Jacaylbaro Posted June 2, 2008 Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa sii daayey budhcad badeed ka soo jeeda gobolada Puntland,kuwaas oo bishii March laga qabtay Wajaalle,iyaga oo ku sii jeeday dhinaca Itoobiya. Nimankaas oo watay marka la qabanayey lacag kor u dhaafaysa $ 21000 (Koow iyo labaatan kun oo Dollar),ayaa waxa lagu soo eedeeyey inay yihiin budhcad badeed maraakiibta afduubta,balse Rayaale ayaa amray in ooda laga qaado,maadaama sida uu shegay lagu waayey wax danbi ah oo ay galeen. Nimankaas oo uu ku jiro Cumar Maxamed Boqor Muuse oo Cadde Muuse adeer u yahay ayaa waxa magacyadoodu kala yihiin kuwan hoose: 1. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud 2. Cumar Maxamed Boqor Muuse 3. Cabdicasiis Cabdi Axmed 4. Maxamuud Xasan Siciid 5. Mustafe Cabdalla Axmed Nimankan ayaa sida la aaminsan yahay waxay qayb ka ahaayeen malayshiyo afduubatay markab,isal markaana la siiyey lacag madax furasho ah,ayna markaa qaybtoodii ula soo baxsadeen dhinaca Somaliland,si ay u tagaan meel nabad ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites