Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf arrives in Puntland...

Recommended Posts

Garoowe: Wafdigii C/laahi Yuusuf hogaaminayay oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe

Sunday, July 16, 2006

 

Garoowe(AllPuntland)- Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hor kacayo oo socod diyaarad ah kasoo bilaabay magaalada Baydhabo maanta barqanimadii ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe duhurnimadii.

 

Wafdiga ayaa saacad joogay magaalada Gaalkacyo oo ay kusoo hor mareen, waxayna markaasi diyaaraddii wadday usii raaceen magaalada Garoowe oo socdaalkoodu ku jihaysnaa.

 

Md: Yuusuf waxaa socdaalkiisa ku weheliya xubno aad u badan oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno iyo waliba aqoon yahanno kasoo raacay magaalada Baydhabo.

 

Wasiirka kalluumaysiga Xasan Abshir Faarax, Wasiirka warfaafinta Maareeye, iyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Cali Madoobe iyo xubno kale oo dawladda ka tirsan ayaa waxaa looga hortagay halka laga soo galo magaalada Garoowe, dadwaynaha soo dhaweeyay ayaa u muuqday inay ahaayeen kuwii ugu tirada badnaa ee Puntland iminka kasoo dhaweeyay.

 

Madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse, kuxigeenkiisa Afqurac, wasiirka dawladaha hoose Awaare, wasiirka maaliyadda Gaagaab iyo wasiiro iyo xildhibaanno ayaa maanta wafdigan kusoo dhaweeyay Garoowe.

 

Wafdiga ayaa la kala dajiyay goobo ay ugu talo galeen guddiga soo dhawaynta , kuwaasoo kala ah madaxtooyada, guryaha martida iyo hotello loo qoondeeyay.

 

Si rasmi ah kulamada wafdiga dawladda Federaalka ayaa naloo xaqiijiyay inay fiidkii u bilaaban doonaan, lamana caddayn karo inta ay sii joogi doonaan wafdigan Puntland.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxda Puntland iyo federaalka oo la shiray Shirkad Shidaal oo laga leeyahay China

 

Updated::2006-07-16 23:49:44

 

Garowe:- Waxaa caawa hoolka shirarka ee Madaxtooyada Garowe

shir ku yeeshay wefdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah, Golaha Xukuumadda Puntland, Golaha Wakiiladada Puntland iyo shirkad lagga leeyahay dalka Shiinaha oo ah shirkad shidaal.

 

Shirka ayaa waxa lagaga hadlayey qaybta ay wax ka soo saarayso shirkadani iyo meelaha ay danayso.

 

M/kuxigeenka Puntland, Madaxweynaha Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland

Intaasi ka dib ayaa Madaxweynaha Puntland guddi oo hore u magacaabay in ay kala hadlaan shirkadda shiinaha qaybaha ay danayso in ay ka soo saarto iyo sida ay rabto in ay wax u soo saarto, ayaa waxa uu soo jeediyey Madaxweynuhu in ay isla caawa shir la qaataan go'aankana ay keenaan.

 

Madaxweynaha DFKMG Md.C/laahi Yusuf Ahmed iyo Madaxweynaha Puntland Md.Cadde Musse

 

Shirkadan shiinaha ah ayaa waxa ay tahay shirkadaha ka qayb qaaadanaya soo saarida shidaalka haddi ay isku afgartaan shirkadan Dawladda Puntland heshiiska.

 

 

Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlad Puntland iyo Federaalka

 

Sidaa darteed ilaa iyo hada weli wax go'aan ah oo ka soo baxay ma jirto shirkii ay wada yeesheen guddiga Puntland iyo shirkada shiinuhu.

 

shidaal_china_garowe1.jpg

Siihayaha Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Mas'uuliyiin kale.

 

Shirkadda shiinaha ayaa beryahanba ku sugnayd magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

 

shidaal_china_garowe2.jpg

Dowlada Puntland ayaa indhawaale waday qorshe ay kusoo baareyso Khayraadkeeda oo uu ku jiro baarida iyo soo saarida Shidaalka.

 

Wafdiga ka socda Dawlada Federaalka ayaa Puntland u yimid casumaad ay ka heleen Madaxweynaha Puntland oo ka codsaday dowlada Federaalka in ay talo iyo wadaxaajood ku lahaato arrimaha heshiisyada soo saarida Khayraadka.

 

Faisa Cabdi Dhalac

Wariyaha Madaxtooyada PL

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this