Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Boocame Participants Arrested

Recommended Posts

Ciidamada booliiska ee laascaanood ayaa saaka wada howlgal balaadhan oo ay ku baadi goobayaan xubnihii ka qayb galay shirkii boocame , waxaana goor dhowayd xabsiga laascaanood la dhigay laba xubnood oo shirkaasi ka qayb galay ........

 

 

Labada xubnood ee ay xidheen ciidamada somaliland ayaa mid ka mid ah lagu magacaabaa Oday Hurre Caalin halka midka kale aan wali la ogayn magaciisa , waxaana saaka guud ahaan ka socota magaalada baadi goob ay ciidamada Somalialnd baadi goobayaan ergooyinkii shirkii boocame , iyadoo ilaa hada la qabtay laba ruux oo keliya

 

 

 

Ciidamada booliiska ayaa adkeeyey dhamaanba wadooyinka laga soo gala magaalada ka dib markii ay amarkaas bixiyeen gudiga nabad gelyada gobolka sool oo sheegay in xubnihii ka qayb galay shirkii boocame ay danbiilayaal yihiin lana xidho qofkasta oo ka qayb galay shirkaasi, shirkaas oo ay ku tilmaameen mid ay wadatay dowlad goboleedka Puntland ..

 

 

 

Mar aan saaka booqday Kaantaroolka bari ee magaalada laascaanood ayaa waxaan ku arkay ciidamo boolis dheeraad ah kuwaas oo si aada ubaadhaya gawaadhida su’aalana waydiinaya dadka la socda gawaadhida ka timaada dhinaca garoowe, ciidamada saaka howl galka wada ayaa dhamaantood waxay aheeyeen booliis mana jirin ciidamo aan deegaanka ahayn oo howl galka iiga dhexmuuqday saaka…

 

 

afnugaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood(jidbaale.com):-Waxaa saaka lagu xidhay magaalalada Laascaanood oday ka mid ah odayaashii ergada Beesha Jaamac Siyaad uga qayb galay shirka Boocame odaygan oo lagu magacaabo HUre Caalin, waxaana xadhigan saaka kula kacay Malayshiyo uu soo amray Cali Sandule, uuna hogaaminayey Xuseen Taarwale

 

 

Maamulka u adeega misnimadiidka ayaa waxa ay soo saareen go'aan ay ka siidaayeen saxaafadda kaas oo ah in la xidho qofkasta oo ka qayb galay shirkaasi, ayna ugu horeeyaan Issimada ka qayb galay shirka.

 

Waxaanay go'aansadeen in nin kastaaba ka qabiilkiisa ah ee ka qayb galay shirkaas ay xidhxidhaan, taas oo saaka ay Cali Sandule iyo Xuseen Taarwale odayaasha Beesha Jaamac Siyaad uga qayb galay ku ugaadhsanayaan saakana loo xidhay Oday Hure Caalin.

 

wixii warar ah ee ka soo kordha gadaal ayaan idiinka soo sheegi doonaa iyada oo ay magaalada ka socoto ugaadhsi aad u baaxad weyn oo ay horboodayaan xubnaha u adeega maamulka midnimo-diidku.

 

 

jidbaale.com :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lascaanod (Somaliland.Org) Wararka hadda naga soo gaadhaya magaaladda Laascaanod ayaa waxay sheegayan in ciidamadda Booliska Somaliland xidheen laba xubnood oo ka mid ah ergooyinkii ka qeyb qaatay shirkii dhowaan ka dhacay degmadda Boocame. Labadaas nin ee la xidhay maanta ayaa mid magaciisa waxa la sheegay in la yidhaahdo Oday Hurre Caalin halka ninka kale magaciisu aanu wali soo bixin.

 

Degmadda Boocame ee gobolka Sool ayaa waxa dhowaan ka dhacay shir ay isugu yimaaden dhamaan garaadadda reer Sool iyo wefti wasiiro iyo garaado ka socday maamulka Puntland, sida wasiiraada Sool ee maamulka Puntland iyo issimada Garowe. Qodobadii shirkaas lagu ansixiyey ayaa waxa ka mid ahaa oo ugu miisaan weynaa in dagaal lagu qaado ciidamadda Somaliland iyo beelaha kale ee Somaliland iyada oo garaad Cabdisalaan oo afhayeen u ah garaadadda Sool uu BBC ka sheegay in dagaalku daba dheeraan doono oo geel la kala qaadi doono.

 

Guddida nabadgelyadda gobolka Sool ayaa hore u iclaamisay in ciddii ka qayb gashay shirkaas dagaalka lagu iclaamiyey la xidho doono, haddii aanay ku daadafeyn go’aanadii shirkaas muddo sadex cisho gudaheed ah.

 

Dhamaan wadooyinka laga soo galo magaaladda Laascaanod, gaar ahaan kaantaroolka Bari ee magaaladda ee dhinaca Garoowe ayaa waxa la dhigay ciidamo Boolis oo dheeri kuwaas oo baadhaya dhamaan gawaadhida soo galaya magaaladda, suaalana weydiinaya dadka la socda.

 

Waxii war ah ee arrintan kasoo kordha kala soco Somaliland.Org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this