Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf PM Geedi meet top US diplomats...PICS

Recommended Posts

Top US diplomat makes surprise visit to Somalia

Posted to the MOL April 7, 2007, 8:09 am

 

MOGADISHU (AFP) - US Assistant Secretary of State for African Affairs Jendayi Frazer arrived Saturday on an unannounced visit to Somalia for talks with the country's president and prime minister.

 

She is the highest ranking US official to visit war-torn Somalia since 1994, the US embassy in Nairobi said.

 

 

Frazer arrived in the town of Baidoa, seat of the country's parliament, 250 kilometres (150 miles) northeast of the capital Mogadishu, local journalists said.

 

 

She went into talks with transitional president Abdullahi Yusuf Ahmed and prime minister Ali Mohamed Guedi as Somali government troops and US security guards in civilian clothes provided tight protection.

 

Frazer, who was also accompanied by US ambassador to Kenya Michael Ranneberger, arrived as the government and its Ethiopian allies battled insurgents in the capital Mogadishu.

Washington backed Ethiopia's intervention in Somalia to oust Islamist militia from the capital three months ago but clashes have resumed in the past few weeks with Islamic and other fighters.

 

Somalia has been torn apart by warlords and other factions since dictator Mohamed Siad Barre was ousted in 1991. The transitional government created in 2004 has failed to impose any control.

A National Reconciliation Conference is planned to start April 16, despite threats of disruption by hardline Islamists alleged by Washington to have links with Al-Qaeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jendai Frazier iyo wafdi ay horkacayso oo Baydhabo ka degay

Last Updated::2007-04-07 19:02:38

 

HALYEEYO%20ZZZZZZA.gif

President Yusuf & PM Geedi arriving in Baidoa today

 

Baydhabo:- Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya inay magaaladaasi goor dhoweyto ka degeen wafdi ay horkacayso Jenda'i Frazier kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika.

Ms Frazier waxaa wafdigeeda ka mid ah safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya Michael Reneberger iyo xubno kale.

 

waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

 

xubnahaasi wafdiga waxaa ay shir kula leeyihiin magaalada Baydhabo madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, Ra'iisal wasaaraha xukuumada Prof. Cali Maxamed Geedi iyo gudoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

 

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay imaatinka wafdigaasi Maraykanka ee magaalada Baydhabo.

 

Maryan Saylac

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jendayi oo gaartey Baydhabo

7 Apr 7, 2007 - 2:26:59 AM

 

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in magaaladaasi maanta ay ka soo dageen wafti ay horkacayso Jendyi Frazier kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika.

 

Ms Frazier ayaa waxa waftigeeda ka mid ah safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya Michael Reneberger iyo xubno kale.

 

Waftigan ayaa waxa magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyay mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka.

 

Waftigaan ayaa waxaa magaalada Baydhabo kula kulmiya magaalada Baydhabo Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf Axmad, ra'isal wasaare Cali Maxamad Geedi iyo gudoomiyaha Barlamanka Sheekh Aadan Maxamad (Aadan Madobe).

 

Madaxweyne Cabdulahi Yusuf iyo Geedi ayaa saakey gaarey booqasho gaaban ku gaarey magaalada Baydhabo.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jandayi oo khudbad ka hor jeedisay Barlamanka DF

7 Apr 7, 2007 - 6:44:19 AM

 

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka ee Africa Jendayi Frazer ayaa markii ay soo gaartay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay waxay kulamo la qaadatay Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyadoo khubad ay u jeedisay Barlamaanka Soomaaliya.

 

Jendayi Frazer ayaa barlamanka KMG ku amaantay go'aankii uu ku gaaray in dowlada ay sal dhigato caasimada dalka ee Muqdisho

 

Mrs. Frazer ayaa warbixin ay u jeedineysay barlamanka ku sheegtay in kooxda xiriirka caalamiga ee Soomaaliya dalalka ku mideysan iney si cad u taageerayaan howlgalada ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya si xasiloonidii dalka dib loogu soo celiyo.

 

Waxay soo dhoweysay shirka dib u heshiisiinta Qaran ee gudaha dalka lagu qabanayo iyadoo shirkaasi ku tilmaamtay wadada kaliya ee lagu soo celin karo nabadgelyo buuxda iyo heshiis dhab ah oo ka dhaca Somaliya, waxayna intaa raacisay in dowlada Mareykanka uu taageerayo xukuumada Soomaaliya isla markaana dhaqaale ku bixinayo xasiloonida dalka Soomaaliya sidii dib loogu soo celin lahaa.

 

" Waxaan taageereynaa sidii loo dhisi lahaa dowlad dimuquraadi ah oo ka hirgasha dalka Soomaaliya kadib 2009-ka oo si xur ah loo soo doorto taasi oo aad hormuud u tihiin," ayay tiri Jendayi Frazer oo la hadlaysay baarlamaanka Soomaaliya.

 

Mar ay ka hadleysay dhaqalaha dowlada Mareykanka ay bixisay ayey waxay sheegtay in horay u bixiyeen 40 Milyan oo dollarka Mareykanka haatana ay ku darayaan 60 Milyan dollar oo tirada guud ka dhigeysa 100 Milyan lacagta loogu talagalay dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya.

 

Jendayi Frazer ayaa sheegtay in dowlada Mareykanka ay taageersan tahay xukumada Soomaaliya taasoo hadii la taageero soo celineysa hanaankii dowladnimo iyo kala danbeyntii dalka ee luntay iyadoo ka codsadatay barlamaanka Somaliya in ay dhisaan hanaan wanaagsan oo horseedaya nabadgelyo.

 

Waa markii ugu horeysay ee wafti Mareykan ah ka soo dego magaalada Baydhabo tan iyo wixii ka danbeeyay ka bixitaanka ciidamada UNOSOM oo dalka Soomaaliya oo hormuud u ahaa Mareykanka.

 

GO ayaa idiin soo gudbin doona khudbadaan oo cod ah

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Frazer: "Mareykanka waxa uu ugu talogalay howlaha ka socda Soomaaliya 100-Milyan oo Dollar, waxaana…"

Posted to the Web Apr 07, 15:26

 

 

Baydhabo (PP) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mss. Jandayi Frazer oo soo gaartay Baydhabo maanta ayaa waxay qudbad u jeedisay xubnaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo, waxayna ka hadashay arrimo dhowr ah.

 

 

Frazer waxay sheegtay in Dowladeeda ay taageerayso xabadjoojintii dhawaan ka hirgashay Muqdisho ayna codsanayaan in la sii adkeeyo xabbad-joojintaas, waxayna carabka ku dhuftay inay soo dhaweynayso in wax walba lagu dhammeeyo nabad iyo wadahadal.

 

 

"Waxaan idiin caddeynayaan in 2009-ka Dowlad Dimuquraadi ah laga dhisayo Soomaaliya oo aad idinku hormuud ka tihiin aadna dooranaysaa ciddii aad doontaan idinkoo xor ah" ayay u sheegtay Frazer Baarlamaanka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Baydhabo.

 

"Waxaan taageeraynaa howlaha ay ka wadaan ciidammada AMISOM ee ka socda dalalka Afrikaanka ah eek u sugan Soomaaliya howlaha ay ka wadaan gudaha Soomaaliya, waxaana soo jeedinaynaa inay sii wadaan howlahooda tan iyo inta ay nabadda Soomaaliya ka soo celinayaan" ayay mar kale tiri Frazer.

 

Jandayi Frezar waxay qirtay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka soo daaleen dagaallo sokeeye iminkana aysan meel uga bannaanayn in dalka Soomaaliya uu noqdo meel ay ka dhacaan dagaallo sokeeye, waxayna sheegtay in Mareykanka uu xoogga saaray inaysan Soomaaliya ka dhicin dagaallo kale oo hor leh.

 

Mss. Jandayi Frazer Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku ammaantay Baarlamaanta Federaalka Soomaaliya inay ku dhiiradeen inay Dowladda Federaalka Soomaaliya u rareen Muqdisho, waxayna sheegtay inay taas si weyn u soo dhaweynayso ayna ku faraxsan yihiin.

 

Wafdiga ay hoggaaminayso Frazer oo uu ka mid yahay Safiirka Mareykanka ee Kenya Michael Renniberger ayaa waxaa lagu wadaa inay galabta u duulaan dalka Kenya oo ay markii hore ka soo duuleen.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jendayi Frazer oo khudbad ka jeedisey fadhigii Baarlamanka ee Baydhabo

 

Wafdigii ka socdey xukuumada Mareykanka ee maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa khudbad ka jeediyey fadhi uu lahaa saaka Baarlamanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Wafdigan Mareykanka ah oo ahaa wafdigii ugu sareeyey ee Mareykanka ee yimaada Soomaaliya in ka badan 10 sano ayaa waxaa hogaaminaysany Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka ugu qeybsan arimaha Afrika Jendayi Fraze, waxaana ka mid ah Ergeyga Mareykanka ee wadanka Kenya ahna u qaybsanaha Mareykanka ee arimaha Soomaaliya Michel Renirberger iyo xubno kale.

 

Wafdigan ka socdey Mareykanka ka sokow ciidamada DFKMG ah waxaa amaankooda sugayey ciidamo Mareykanka ah oo la socdey, iyadoo xubno ka tirsan hay'ada sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo iyo xarunta ADC-da ee ay hadalka ka jeedisey Jendayi Frazer.

 

Jendayi Frazer ayaa khudbad ka jeedisey xarunta Baarlamanka ee magaalada Baydhabo ayaa waxay daboolka ka qaadey sida Mareykanku u daneynayo deganaansho ka dhaca Soomaaliya, iyo sida uu u taageerayo qorshaha dib u heshiisiinta ee la wado, waxayna ay sheegtey in Mareykanku uu doonayo in Soomaaliya 2009-ka ay ka dhacdo doorasho xor ah oo dimuqraadi ah taasi oo meesha ka saarta dhibaatooyin badan oo Soomaaliya, waxaana ay ku nuuxnuuxsatey in Baarlamanka Soomaaliya ay taasi tahay shaqooyinka u yaal ee looga fadhiyo.

 

Jendayi Frazer waxay carabka ku dhufarey in Mareykanku uu Soomaaliya horey ugu yaboobay aduun lacageed oo gaaraya 40 milyan si dib loog soo celiyo xasiloonidii, waxaana ay xustey in haatan xukuumada Mareykanka ay bixin doonto aduun lacageed oo gaaraya 60 milyan oo wax looga qabanayo nabad ku soo celinta Soomaaliya gaar ahaan shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran.

 

Jendayi Frazer waxay Baarlamanka Soomaalida ku amaantey go'aanka uu qaatey ee ku aadan in uu u guuro oo uu ku shaqeeyo Magaalada Muqdisho.

 

Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka ugu qeybsan arimaha Afrika Jendayi Frazer waxay cadeysay in booqashada ay maanta ku tageen magaalada Baydhabo ay tahay sidii u muujin laheyd taageerada Mareykanka ee ku aadan wadahadalada iyo dib u heshiisiinta.

 

Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan arimaha Africa Jendayi Frazer ayaa sheegtay in ururada iyo dowladaha ku jira kooxda xiriirka Somalia ay taageerayaan howl-galada ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si loo soo celiyo amaanka, taasi oo ay sheegtay in ay ku xiran tahay midnimo ay muujiso dowladda KMG Ah ee Somalia.

 

"Waxaan qirayaa in shacabka Somaliyeed ay ka soo daaleen dagaalo sokeeye isla markaana Mareykanka uu taageerayo sidii xal waara looga gaari lahaa mashaakilka Soomaaliya oo ay ugu horreyaan dadaalada dib u heshiisiinta" ayey tiri Jandai Frazer.

 

Jendayi Frazer ayaa ka codsatay Baarlamanka somalia in ay dhisaan hab nabadgalyo iyo boolis si loogu soo celiyo dalka nidaam iyo kala dambeyn.

 

Jendayi Frazer waxay ka codsatey Baarlamanka Soomaaliya in uu ka shaqeey sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa loona dhisi lahaa hanaan nabadgalyo oo Booliis si dalka dib loogu soo celiyo amnigii iyo kala dambeyntii.

 

Sidoo kale wafdiga Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka ugu qeybsan arimaha Afrika Jendayi Frazer ay hogaaminayso waxay kulamo gaar ah la yeesheen Madaxweynaha iyo Ra'islawasaaraha DFKMG ah oo iyagu maanta magaalada Baydhabo u tagey sidii wafdigan ay ula kulmi lahaayeen.

 

Maryan Saylac

 

SBC Baydhabo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this