Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: Parliment meets..

Recommended Posts

Baydhabo: Golaah baarlamaanka ee dawladda Soomaaliya oo fadhi ku yeeshay Baydbabo qodobo kala duwana ka dooday.

 

Axad, December 17, 2006

 

 

Baydhabo (AllPuntland)- Golaha baarlamaanka ee dawladda Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku qaateen magaalada Baydhabo waxa ay kaga doodeen arrimo ku aadan xeer hoosaadka golaha baarlamaanka.

 

Kulankaasi ayaa waxa ay golaha baarlamaanku isaga dhex magacaabeen xubno ka soo shaqaynaya qaabkii loo soo dhisi lahaa xeer hoosaadka golaha.

 

Xill. Xasan Isxaaq Yacquub ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi ay goluhu ka wada hadleen qaabkii uu noqon lahaa xeer hoosaadka baarlamaanka kaasoo ah mooshin ay soo diyaariyeen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka.

 

Kulankaasi ayaa waxaa la filayay in uu soo xaadiro ra`iisul wasaaraha dawladda Somaaliya , si uu u soo hor dhigo qodobo kala duwan oo xukuumadda ku saabsan.

 

Sidoo kale ra`iisul wasaraha ayaa waxaa la filayay in uu khudbad u jeediyo golaha baarlamaanka ee dawladda Soomaaliya.

 

Arrintaasi ayaa waxaa ku yimid dib u dhac ka gadaal markii uu ra`iisul wasaaruhu kulamo la galay wafdi ka baxay gobolada Puntland oo maanta gaaray magaalada Baydhabo.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this