Sign in to follow this  
Xudeedi

World Aids Day Commemoration Event in Badhan (Pics)

Recommended Posts

Xudeedi   

Badhan: Subaxnimadii saaka oo ku beegneyd subaxnimo Talaado ah, bisha 12aad ee Sanadka Miilaadigana uu yahay 1da ayaa hoolka shirarka ee Dugsiga Al-Furqaan waxa lagu qabtay xuska maalinta Aids-ka aduunka oo kowda December sanad walba la qabto.

 

Kulankan ayaa waxa abaabulkiisa lahaa guddida sare ee Aids-ka Puntland oo marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan PAC ( Puntland Aids Commission ) oo uu guddoomiye u yahay madaxweynaha dawladda Puntland C/raxmaan Shiikha Maxamed (Faroole).

 

Abwaan Afdukaanle oo ku sugan madasha shirka: Waxana halkaas isugu yimid xubno ka socda maamulka gobolka oo uu horkacayo Guddoomiyaha gobolka Md. Maxamuud Siciid Nuur iyo Taliyaha Qaybta Boliska C/xakiim Maxamed Liibaan, sidoo kale waxa kasoo qayb galay guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka, guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad, culimaa’udiin , Cuqaal, Ururada bulshada ee dhallinyarada , haweenka , ganacsatada saxaafadda iyo dadweyne Kale.

 

Kasoo qaybgalayaasha sanadguurada 1 December : Waxa furitaankii xafladda ayaa waxa furay guddoomiyaha gobolka , oo si kooban uga hadlay munaasibadda iyo Aids-kaba, waxana ku xigey u qaybsanaha PAC ee gobolka Sanaag C/risaaq Maxamed Jaamac oo halkaas ka akhriyey khudbaddii Madaxweynaha oo qoraal ah munaasabaddana loogu talo galay, dhamaan goboladana ay qorshaysnayd in sidan oo kale looga akhriyo, sidoo kale wuxu faah-faahiyey sida la rabo in la isaga kaashado in bulshada xog dhab ah laga siiyo macluumaadka HIV/AIDS-ka.

 

Gudoomiyaha Gobolka oo isna ka hadley goobtaas

Waxa isaguna halkaas maanso munaasabadda khusaysa ka jeediyey Abwaan Maxamuud Maxamed Aw-Yuusuf ( Af-dukaanle) .

 

Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa : Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad Shiikh Maxamuud Faarax Cismaan, Siciid Faarax Xirsi oo ku hadlayey magaca odayaasha, Khadro Maxamed Warsame, Faadumo Cali Nugaal , Siraad Dhiillood, Xaliimo C/laahi Shiikh iyo Gebgebadii oo uu xafladda soo khatimay guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka Shiikh Siciid Cismaan Cali.

 

Maxamed Ciyoon

Dhahar Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

Indeed, it’s very important raising awareness among the various sectors of society.

 

I saw a documentary on universal TV last night, it was about HIV/AIDS and most of the HIV victims were complaining about how they treated by the society and sometimes by their own relatives. very disturbing wallahi, May Allah ease their suffering and those of all the victims in this world.

 

som_activities_cpphiv03.jpg

© UNICEF Somalia/Jesper Strudsholm

The late Amina Hussein Aden captured in a photo in mid-2003 in Northwest Somalia. Amina who died later in 2003 was one of the first people in Somalia to declare her HIV-positive status, a courageous step she took with her late husband.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this