Sign in to follow this  
Gabbal

When did Gen Cali Hassan Hurre Looyaan Madoobe come back to Baidoa?

Recommended Posts

Gabbal   

Cabdulahi Yuusuf, Cali Madoobe maka maarmi waayey? :D Ilaayo haatan jagada wuu ka xayuubi waayey teer uu Baydhaba xitaa kusoo laabtay (probably on Abdulahi's asking).

 

 

BAYDHABO: Malleeshiyo taageersan Aadan Saransoor iyo Ilaalada Gen. Cali Madoobe oo isku hor-fadhiya Baydhabo

Posted to the Web Oct 15, 18:40

 

Baydhabo (PP) - Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa sheegaya in Malleeshiyo daacad u ah Aadan Saransoor iyo Ilaalada Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay isku horfadhiyaan guriga uu taliyuhu ka daggan yahay Magaalada Baydhabo.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Malleeshiyada aadan saransoor ay dalbanayaan in dibadda loo soo bixiyo taliyaha ciidammada booliiska Soomaaliyeed Cali Xasan Looyaan (Cali Madoobe) oo dalka dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo galabnimadii maanta.

 

Xiisadda ka taagan Magaalada Baydhabo ayaa waxay tahay mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal dhex maro Malleeshiyada Aadan Saransoor oo sida la sheegay ka careysan Malleeshiyo dhawaan lagu laayay Airpor-ka Magaalada Baydhabo iyo ilaalada Talyaha Ciidanka Booliiska Cali Madoobe.

 

Ma jiraan wax waawaano ah oo socda kuwaasoo lagu qaboojinayo xaaladda, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu taleefoonka kula hadlay Aadan Saransoor isla markaana uu ku adkeeyay inuu kala baxo ciidankiisa dhufeysyada ay ku jiraan.

 

Ma cadda weli wax war ah oo ku saabsan arrintaan oo soo baxaya, waxayna dhacdadan ku soo aaday xilli uu Baydhabo ka maqan yahay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

Maxamed Xuseen Jantiile

wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Baydhabo: Malishiyad isku horfadhiya

15 Oct 15, 2006, 16:23

 

 

Maliishiyo ka tirsan kuwa Aadan Saransoor iyo kuwa ilaalada Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Madoobe ayaa qarka isku saaran inuu dagaal ku dhex maro magaalada Baydhabo oo xarun u ah dowladda KMG ah.

 

Taliyaha Booliska oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa maliishiyada Saransoor waxay dalbadeen in banaanka loo soo bixiyo Cali Madoobe , taasoo ka careysiisay ilaalada Cali Madoobe.

 

Magaalada Baydhabo ayaa laga cabsi qabaa in dagaal uu ku dhex maro Malishiyaadka Saransoor iyo Cali Madoobe, iyadoo la sheegayo in arintan ay daba socoto dagaalkii ka dhacay garoonka diyaaradaha Baydhabo ee lagu dilay qaar ka mid ah maliishiyo isku heyb ay yihiin ilaalada Saransoor.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee dhexdhexaadinta labadaasi kooxood ayaa la sheegayaa in uu soo kala dhexgalay ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi isla markaana Aadan Saransoor khadka isgaarsiinta xiriir uu kula soo sameeyay ku amray inuu ciidamadiisa kasoo daabulo meel aan ka fogeyn guriga Taliyaha Booliska oo dhufeysyo ay ka dhigteen.

 

Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

The police chief is by far the most effective member of the national security forces and of the whole government.

 

I tried to get some info on this story but so far nothing more than that..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this