Sophist Posted November 16, 2003 Roobab ka da`ay meelo ka mid ah gobolka Sool iyo Sanaag Roob ayaa xalay si lama filaan ah uga curtay meelo ka mid ah dhinacyadda magaaladda Laascaanood taasi oo ahay mid noolaysaye niyadda dad badan oo quus ka taagnaa biyaha dayreed. Roobkani oo helay degaanka ku teedsan soolka u dhexeeya Tukaraq iyo Ganbadhe ayaa doojiyey degaan badan iyadoo ay si lama filaan ah ay hoos ugu dheceen biyaha iibka ah ee magaaladda Laascaanood oo awal ahaa in ka badan 60,000 oo shilin halka ay haatan ka joogaan 15,000 oo keliya. In kasta oo taniyo xalay ayay dadku filayeen roob hadana maysan moodayn inay isbedelkaasi weyn ay ku samayn karto hogol keliyahi qiimaha biyaha. Dhinaca Gobolka Sanaag ayaa laga soo sheegayaa inay roobab doorahi ay ka de`een meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhulka ay abaaruhu saameeyeen. Cirku weli waa camiran yahay iyadoo ay dadku filayaan inuu maruun camiro dhulka oo laga baxo cabsidii laga qabey in la waayo dayrta gebi ahaan teedba Source: R.Laascaanood ------------------------------- Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted November 17, 2003 I hope more rains come...The region needs water desperately. Lets pray for more rains. Quote Share this post Link to post Share on other sites