta shirkii Asmara ka qeyb gashay 25. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Waxaa heegan sare la geliyay ciidamada nabad sugida ee dhar cadka ah kuwaasoo heysta warbixino, sawiro iyo magacyo ay leeyihiin xubno ka tirsan ergooyinkii iyo suxufiyiintii ka qeybgashay shirkii Asmara ee Erateriya ugu soo dhamaaday kooxaha ka horjeeda dowladda ee sheegay iney la dagaalami doonaan iyaga iyo kuwa Ethiopia. Garoonka diyaaraddaha Muqdisho ayaa lagu arkayaa ciidamo si daran u baaraya rakaabka ka soo dega diyaaradaha soo caga dhigta garoonka iyagoo ka digtoon iney ku soo dhex dhuuntaan duulimaadyada diyaaradaha ee soo mara dalalka kale ee aan aheyn kuwa laga shakisan yahay. Ciidamadaasi ayaa shalay lagu waramayaa iney gacanta ku dhigeen labo xubnood oo ka tirsan ergooyinkii shirkii Asmara kuwaasoo aan magacyadooda noo suura gelin inaan helno balse ay ku andacoodeen iney ka yimaadeen dad eheladooda ah oo ku sugnaa dalka Jabuuti. Ergooyinka iyo suxufiyiinta ku sugan Asmara ayaa wel wel iyo walaac ka qaba sidii ay ugu soo laaban lahaayeen magaalada Muqdisho iyo gobolada Puntland halkaasoo u aheyd deegaan iyo goobo ay ka howlgalaan iyagoo markii hore u heystay in shirkaasi ay wax uun ka soo heli doonaan kana soo laaban doonaan iyagoon wax caqabad ah la kulmin hase yeeshee ay maanta xaaladooda u muuqato dawacooy dool webi kaa shiran. Dhinaca kale maamulka la magac baxay Somaliland ayaa xabsiga dhigay xubno ka tirsan ergooyinkii Asmara kuwaasoo dib ugu celiyay dalka Jabuuti oo ay doonayeen iney safar dhulka ah ugu soo barmuudeeyaan ilaa Garoowe iyo Muqdisho taasoo ay ku fashilmeen oo ay waayeen socdaal dhulka ah iyo mid cirka ahba. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted September 27, 2007 War suxuufida xor bay u yihiin arrimahaan oo kale. Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted September 27, 2007 nss! nothing so socada miyaa...is that their code word. nss! wat a joke. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 27, 2007 why suxufiyiinta ?? ,,,,,, i wonder why the journalists are the tfg's target these days. Aren't those journlists free to go and report from anywhere ??? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 27, 2007 All those who went to Asmara party should be arrested. Questioned and then depending on their role, be dealt with. You can not incite violence, support bombings that target both civilain and government of Somalia, and then pretend their wont be any action taken. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 27, 2007 Saraakiil ka tirsan Cidamada Nabad Sugida Qaranka oo la wareegay Amaanka Garoonka Caalamiga ee Aadan Cade Airport si loola socdaa soo laabashada Xubnaha Tuulada Asmara. Amaanka Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey waxaana la wareegay gacan ku haynta Amaanka Garoonka Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Nabad sugida Qaranka kadib markii la helay Warbixino iyo Macluumaadyo ku saabsan In Magaalada Muqdisho ay ku soo socdaan xubno fara badan oo ah ka qeybgalayashii Shirkii Tuulada Asmara oo haatan ku sugan dalka Jabuuti kuna soo jeeda Magaalada Muqdisho. Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa aanan xirneyn Dareeska Ciidamada balse xiran Dharka Cad,waxaana ay Saraakiisha dusha kala socotaa hadba dhaqdhaqaqaaqa dadka rakaabka ah ee ka imaanaya Jabuuti iyo Hargaysa oo hada ah Marinka ay adeegsadaan Kooxda Tuulada Asmara. Shalay ayay ahayd markii Ciidamada Nabad sugida Qaranka ay gacanta ku dhigeen Xubno Tuulada Asmara ah oo uu ku jiray Ninkii Gudoomiye ka ahaa Dallada FPENS oo ka soo helay Shirkaa xil Madaxa Warfaafinta . Warar Xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Hargaysaa ay joogaan ku dhawad 50-Xubnood oo ah ka qeybgalyaashi Tuulada Asmara haatana raba in ay soo galaan Magaalada Muqdisho. Soo laabashada xubnahaan Tuulada Asmara ayaa waxaa ay noqoneysa mid aad ugu adkaata in ay yimaadaan Maadama Magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka ay la wareegeen Taliska Ciidamada Nabad sugida Qaranka. Xafiiska warqabadka shabaakdad wararka camrooyin.com ee Mqudisho. Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail,.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted September 27, 2007 Suxufiyiinta waa wadan karaan howshooda balse tuugada kugabanaysa suxufinimo oo bambka hoosta kadhiibaysa oo maleegaysa qaraxyada waa laqabanayaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites