Siciid1986 Posted November 5, 2010 Wariye Cali Xaraare oo ka howl-gali jiray Idaacada VOA Washington ayaa shaqada laga eryay kadib markii ciidamada Booliska Mareykanka ay kusoo bandhigeen dambi culus. Wariye Cali Xaraare ayaa Booliska soo bandhigeen Sawiro muujinaya isagoo Bac Garaabo ah {Khaat} ka iibsanaya nin u dhashay Qowmiyada Oromiya ee dalka Itoobiya oo lagu magacaabo Axmed Cumar Cabdijaliil oo 45 sanno jir ah, kaasoo Booliska ay baareen gurigiisa kana heleen Garaabo bada noo Khaat ah kana iibin jiran Soomaalida iyo Yemeniyiinta. Ciidamada Booliska ee Verginia ayaa sheegeen inay muddo dheer ay baaritaano xoogan wadeen isla markaana muddo kadib ******** in 47-jirka Soomaaliga ah ee Cali Cabdi Xirsi “Cali Xaraare” ee lagu qabtay isagoo Daroogada Khaatka ee Mareykankaa mamnuuca ka ah iibsanaya inuu u shaqeeyo Idaacada Codka Mareykanka. Dowlada Mareykanka ayaa u degsan Sharci adag oo ku saabsan in Shaqada laga eryo cid kasta oo Xukuumada u shaqeeya oo lagu helo iyadoo Iibsaneysa ama Isticmaaleysa Daroogo mamnuuc ka ah dalkaasi sida Khaat-ka oo kale. Amar kasoo baxay Wasaarada Shaqada ee Mareykanka ayaa shaqada loogu eryay Wariye Cali Xaraare oo si weyn loogu xasuusan doono Barnaamijka Caweyska Washington ee Idaacada VOA qeybteeda Afka Soomaaliga. Wariye Cali Xaraare ayaa Toddobaadkaan dacwad ugu furmi doonta Virginia, taasoo ay dhaci karto hadii lagu helo dambiga ku aadan inuu Khaat iibsanayay la ganaaxi doono in muddo ahna la xirayo. Si kastaba ha ahaatee, Soomaali badan oo Khaad cunayaan ah ayaa ku nool dalka Mareykanka oo mamnuuc ka yahay Khaat-ka kuwaasoo si dhuumaaleysi ah u iibsada Garaabada Khaatka kuna qayila. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted November 5, 2010 Sad to hear a Somali lost his job over such circumstances. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted November 5, 2010 Don't they know Khat is like our Budweiser?... However, Xaraare should know better. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ducaysane Posted November 5, 2010 I dont trust Somali websites. Is it really true he was let go? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 5, 2010 I'm told he is in Hargeisa now ,,,, leme try reach him bal .... Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted November 6, 2010 Odayga kaartaa loo degey. Inuu is ilaaliyee aheed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted November 9, 2010 Odayga khilaaf ayaa jiro uu leeyahay, warka korena gebi ahaanba wuu beeniyay. Cadaadis, qabylaad iyo musuqmaasuq ayuu ka sheegtay. Waa wareysi xiiso leh. Wareysi Aanu La Yeelanay Wariyaha Caanka Ah Cali Xarare oo Ka Tegey Shaqadii Idaacada VOA Kadib Markii Khilaaf Xoogan Soo Kalla Dhex Galay Isaga & Mas,uulka Idaacada Yabarow uu Sheegay Inuu Qabyaalad Ku Sameeyey Halkan Waxaanu Idiinku Soo Gudbinaynaa Wareysi Aanu La Yeelanay Wariyaha Weyn Ee Caanka Ah Mr: Cali Cabdi Xarare oo Ka Tegey Idaacadii VOA da Ee uu Ka Shaqeynayey Kadib Markii uu Khilaaf Xoogan Soo Kalla Dhex Galay Isaga & Mas,uulka Idaacada Ee Mr; Cabdiraxmaan Yabarow oo uu Sheegay Inuu Kulla Dhaqmay Qabyaalad, Wareysiga Waxaa La Yeeshay Weriye Barkhad Cabdillaahi Maxamed oo Ku Sugan Studiyaha oodweynenews Dhageyso Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted November 9, 2010 ^LOOOOL@the comments on that link... I took the time to listen to the interview and he actually admits that he was once caught with Qaad in his car . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 9, 2010 Wax walba qabyaalad ka dhigaayaan. Soomaalida and their qabyaaladooda. Ninkaan jaad ayaa lagu qabtay la yiri, it wasn't wuxuu Yabaroow sameystay, mise FBI qabatay ayaa si qabiilnimo ah ula damacsanaa miyaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted November 9, 2010 Yabarow inuu badbaadiyo buu ka seexday marka xanaaqii buu kula dhacay. Qabiil baa la igu ceydshay kulahaa.. Quote Share this post Link to post Share on other sites