Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ciidanka Booliska Oo Albaabada U Xidhay Xafiis Ururka Qaran Ka Furtay Hargeisa

Recommended Posts

Ciidanka Booliska Oo Albaabada U Xidhay Xafiis Ururka Qaran Ka Furtay Degmada Axmed-dhagax Ee Magaalada Hargeysa

 

Hargeysa (Qaran)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Caawa Fiidkii iridaha u xidhay

Xafiis uu Ururka Qaran ee aan la diwaan-gelini uu galabta ka furtay Degmada Axmed

Dhagax ee Magaalada Hargeysa.

 

Ciidanka Boolisku Waxa ay Makhribkii xidheen Xafiiskaas ay maanta furteen urur

Siyaasadeedka Qaran. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Ururkaas Eng Maxamed Xaashi

Cilmi ayaa Booliska ku eedeeyay inay qaateen Alaabtii xafiiskaas ay furteen.

 

“Markii Makhribkii laga dareeray xafladii aanu xafiiska Degmada Axmed Dhagax ku

furanaynay ayaa barxadii aanu xaflada ku qabanay ay Ciidamadu yimaadeen waxana ay

qaateen Miisaskii,Kuraasidii iyo qalabkii kale ee lagu furayay Xafiiskaas”ayuu

yidhi Maxamed Xaashi oo ka hadlay hawl-galka ay Booliska.

 

Hoggaamiyeyaasha ururkaa ayaa ka qeyb-glay Furitaanka xafiiskaa ay ka furanayeen

Degmadaas sida Gudoomiyaha ururkaas Dr.Maxamed Cabdi Gaboose,Gudoomiye ku xigeenka

1-aad Maxamed Xaashi Cilmi Iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad Jamaal Caydiid Ibraahim

iyo Saraakiil kale,waxana halkaasi isugu yimid xoogaa Dad ah oo ka mida Bulshada ku

dhaqan degmadaasi.

 

 

Madaxda urur Siyaasadeedkan aan la diwaan-gelin ayaa halkaas ka jeediyay khudbado

ay ku doonayeen inay ku kasbadaan maskaxda dadweynihii xafladaas ka soo

qeyb-galay, waxana ay ku doodeen in Dastuurka iyo Xeerarka kala duwani ay u ogol

yihiin inay isu abaabulaan Ururo Siyaasadeed.

 

Xafiiskan ay Boolisku Albaabada u laabeen ayaa ah kii u horeeyay ee ay ka furtaan

Shanta Degmo ee Magaalada Hargeysa.

 

Waxa kale oo Talaabadan Boolisku qaaday ku soo beegantay Todobaad ka dib markii

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Ismaaciil[ Cali Cirro] uu soo saaray

Go’aan uu ugu digay ururka Qaran inay joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada Siyaasadeed ee ay

ka wadaan gobolo ka mida dalka,oo aanay sharci u haysan ururkooda.

 

 

Dhinaca kale,waxa manta Magaalada Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay Ururka kale ee

BADBAADO oo isaga dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada Burco Ee Gobolka Togdheer

kuwaasi oo sheegay in aanay joojinayn hawlaha ururkooda oo ay ku adkaysteen inuu

sharci yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this