General Duke Posted July 16, 2006 Garoowe: Wafdigii C/laahi Yuusuf hogaaminayay oo si diiran loogu soo dhaweeyay Garoowe Sunday, July 16, 2006 Garoowe(AllPuntland)- Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hor kacayo oo socod diyaarad ah kasoo bilaabay magaalada Baydhabo maanta barqanimadii ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe duhurnimadii. Wafdiga ayaa saacad joogay magaalada Gaalkacyo oo ay kusoo hor mareen, waxayna markaasi diyaaraddii wadday usii raaceen magaalada Garoowe oo socdaalkoodu ku jihaysnaa. Md: Yuusuf waxaa socdaalkiisa ku weheliya xubno aad u badan oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno iyo waliba aqoon yahanno kasoo raacay magaalada Baydhabo. Wasiirka kalluumaysiga Xasan Abshir Faarax, Wasiirka warfaafinta Maareeye, iyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Cali Madoobe iyo xubno kale oo dawladda ka tirsan ayaa waxaa looga hortagay halka laga soo galo magaalada Garoowe, dadwaynaha soo dhaweeyay ayaa u muuqday inay ahaayeen kuwii ugu tirada badnaa ee Puntland iminka kasoo dhaweeyay. Madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse, kuxigeenkiisa Afqurac, wasiirka dawladaha hoose Awaare, wasiirka maaliyadda Gaagaab iyo wasiiro iyo xildhibaanno ayaa maanta wafdigan kusoo dhaweeyay Garoowe. Wafdiga ayaa la kala dajiyay goobo ay ugu talo galeen guddiga soo dhawaynta , kuwaasoo kala ah madaxtooyada, guryaha martida iyo hotello loo qoondeeyay. Si rasmi ah kulamada wafdiga dawladda Federaalka ayaa naloo xaqiijiyay inay fiidkii u bilaaban doonaan, lamana caddayn karo inta ay sii joogi doonaan wafdigan Puntland. CCC Farayaamo AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 16, 2006 Madaxda Puntland iyo federaalka oo la shiray Shirkad Shidaal oo laga leeyahay China Updated::2006-07-16 23:49:44 Garowe:- Waxaa caawa hoolka shirarka ee Madaxtooyada Garowe shir ku yeeshay wefdigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah, Golaha Xukuumadda Puntland, Golaha Wakiiladada Puntland iyo shirkad lagga leeyahay dalka Shiinaha oo ah shirkad shidaal. Shirka ayaa waxa lagaga hadlayey qaybta ay wax ka soo saarayso shirkadani iyo meelaha ay danayso. M/kuxigeenka Puntland, Madaxweynaha Federaalka iyo Madaxweynaha Puntland Intaasi ka dib ayaa Madaxweynaha Puntland guddi oo hore u magacaabay in ay kala hadlaan shirkadda shiinaha qaybaha ay danayso in ay ka soo saarto iyo sida ay rabto in ay wax u soo saarto, ayaa waxa uu soo jeediyey Madaxweynuhu in ay isla caawa shir la qaataan go'aankana ay keenaan. Madaxweynaha DFKMG Md.C/laahi Yusuf Ahmed iyo Madaxweynaha Puntland Md.Cadde Musse Shirkadan shiinaha ah ayaa waxa ay tahay shirkadaha ka qayb qaaadanaya soo saarida shidaalka haddi ay isku afgartaan shirkadan Dawladda Puntland heshiiska. Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlad Puntland iyo Federaalka Sidaa darteed ilaa iyo hada weli wax go'aan ah oo ka soo baxay ma jirto shirkii ay wada yeesheen guddiga Puntland iyo shirkada shiinuhu. Siihayaha Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Mas'uuliyiin kale. Shirkadda shiinaha ayaa beryahanba ku sugnayd magaalada Garowe ee caasimada Puntland. Dowlada Puntland ayaa indhawaale waday qorshe ay kusoo baareyso Khayraadkeeda oo uu ku jiro baarida iyo soo saarida Shidaalka. Wafdiga ka socda Dawlada Federaalka ayaa Puntland u yimid casumaad ay ka heleen Madaxweynaha Puntland oo ka codsaday dowlada Federaalka in ay talo iyo wadaxaajood ku lahaato arrimaha heshiisyada soo saarida Khayraadka. Faisa Cabdi Dhalac Wariyaha Madaxtooyada PL HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites