Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: Courts fail in Beerxani, Hiiraale build up continues..

Recommended Posts

Maxkamadaha Gobalada Jubooyinka Oo Ku Hungoobay Duullaankii Dagaal ee ay Ku Qaadeen Beer-xaano, Dibna Ugu soo Laabtay Kismaayo.

Posted to the Web Oct 12, 07:05

 

 

Kismaayo-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in ciidamadii maxaakimta ee shalay weeraray deegaanka Beer-xaano oo ay abaabul dagaal ka wadaan ciidamo ka tirsan isbahaysigii D/jubba ay dib ugusoo laabteen magaalada.

 

 

Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ay ciidamada maxaakimta jubooyinka ay kusoo hungoobeen weerarkooda oo aanu wax dagaal ah ka dhicin deegaanka Beer-xaano.

 

 

Afhayeen u hadlay golaha maxkamadaha islaamiga ee Jubooyinka ayaa isna qiray in ay tageen Beer-xaano balse aysan cidna kusoo arag sidaa aawadeedna ay isaga soo laabteen.

 

 

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamadii Beer-xaano ku sugnaa ee abaabulka dagaal ka wada ay haatan ku sugan yihiin galbeedka isla deegaanka Beer-xaano, iyagoona wali ku guda jira sidii ay duullaan xooggan ugusoo qaadi lahaayeen Kismaayo oo ay golaha maxaakimta gacanta ku dhigeen 25-kii September.

 

 

 

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beerxaani : Dagaal galinkii danbe ee shalay ka dahcay deegaanka Beerxaani.

Khamiis, October 12, 2006

 

 

Beerxaani (AllPuntland)- Saraakiil ka tirsan ciidamda Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in habeennimadii xalay degaanka Beer xaani uu dagaal ka dhacay kaasoo dhex maray maxkamadaha magaalada Muqdisho iyo ciidamo taageersan Col. Barre Hiiraale.

 

Saraakiishani ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in dagaalkaasi kaga dhaawacmeen dad gaaraya 3 ka mid ah ciidamdooda ku sugnaa deegaankaasi Beerxaani.

 

Dagaalkaasi ayaa waxaa la sheegay in looga awood roonaaday ciidamada maxkamadaha magaalada Muqdisho ee duulaanka ku aadan deegaankaasi Beerxaani.

 

Arrintani ayaa waxa ay soo baxaysaa iyada oo maxkamadaha magaalada Muqdisho ay shaaca ka qaadeen in deegaankaasi Beerxaani ay tageen kuna soo arki waayeen wax ciidamo ah oo halkaasi ku sugan.

 

Isku soo wada duuboo lama oga inta uu la egyahay khasaaraha soo gaaray dhanka ciidamada maxkamadaha, inkasta oo ciidamada maxkamaduhu ay dib ugu soo laabteen magaalada Kismaayo, taasoo siyaabo kala duwan loo macneeyay.

 

M. J. Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabsi xooggan oo laga qabo dagaallo ka qarxa Degaanka Beerxaanno ee duleedka Kismaayo

Last Updated::2006-10-11 13:26:43

 

Kismaayo:- Wararka naga soo gaaraya saaka kismaayo ayaa ku soo waramaya in

Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ee ku sugan Kismaayo ay ciidamo horleh u direen degmada Beerxaanno sida uu sheegay Masuulka Amniga iyo Nabadgelyada u qaabilsan Maxkamadaha ee C/llaahi Warsame Ejka.

 

C/llaahi Warsame Ejka ayaa sheegay in tallaabo milatari ay ka qaadayaan haraadiga maleeshiyaad taabacsan maamulkii bur buray ee dooxada Jubba oo haatan isku uruursanaya deegaanka Beerxaano ee duleedka magaalada Kismaayo, isagoo xusay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada maleeshiyaadkaasi ay ka wadaan deegaankaasi.

 

Maleeshiyaad fara badan oo ka tirsanaan jiray maamulkii isbahaysiga dooxada Jubba ee bur buray ayaa maalmihii laga soo gudbay isku uruursanayay deegaanka Beerxaano si ay uga qeyb qaataan dagaal rogaal celis ah oo maamulkii hore uu dib ugu qabsanayo gobollada Jubooyinka.

 

C/llaahi Ejka oo saxaafada la hadlayay ayaa tilmaamay in uu bur buray dadaalo ay wadeen qaar ka mid ah waxgaradka ay isku heybta yihiin kooxaha ku sugan Beerxaano isagoo ku eedeeyay qaar ka mid ah odayaal dhaqameedyada in aaney daacad ka aheen hub ka dhigista maleeshiyaadkaasi ka soo haray maamulkii bur buray ee Dooxada Jubba.

 

[...Ciidamo ayaan u dirnay deegaanka Beerxaano si ay tallaabo uga qaadaan maleeshiyaadkaasi isku uruursanaya deegaankaasi oo dhibaato weyn ku ah nabada gobolka...] ayuu yiri C/llaahi Ejka oo dhaliilay qaar ka mid ah waxgarad ay isku heyb yihiin maleeshiyaadkaasi oo doonayay in ay degaan masuuliyiinta maxkamadaha islaamiga ee qabsaday Jubooyinka.

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabsida laga qabo dagaallo ka dhaca Magaalo xeebeedda Kismaayo oo aad u soo kordhaysa

 

Oct 12.2006 Radio Free Somalia (RFS)

 

Magaalada Kismaayo iyo hareeraheeda ayaa waxaa weli ka taagan cabsi la xiriirta inay ka dhacaan dagaallo dhex mara Malleeshiyooyin kala taabacsan Maxkamadaha iyo Col. Barre Hiiraale oo horay looga eryay magaalada.

 

Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa waxay qeexayaan inay jiraan cabsiyo laga qabi karo inay dagaallo si kaddis ah uga dhex qarxaaan labada dhinac oo isku haya gacan ku haynta magaalada dakadda ah ee Kismaayo.

 

Col. Barre Hiiraale iyo kooxaha raacsan ayaa waxay wacad ku mareen inay dib ula soo noqon doonaan deegaanka Kismaayo oo laga barakiyay, waxaase jirta in dhanka Maxkamadaha ay iyaguna ka imaanayaan warar sheegaya inay doonayaan inay ka difaacaan kooxaha isku dayaya inay soo galaan Kismaayo magaaladaas oo ah mid istiraatijiyadeed.

 

Dadweynaha Degmada Kismaayo ayaa waxay qabaan cabsiyo aad u xooggan waxaana iyagoo ka baqo qaba inay isku kor hertiyaan kooxaha ku loolamaya gacan ku haynta magaalada Kismaayo oo kala ah Maxkamadaha iyo Col. Barre Hiiraale oo ahaa guddoomiyihii isbahaysigii laga bixiyay Kismaayo.

 

Radiofreesomlai.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin maleeshiyooyin daacad u ah Barre Hiiraale oo ku sugan deegaanka Beer-xaano, isla markaana wararka sheegayay arinkaasina ay yihiin kuwo kutira ku teen ah oo laga bad badiyay.

 

Shir jaraa’id uu maanta magaalada Kismaayo ku qabtay K/xigeenka Mas’uulka Maxkamadaha islaamka ugu qeybsan gobolada Jubooyinka Sheekh C/fitaax Axmed Cali ayaa waxa uu kaga war bixiyay xaaladda deegaaanka Beer-xaano oo cidamo ka tirsan Maxkamadaha islaamka ay halkaasi gaareen, howl-galana ka soo fuliyeen deegaano ku xeeran.

 

 

Sheekh C/fitaax ayaa intaasi ku daray in ciidamada Maxkamadaha islaamka ay howl-galo ka soo fuliyeen deegaano ka tirsan Beer-xaano, ayna ku soo arkin halkaasi wax maleeshiyooyin ah oo daacad u ah Barre Hiiraale.

 

Sheekha ayaa hadalkiisa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ay soo baxeen maalmihii la soo dhaafay warar ku saabsan in maleeshiyooyin daacad u ah Barre Hiiraale ay isku uruurinayaan magaalada Kismaayo.

 

Dhowaan ayaa ciidamo ka tirsan Maxkamadaha islaamka oo gaaray deegaanka Beer-xaano waxa ay dib ugu soo laabteen magaalada Kismaayo, xalay, iyagoo ku qeulinayay Alaahu-akbar iyo kalmado la mid ah, taaso dadka Kismaayo ay u qaateen in deegaanka beer-xaanoa ay xoog ku qabsadeen.

 

tell your uncle stop hiding come out like men, shaaydan wanna be will be the first warlord captured life

Share this post


Link to post
Share on other sites

tell your uncle stop hiding come out like men, shaaydan wanna be will be the first warlord captured life

 

 

Who's my uncle? As for the courts they need to stop the lies. Either they went there and got rid of the troops there or they found no one there? They need to present a consistent story. Beerxani is still full of millitia loyal to Hiiraale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Where did you find your source my freind, how can we find truth today in somali news where almost all the website and radio's are biase , but fact and truth is that icu has send convey's and small battalion and they did not encounter in milities furhter more even if there were milities based ther ICU would of disarm them since they are not match for them we all know that. Icu should resolve the jubba crisis peacefully i believe and wish to happen, barre hirrle and his caleague are beleive that city belongs to them only which is not the truth , and that they should be prepared to share the citys and rule it with sharia allah, Barre being warlord this will never be achieved there for this why he had to go so did his other caleague sarnsore and gooble did , he is no different nor does have greater power then them.kismayo and jubba are free of warlords

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You can read right? The sources are on the posts.

 

Shariah should be applied to the end the occupation, punish the criminal gangs, drug lords, charcoal merchants and stop aggression against the poor unarmed clans.

 

It should not be an excuse to keep the occupation of your clan in place.

 

No one is against Shariah, but everyone knwos who is behind this whole project and why the likes of you are waffling away.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

gener duke "Shariah should be applied to the end the occupation, punish the criminal gangs, drug lords, charcoal merchants and stop aggression against the poor unarmed clans".

 

That has been done my friend, cirfo and the rest warlord left shabbela , therfore the power is handed over to the locals and are being portect by icu . which you seem to denie it for some odd reasone. Drug warlord you are adressing to sheeq Indhacde thats all propaganda which has been proven to be noting but lie. he has invited the people from all over monitor not one single drug factory was found ,somalis in general are not known for such activities . I wonder what would satisfy you the return of muse sudi and max,ed dheera , qanyar,cirfo, qeerdiid aka abdiqaybiid this will never happen forget about it friend.i dont were hate that they have for south tribes came from friend my alllah help you.thats exatly abdulahi yusuf and ethiopia doin,and are hopping for. they arming ma.ed dheera in ethiopia controlled somalia zone at the border., same goes to abdiqaybiid aka qeer diid. WHY ? how can we support TFG who is practicing divide rule after we have been in war for 16 years,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ciidamada Maxkamadaha islaamiga Gobollada Jubooyinka oo si nabadgelyo ah hubka uga dhigay maleeshiyaad isku bahaystay deegaanka Beerxaano.

 

 

Muqdisho, 12-October-06 ( Qaadisiya.com) Gudoomiye ku xigeenka maamulka islaamiga ee gobollada Jubbooyinka Sheekh C/fataax Maxamed Cali ayaa maanta sheegay in ciidamada maxkamadaha islaamiga si nabad gelyo ah ay ula wareegeen deegaanada Beerxaano iyo Cabdalla Dhoore kadib is afgarad dhex maray masuuliyiinta maxkamadaha islaamiga iyo odayaal dhaqameed ay isku heyb yihiin maleeshiyaadkii ku sugnaa deegaanadaasi oo maalmihii laga soo gudbay isku uruursanayay deegaanadaasi.

 

Maleshiyaad ka tirsan haraadigii isbahaysigii bur buray ee dooxada Jubba ayaa maalmihii laga soo gudbay isku uruursanayay deegaanka Beerxaano, waxa ayna sheegeen in ay taageersan yihiin maamulkii laga saaray gobollada Jubooyinka.

 

Sheekh C/fataax oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xaruntiisa magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada maxkamadaha islaamiga si nabad gelyo ah ay ula wareegeen deegaanada Beerxaano iyo Cabdalla Dhoore kadib markii ay isa soo dhiibeen maleeshiyaadkii halkaasi joogay,ayadoo aaney wax dagaal ah dhicin.

 

"Ciidamada maxkamadaha islaamiga waxaa u suura galay in ay la wareegaan deegaanada Beerxaano iyo Cabdalla Dhoore ayadoo aaney wax dhiig ah ku daadan waxaana taasi suura geliyay odayaasha dhaqanka ee deegaanadaasi oo ka dhaadhiciyay maleeshiyaadkii halkaasi joogay in hubkooda ay ku wareejiyaan ciidamada maxkamadaha islaamiga" ayuu yiri Sheekh C/fataax oo intaa raaciyay in maleeshiyaadkii ku sugnaa deegaanadaasi ay isu soo dhiibeen ciidamada maxkamadaha islaamiga.

 

La wareegista deegaanada Beerxaano iyo Cabdalla Dhoore ayaa soo afjaraysa xiisado colaadeed oo indhawaalaba ka aloosnaa deegaanadaasi,ayadoo laga cabsi qabay maalmihii laga soo gudbay in dagaalo ay ku dhex maraan deegaanadaasi ciidamada maxkamadaha islaamiga iyo maleeshiyaad ka haran maamulkii bur buray ee isbahaysiga dooxada Jubba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this