Sign in to follow this  
Liibaan

Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Faroole

Recommended Posts

Liibaan   

Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Faroole

 

puntland.jpg

 

 

Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Faroole

 

Wednesday, November 04, 2009 - 10:51 PM

 

Warqad sir ah kana soo baxday xafiiska madaxweyne Faroole ayaa lagu wargeliyey in laamaha amaanku ka hortagaan Hogaanka SSC lana adkeeyo Garoonada si aanay uga soo degin..

 

Qoraalkan oo loo qaybiyey dhamaan laamaha amaanka Ee Puntland gaar ahaan ciidanka amaanka Garoonada ayaa lagu tibaaxay in loo fiirsado dadkii ka qayb galay shirkii beelaha SSC ee bishii hore ka dhacay magaalada Nairobi.

 

Madaxweyne Faroole ayaa si gaar ah u magacaabay Hogaanka beelaha SSC Ee lagu soo dhisay Kenya isagoo amar ku bixiyey in la soo qabqabto madaxda Hogaanka hadii ay isku dayaan inay ka soo degaan garoonada ,magaalooyinka Puntland.

 

Dhinaca kale madaxweyne Faroole ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Gashaanle sare Afdhilo oo usbuucan lagu diley qarax ka dhacay magaalada Laascaanood.

 

Abdirahman Faroole ayaa ku tilmaamay Kornayl Afdhilo inuu ahaa saaxiib Puntland aadna looga jeclaa gobolka Nugaal.

 

Sidoo kale wuxuu madaweynaha Puntland Faroole sheegay in Puntland & Somaliland ay iska kaashan doonaan cidii ka dambeysey dilka Kornaylka.

 

Warar aanu ka helnay magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Xisbiga kulmiye ka biyo diidey baadhidii ay wadeen ciidanka CID kuwaas oo ku tilmaamay in aanay daacad ka ahayn ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu Dahir Riyaale ka dambeeyey Dilka Kornaylkaas.

 

 

 

XOL

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this