Jacaylbaro Posted September 14, 2008 Sida ay Tibaaxeen warar xog-ogaal ah oo laga helay ilo ku dhow dhow Qoyska Hogaamiyaha Imbigati, ayaa sheegaya in mid ka mid ah gabdhaha uu dhalay Cabdillaahi Yuusuf ay jeclaatay wadaadka Xag-jirka ah ee Sheekh Mukhtaar-Roobow. Hogaamiyaha Kooxda duur-joogta ah ee Dhalinyarada AL-SHABAAB Sheekh Mukhtaar Abu-Mansuur Roobow oo dagaal adag kula jira maamulka Cabdillaahi Yuusuf ayay gabadhani tilmaantay inuu yahay Shakhsi Mabda’ leh, waxaanay intaas raacisay sababta ay ku jeclaatay oo sheegtay qaabka uu go’aanka u qaato marka uu hawl-gal fulinayo iyo geesinimadiisa aan gabbashada lahayn ee uu mar kasta muujiyo. Waxa kale oo ay intaa ku dartay inay dhaqdhaqaaqiisa la socotay tan iyo markii uu Maxakamadihii Islaamiga ahaa ku soo biiray. Inantan uu Cabdillaahi Yuusuf dhalay oo ku nool wadanka Canada , isla markaana wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha dalkaasi ayaa sida xubno ka mid ah asxaabteedu sheegeen waxa qolka gurigooda u sudhan Sawir weyn oo uu leeyahay Sheekh Roobow, wiil kamid ah ehelkeeda oo codsaday inaan magaciisa la xusin ayaa mar wax laga weydiiyay jacaylka gabadhan waxa ka jira sheegay in qoyskeedu xataa aabaheed ka warqabo sida loo hayo, isagoo intaas ku daray inay cadaysay inaanay sii wadi Karin waxbarashadeeda haddii aanay helin qofka ay jamatay, haddii kale ay samayn doonto wado kasta oo ay ku kasbanayso Sh. Roobow. Abuu Mansuur oo la ogsoon yahay sida uu uga soo horjeedo maamulka uu hogaamiyo gabadhan aabaheed, Qaar ka mid ah qoyska Cabdilaahi Yuusuf ayaa ka codsaday gabadhan inay iska iska ilowdo sheekadan maadaama haddii lagu maqlo arrinkan ay sheegeen laga yaabee in aabaheed Cabdulaahi Yuusuf ay Macquul tahay in uu iska casilo xilka madaxtinimada Soomaaliya isna dilo ama uu iyada qoorta ka jaro. Arintaan ayaa noqtay mid ka yaabisay Soomaalida ku nool dalka Canada waxeyna dad badani sheegeen in haddii gabadha Cabdillaahi Yuusuf ay guursato ninka ay jeceshay suurto gal noqon karto inay isu soo dhawayso raggan is neceb oo ay xiddid noqdaan. arrintaas oo wax badan kusoo kordhin karto nabad koonfurta Soomaaliya. Hassan-Keefkeef Somalilandedu.com Quote Share this post Link to post Share on other sites