Sign in to follow this  
General Duke

Gedonet editor allegedly threatened by Hiiraale Henchmen

Recommended Posts

C/Shakuur Cali Mire (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi Axmed Nuur...

Tifatiraha Gedonet Saxafiga C/shakuur Cali Mire ayaa saaka shaaca ka qaaday in dhibkii soo gaara uu mas'uuliyadeeda qaadayo Col Cabdi Axmed Nuur oo sida uu sheegay isagu u hanjabay ka dib markii Saxafigu qoray Maqaall kusaabsan Nabadeenta Dooxada Juba

 

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

axmeddheere65@hotmail.com

Kenya,Nairobi Somalitalk

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Shirkaas jaraa'id waxaa goob joog ka ahaa inta badan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka kenya gaar ahaan Caasimada Nairobi.

 

Tifatiraha Wabseedka Gedonet Saxafiga C/shakuur Cali Mire oo ah saxafi Soomaliyeed kuna sugan wadanka keenya Nairobi ayaa waxaa maalmahan soo gaaray hanjabaad iyo cago Jugleen uga imaneysay Kooxo iyagu gacan saar laleh hogaamiyaha gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ee Bare Hiraale.

 

Maqaalkii C/shakuur Cali Mire ka Akhri Halkan.... Guji....

Ka dib markii saxafigan Soomaaliyeed C/Shakuur Cali Mire maqaal uu ku qoray wabseedka Soomaaliyeed ee Gedonet.com maqaalkan oo wabseedkaa ku soo baxay markii ay taariikhdu aheed 26/11/2004.

 

Hadaba qoraalkaa ayaa caro ku dhaliyay koox uu horkacayo Col Cabdi Axmed Nuur oo sida Tifatiraha Gedonet saxaafada u sheegay Saaka u soo diray taleefoono isagoo sheegay in la arkay waxa uu qoray loogana baahanyahay meeshii uu gali lahaa, waad udhiman, waan iska kaa celinaynaa ee maankaaga gali waa la igaaday ha dhihin, waana lagu barayaa qabiilka uu ka dhashay Hiiraale, isagoo markaasna ku dhaaranaya in uu Dilayo Qoraha Maqaalka.

 

Cabsi galin iyo awood sheegaysho badan ayaa maalmahan lagu hayay Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyagoo dadka qaar mooda in ay joogaan Goobihii ay xooga iyo shrci darada ku haysteen walina wada cabsiintii iyo argagixintii ay ku jooeen goobihii ay bililiqada ku haysteen iyo in ay wali gacmaha ku hayaan qoryihii sharci darada ahaa.

 

Waxaadna moodaa in ay ilaawsanyihiin in dadkii ka soo qaxay ayna joogaan goob amaan iyo nabad ka jirto hadi wadanka lagu noqdana aysan mar kale dadka ku haysan Karin caburin oo waxa ay ilaawsan yihiin in dadkii ku soo baraarugay Qiyaanadii iyo burburintii Soomaaliya iyo Dadkeeda oo aha ay shaqayneeyso aqoonta.

 

SUXUFI REER SOMALILAND AH OO DHAAWACYO LOOGU GAYSTAY MAGAALADA NAIROBI... GUJI Sept 12, 04

Hadaan dib ugu laabto shirkii jara,id ee Saxafiga C/shakuur Cali Mire ee Maanta isagu ku qabtay Magaalada Nairobi ee Wadankan Kenya waxa uu hadalkiisa ku sii daray isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo midka Saxafiyiinta Soomaaliyeed in uu canbaareeynayo falkaa isaga oo falkan ku tilmaamay Caburin iyo Is-hortaag Saxaafada iyo Afkaarta Saxafiga Soomaliyeed iyo in aan dadka looga digin xumaanta ay faafinayaan dadka qaarkood.

 

Isagoo sheegay hadalada hanjabaada ah ee ka soo yeray ninka Col Cabdi Axmed NUUR In ay yihiin hadalo la rumayn karo waxaana u sheegayaa in "asagu mas uuliyadeda qaadayo wixii aniga I soo gaara oo dhiba".

 

Ma ahan markii ugu horaysay oo lagu xadgudbo saxafiyiinta Soomaliyeed iyadoo markii ugu horoosay lagu xadgudbay saxafiga Soomaliyeed e Axmed Yasin Maxamed Sooyaan oo ah saxafi ka howl gala Idaacada Iqra ee Nairobi iyo Maryan Maxamuud Qalanjo oo iyaduna ka howl gasha Wabseedka Hiiraan.com.

 

Saxafiyiinta Soomaaliyeed waa ilayska horumarka Bulsha waynta Soomaliyed iyagoo habeen iyo maalin u taagan wacyigalinta Bulshada Soomaliyeed lana kulma cago juglayn iyo cadaadis uga yimaada dadka awooda ku leh gudaha Soomaliya.

 

 

http://www.somalitalk.com/2004/nov/28nov64.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this