Sign in to follow this  
General Duke

Anti government group in SHOCK:

Recommended Posts

Nairobi:Kulankii Baarlamaanka maanta iyo Khudbadihii ay ka jeediyeen Madaxweynaha ,Ra'iisal Wasaaraha iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanku

- Wednesday, May 11, 2005 at 22:14

 

Nairobi(AllPuntland)-Kulankii baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya oo maanta 4:00 galabnimo ka furmay hoolka shirarka ee KICC ee magaalada Nairobi ayaa waxa uu soo gabagaboobey caawa 8:00 fiidnimo ee waqtiga Afrikada Bari.

 

Shirkaan oo ay fadhiyeen xildhibaano gaaraya 152 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka KMG ah ayaa waxaa dalabkiisa lahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo isagu ka codsaday baarlamaanku inay ka doodaan oo go'aan ka gaaraan qorshihii xukuumadda ee keenitaanka dalka ciidammo ka socda Ugandha iyo Suudaan iyo weliba halka dawladdu u guurayso,waxaana kulankaan maanta goob joog ka ahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ,Ra'iisal Wasaare Geeddi iyo Ra'iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid,iyo xubno ka socdey beesha caalamka,Midowga Afrika,Jaamacadda Carabta iyo safiirada dalalka Kenya u fadhiya qaarkood.

 

Kulankaan oo uusan soo xaadirin guddoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Mudane Maxamed Cumar Dalxa ,oo isagu markii uu shirka furay cadeeyey in maadaama caddadkii ansixitaanka fadhiga baarlamaanku buuxo uu shirku furan yahay ,isagoo markaasna ku soo dhoweeyey Madaxweynaha si uu u yiraahdo oraahdiisii maadaama uu kulankaan degdegga ah codsaday.

 

Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa markaa hadalka qaatay ,salaan guud ka dibna waxa uu sheegay in maadaama baahi weyn loo qabo in ummadda Soomaaliyeed dhibaatada laga saaro oo aan arrintaa u dhaarannay inay jirto 3 arrimood oo uu sharciga iyo axdiga ku jebiyey guddoomiyaha baarlamaanku.

 

Midda kowaad markii baarlamaanku ku shiray Grand Regency 17kii March oo iyadoo baarlamaanku bakoorado iyo feer isku wado uu sheegay Guddoomiyuhu in cod la qaaday oo 156 xildhibaan ay u codeeyeen inaan dalka la keenin ciidammo ka socda dalalka safka hore ,taasoo markaa ka dib aan isugu yeeray sharci yaqaano arrintaa ka soo baaraan dega sharci ahaanteeda kuwaasoo soo caddeeyey inaysan sharci ahayn arrintaasi si sax ahna ku dhicin.

 

Markaa ayaan sida axdigu qabo waxaan u soo qoray qoraal aan kaga codsanayo inuu maadaama uusan si nidaam ah u dhicin codayntii in muddo 14 casho gudahood ah inaan dib ugu celiyey baarlamaanku inay iyagoo xasiloon go'aankii ay doonaan ay qaataan,markaasoo aan safar aadey dabadeedna markii aan soo noqday waxaan arkay qoraal uu guddoomiyuhu ii soo qoray oo leeyahay qoraalkii afka Ingiriiska ku qornaa ku soo bedel af Soomaali ,taasina waxay ahayd diidmo cad maadaama xafiiska Guddoomiyaha ay ka shaqeeyaan dad aqoon u leh luqaddaas oo ay tarjumi karaan,taasoo ahayd diidmo cad ,balse maahan cidda wax diidi kartaa guddoomiyaha ee waa baarlamaanka.

 

Midda labaadna waxay ahayd xildhibaano gaaraya 100 xubnood ayaa waxay guddoomiyaha u qoreen qoraal ay kaga codsanayaan inuu isugu yeero baarlamaanka si ay uga doodaan barnaamijka xukuumaddu soo gudbisey ,taasna waa uu ku gacan sayray.

 

Midda 3aadna waa tan hadda loo fadhiyo ee iyadoo ay jirto arrin degdeg ah oo fadhi lagaga wadahadlayo arrimaha Soomaaliya uu berito ka dhacayo magaalada Addis Ababa ayaa golaha ammaanka iyo nabad gelyada Afrika waxay khamiistii hore ka codsadeen Ra'iisal Wasaaraha oo Muqdisho jooga inuu kulankaas ka soo qaybgalo ,markaasoo uu Ra'iisal Wasaaruhu ka codsaday in dib loogu dhigo ilaa khamiista berito ah sidaa darteedna markii uu Ra'iisal Wasaaruhu soo laabtay wuxuu kulan isugu yeeray golaha Wasiirada oo markii ay go'aan qaateen ka codsaday guddoomiyaha baarlamaanka inuu 24 saac gudahood isugu yeero kulan baarlamaanka ,taasoo uu iyadana diidey aniga ayaana isku deyey inaan dhexgalo oo xalay oo isugu kaaya danbeysey wuu diidey inuu wax fadhi ah baarlamaanka isugu yeerayo ilaa 17ka bishaan ,haddaba idinkoo ah baarlamaanka Soomaaliya Ilaahay ka sokow idinkay idinku xiran tahay inaad ka talisaan sidii Soomaaliya qarannimadeedii iyo sharafteedii ula soo noqon lahayd ,baarlamaankuna qof jeebkiis kuma jiro,aniga iyo isagaba haddii aan wax sharci ah idinka diidno oo idinka hor nimaadno iska kaaya dhiciya,waxaana la idinka sugayaa sidii aan go'aan uga gaari lahayn ciidammadii dalka imaan lahaa iyo guuritaankii dalka gudihiisa.

 

Markaa ka dib Madaxweynuhu waxa uu ka baxay hoolkii shirarka isagoo ku sugnaa isla dhismaha dhexdiisa si uu uga warsugo go'aanka baarlamaanka,markaa ayaa waxaa hadalkii qaatay Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Mudane Maxamed Cumar Dalxa oo isagu ugu horraayn tacsi udiray dadkii eheladii dadkii dhibaatadu ka soo gaartey qaraxii Muqdisho ,waxna uu maanta hadalkiisu u badnaa sida uu uga xun yahay maqnaanshaha guddoomiyaha baarlamaanka isagoo tilmaamay inaan ujeedadiisu ahayn inqilaab uu ku samaynayo guddoomiyaha xaqa ah ee sida sharciga ah loo doortay balse uu qadarinayo codsiga madaxweynaha iyo xukuumadda iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee iyagu doonaya inay dhibaatada mar uun ka baxaan,waxana uu bogaadiyey shaqada ay Muqdisho ka wadaan xubnaha ka tirsan labada gole ee halkaas ku sugan ,waxana uu markaas ku soo dhoweeyey hadalkii Ra'iisal Wasaare Geeddi.

 

Ra'iisal Wasaaraha ayaa ugu horrayn warbixin kooban oo la xiriira safarkiisii Muqdisho ka dib iyo tacsi uu diray eheladii dadkii ku waxyeelloobay qaraxii Stadio Muqdisho waxa uu soo jeediyey barnaamijka xukuumaddu soo gudbisay ee Madaxweynuhuna markaas codsaday in baarlamaanku ka doodo kaasoo ah.

 

-In go'aan laga gaaro imaatinka dalka ee ciidammo ka socda dalalka Ugandha iyo Suudaan oo ay weheliyaan kuwo ka socda Jaamacadda Carabta iyo Dalalka kale ee Afrika.

 

-In dawladdu ku sii hakato Jawhar iyo Baydhabo ,isagoo markaas codsaday in ajendaha 2aad (Baydhabo iyo Jawhar)dib loo dhigo ka doodistiisa muddo labo ilaa 3 maalmood ah taasoo ay codsadeen xubnaha beesha caalamka ee ku sugnaa goobta maanta taasoo ay xildhibaanadu ka diideen oo weliba mar hakad gelisay codayntii iyagoo ku adkaystay inaan la kala qaadi karin labadaa qorshe ,ugu danbayntiina waa laga gudbey arrintaas markii baarlamaanka la mari waayey oo codsiyo dhowr jeer Ra'iisal Wasaaruhu soo jeediyey ay ka diideen.

 

Dabadeedna labo jeer oo kala duwan ayaa loo kala codeeyey qorshihii xukuumadda iyadoo la hormariyey dhinaca ciidammada oo ay 145 xildhibaan u codeeyeen in sideeda loo qaato oo ah in dalka la keeno ciidammo ka socda Ugandha ,Suudaan,Jaamacadda Carabta iyo Afrika,mana jirin cid ka aamustay iyo cid diidey toona ,waxayna ahaayeen intii markaas codaynta ka qaybqaadatay oo ka mid ah 152dii xubnood ee fadhigu ku furmay oo inta kale ay bannaanka hoolka ku maqnaayeen markii codayntu dhacaysey.

 

Qodobkii 2aad ee goobta dawladdu ku sii hakanayso inta magaala madaxda laga xasilinayo ayay 141 xildhibaan waxay u codeeyeen in sideeda loo qaato oo magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo ay dawladdu ku sii hakato ,iyadoo uu hal xidhibaan ka aamusay,markii qorshahaas xukuumadda sidiisii loo ansixiyey ayaa waxaa hal mar hoolkii isqabsaday heestii caanka ahayd ee calanka ee Soomaaliyeey Toosoo Toosoo isku tiirsada ee,waxaana markaa goobtii dib ugu soo laabtay madaxweynaha oo mahadcelin iyo waano u soo jeediyey baarlamaanka isagoo ku ammaanay muujintooda ay muujiyeen inay wax diidi karaan waxna ansixin karaan,waxana uu markaa ka dib sheegay inuusan ahayn Madaxweynihii ugu horreeyey ee kulan isugu yeera isagoo tusaale u soo qaatay xilligii dawladdi ra'yidka ahayd oo mar uu guddoomiyihii waagaas diidey inuu fadhi isugu yeero baarlamaanka uu madaxweynihii xilligaas Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) uu kulan isugu yeeray baarlamaankii oo ugu danbayntiina xilkii ka qaaday guddoomiyihii,marka waxaan idin leeyahay haddii aan sharciga ku xadgudbo ha i aqbalina ,haddii aan idinka diidana waad i bedeli kartaan sia sharcigu qabo idinkoo 2/3 cod ah ku ansixinaya ,(markaasoo sacab aad ah loo garaacay).,waxana uu intaa ku daray walaalkeen Shariif Xasan Shiikh Aadan waan u caqli celinaynaa ,haddii uu ina diidana hal qof oo shaqsi ah iyo Soomaaliya waxaan dooranaynaa Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa waxa uu u mahad celiyey guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Mudane Dalxa guddoomintiisa shirka ,waxana uu sheegay in taariikhdu qori doonto ciddii Soomaaliya danteeda si mintidnimo ah ugu guntata ,waan ognahay oo dad baa meelaha kaga hadla hebel waa XABASHI iyo hebel waa AMXAAR iyadoo aan filayo in maalin dhowna qolo lagu sheegi doono ISRAA'IILIYIIN marka waa la kala ogaan doonaa cidda Soomaali dhab ah iyo cidda ay afka baarkiisa ka saaran tahay ayuu yiri madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf,waxana uu sheegay inuu dhowaan safar baaritaan caafimaad u bixi doono isagoo u soo noqon doona sida ugu gaaban ,sidaa darteedna loo sii diyaar garoobo geeddi iyo bixitaan.

 

Markaa ayaa waxaa kulankaas soo gabagabeeyey Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo isagu ka codsaday madaxweynaha inuu intii awoodiisa iyo khibradiisa iyo odaynimadiisa ah isugu geeyo sidii uu u midayn lahaa golayaasha dawladda oo khilaafaadka looga dhex saari lahaa.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

AllPuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Well, the government needs to continue its work and it no longer can effort to be hostage for the speaker of the parliament.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this