Sign in to follow this  
Cowke

Puntland 100 Elders Committee Release Their Briefing and Statements

Recommended Posts

Cowke   

zIssimo3.jpg

 

Garoowe:(Allpuntland)-inkabadan 100 oo kamid ah nabadanada dawlada Puntland ayaa waxaa magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland ay kasoo saareen Baaq ku saabsan Adkaynta nabad gelyada, Garsoorka, Cadaalada iyo dhawrista xuquuqda aadamaha,waxaana ay Baaqan soo saareen kadib markii uu soo dhamaaday shir ay ku lahaayeen magaalada Garoowe.

Baaqan oo Xafiiska Allpuntland ee Garoowe lasoo gaarsiiyey wuxuu u qornaa sidan:-

 

BAAQA ADKEYNTA NABAD GELYADA IYO DHAWRISTA XUQUUQDA AADAMAHA.

 

Shirweynihii 2aad ee madax dhaqameedka Puntland ayaa waxa lagu qabtay xarunta nabadgelyada bushada ee Magaalada Garowe, Shirkaas oo socday mudadii u dhexaysay July 20kii ilaa 24kii July 2010 waxa ka soo qayb galay in ka 100 qof oo ka kala socday madax dhaqameedyada 7 gobol ee Punt land, xubno ka mid ah wasaaradaha Dawlada iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

 

Shirka waxa lagaga hadlay oo si qoto dheer loogu falanqaeeyey wixii ka qabsoomay ,dhibaatooyinkii ama caqabadihii lagala kulmay fulintii Baaqii madax dhaqameedka eek u saabsanaa “Adkaynta nabad gelyada, Garsoorka, Cadaalada iyo dhawrista xuquuqda aadamaha”, intii ka dambeysay shirwenihii 1aad ee lagu qabtay Garoowe bishii Feb. 2009.

 

Shirka waxa lagaga hadlay oo si qoto dheer loogu falanqaeeyey wixii ka qabsoomay ,dhibaatooyinkii ama caqabadihii lagala kulmay fulintii Baaqii madax dhaqameedka eek u saabsanaa “Adkaynta nabad gelyada, Garsoorka, Cadaalada iyo dhawrista xuquuqda aadamaha”, intii ka dambeysay shirwenihii 1aad ee lagu qabtay Garoowe bishii Feb. 2009.

 

Waxaa shirkani si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha ay ka mid yihiin:

 

• Aanada, dilka iyo qaabka diyo kala qaadashada.

 

• Xuquuqda Haweenka, caruurta, Bara kacayaasha iyo qaxootiga.

 

• Burcad badeedka iyo dhawrista degaanka.

 

• Ammaanka dalka.

 

Waxaa kale oo ka soo qayb galayaashu ka wada hadleen xaalada ammaanka dalka iyo duruufaha ku xeeran. Waxa kale oo shirka lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa isku xirka, iskaashiga iyo horumarinta wada shaqaynta madax dhaqameedka iyo maamulka.

 

Dood dheer iyo falanqayn ka dib, waxaa shirkan ka soo baxay qodobada soo socda:

 

1. Waxay madax dhaqameedku ku barbar taagan yihiin kuna taageerayaan Dawlada Punt land tallaabooyinka lagu sugayo Amniga iyo nabad gelyada dalka.

 

2. Madax dhaqameedyada waxay ugu baaqayaan dhammaan shacabka reer Puntland inay ilaashadaan nabad gelyadooda iyo ammankooda gacan buuxdana siiyaan ciidamada amniga iyo Dawladaba.

 

3. Waxay madax dhaqameedku ka muujinayaan dareen adag dawladana ugu baaqayaan inaan xadgud lagu sameenin dadka nugulka ah ee ay ka mid yihiin haweenka, caruurta, Naafada iyo waayeelka qaxootiga ama barakacyaasha ah ee dalka ku sugan, mar kasta, siiba xiliyada lagu gudo jiro sugida Ammanka.

 

Waxay madax dhaqameedyadu shirka ka sheegeen in aanadii hoos u dhacday gobolada oo dhan qiyaas dhan 40%-50% celcelis ahaan. Hase yeeshee, waxay ku baaqayaan in:

 

i) Dhammaanba la tirtiro dhaqanka Aanada.

 

ii) In La soo qabto gacan ku dhiiglaha lana hor geeyo sharciga.

 

iii) Laga waantoobo qarinta, fakinta, u hiilinta iyo is garabtaaga gacan ku dhiiglaha, cidii taageertana loo aqoonsado dambiile lana horgeeyo sharciga.

 

iv) In magaha lagu bixiyo sidi dhinacyadu ku heshiiyeen si aanay raad xun oo dambe u keenin.

 

1. 5. Dambiilayaasha xuduudka ka gudbaya

Waxaa in badan dhacday in dad dambiilayaal ahi ka gudbaan xuddudka Punt land oo ay galaan maamulada deriska la ah, si looga hor tago arrintaas, waxay madax dhaqameedku ku baaqayaan:

 

• In la hagaajiyo xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhexeeysa madax dhaqameedyada ku dhaqan maamulada kala duwan si loo xakameeyo in dambiilayaashu u gudbaan degaanada deriska la ah Punt land.

 

6. Adkeynta nabad gelyada

 

Adkeynta nabad galyadu waa xil saar muwaadin kasta, waxaana leh masuuliyada kowaad Dawlada, sidaa darted, waa in:

 

i) Kor loo qaado tayada ciidanka aminiga lana xoojiyo agabka ay u baahan yihiin, iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka iyo dadweynaha reer Punt land.

 

ii) Waa in Dawladu mamnuucdo in hub lala dhex maro magaalooyinka.

 

iii) Waa in la dhiiri geliyo lana xoojiyo diiwan gelinta hubka dadweynuhu haysto.

 

iv) Laga hirgeliyo dhammaan gobolada oo dhan mashruuca wada shaqeynta bulshada iyo booliska lana gaarsiiyo ilaa heer xafadeed, waaxeed iwm.

 

7. Xuquuqda Haweenka

 

Madax dhaqameedku waxay xuseen inay hoos u dhacday tacadiyadii iyo xad gudubkii loo geysan jiray haween intii ka dambeysay shirweynihii 1aad, waxaa aad u sii yaraaday dhaxal duudsigii iyo dumaal ku xanibkiiba, waxaase weli jira kufsi iyo faraxumayn ka yar intii hore.

 

Waxana iyana weli jira dhibaatooyin ku saabsan arrimaha guurka,furiinka iyo meherka iyo wax barasha la’aanta haweenka, sidaa awgeed, hogaamiye dhaqameedku waxay xoojinayaa go’aankoodii ahaa in:

 

• Kiisaska kufsiga iyo fara xumaynta haweenka ay u gudbinayaan maxkamada.

 

• Taageerayaan, dhiiri gelinayaana wax barashada iyo kor u qaadida aqonta haweenka.

 

8. Xuquuqda caruurta

 

Hogaamiye dhaqameedku waxay ku baaqayaan in:

 

• La ilaaliyo xuquuqda caruurta iyadoo lagu sallaynayo barbaarintooda shareecada islaamka.

 

• Dhamman caruurta dhedig iyo laba, miyi iyo magaalaaba la siiyaa waxbarasho tayo leh.

 

• Loo sameeyo caruurta aan ehelka lahayn, agoonta iyo Naafada, derbi jiifka xarumo wax lagu baro laguna xanaaneeyo.

 

• Caruurta dembiyada gesha loo sameeyo xarumo gaar ah oo lagu dhaqan celiyo oo ku huboon daryeelka noloshooda.

 

9. Xuquuqda dadka Naafada ah(maskaxda iyo Jirkaba)

iyadoo oo ay soo badanayaan dadka dhimirka wax ka qabaa, ku silicayaan magaalooyinka dalka , Waxaa madax dhaqameedyadu ku baaqayaan:

 

• In Loo sameeyo iyada oo ay iska kaashayaan (Dawlad, Beesha caalamka iyo bulshada reer Punt land) xarumo lagu daryeelo.

 

• In Dadka lixaadka la’ loo sameeyo xarumo lagu baro xirfada ay ku shaqaysan karaan, laguna xanaaneeyo.

10. Xaquuqda dadka Qaxootiga iyo bara kacayaasha

Madax dhaqameedku waxay sheegeen in ay kor u kacday; siina kordhayso tirada bara kacayaasha ka imanaya koonfurta iyo bartamaha Soomaliya dagaalada dhulkaa ka jira awgood, waxayna ku baabaqayaan:

 

• In dadkaasi yihiin magan.

 

• In loola dhaqmo sida uu dhigayo sharciga islaamka iyo qawaaniinta caalimiga ah ee dhawrista xuquuqda dadka qaxootiga ah iyo mabaadii’ida caalamiga ah ee Bara kacayaasha.

 

• Waxaa ka reeban wax allaale iyo wixii xad gudub ku ah maalkooda, sharaftooda iyo naftoodaba.

 

• Waxaa iyagana loogu baaqayaa in ay ilaaliyaan amniga, shariciga, dhaqanka, anshaxa suuban iyo diinta dadka iyo dalka marti geliyey.

 

11. Xuquuqda dadka laga tirade badan yahay

 

Waxay sheegeen madax dhaqameedku in aanay jirin wax faquuqid ama takoorid ah oo lagu hayo dadkaas, hase yeshee, waxaan si fiicanaan u taaba gelin is dhexgelkii bulshada ee dhinaca guurka. Sidaa awgeed, waxay ku baaqayaan:

 

• In loo noqdo shareecada islaamka oo ina faraysa in muslimiinta aan wax faraq ah u dhexeyn diidaysana takoorid iyo faquuqid dadka muslimiinta ah dhexdooda inay is takooraan.

 

12. Dhawrista degaanka

 

Waxay sheegeen madax dhaqameedku in iska hormaadyo hubaysan oo ku saabsan dhawrista degaanka ay ka dhaceen meelo badan oo dalka ka mid ah, tusaale ahaan; khilaafyo ka dhashay qodista Berkadaha, gubista dhirta qoyan laga shidayo dhuxusha iyo jarida cawska waxaa iska hor yimid dadkii xaalufinta waday iyo dadkii ay bulshadu u xil saartay ilaalint degaanka taas oo socotay mudo sanad ah, waxaana shirka laga sheegay in Gobolka Sanaag oo keliya ay ku dhinteen iska hor imaadyadaas 12 qof, ku dhaawacmeen 19 qof oo kale. Sidaa darteed, waxay madax dhaqameedku ku Baaqayaan:

 

• In la qabto shirar iyo kulamo kor loogu qaadayo dhawrista degaanka.

 

• In la abuuro guddiyo ka hawl gala dhawrista degaanka bulshadana wacyi geliya.

• In wacyi gelin lagu samee

yo bulshada si loogu baraarujiyo bulshada ilaalinta deegaanka.

 

• In la joojiyo degaamaynta cusub oo laga sameeynayo dhul daaqsimeedka.

 

• In la joojiyo dhul xidhashada dadka gaarka ah ee dhulka xooluhu daaqaan, lana baabiyo kuwa hadda jira.

• In wax laga qabto nabaad guurka iyo xaalufka ka jira dhul daaqsimeedka.

 

• In Dawlada Punt land ay sameeyso shaqaalahii ilaalin jiray deegaanka (Forestry Guards).

 

• In Dawlada Punt land soo celiso seero xelliyeedyada jiri jiray si looga hortago xaalufka iyo nabaadguurka.

 

• In la raadiyo tamar kale oo lagaga kaaftoomo dhuxusha, sida, gaaska, biibi gaaska, tamarta cadceeda, dhuxul dhagaxda, korontada iwm. lana sahlo sidey ku iman lahaayeen dalka sida cashuurta oo laga dhaafo.

 

• In la ilaaliyo duurjoogta, lagana mamnuuco dhoofinta iyo leynta .

 

• In la ilaaliyo kheyraadka bada, sida iyado la joojinayo kaluumeysiga sharcidarada ah, sunta lagu shubo bada, iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka.

 

• In la mamnuuco soo saarista iyo ka ganacsiga bacda, taasoo aad u waxyeeleysay nolosha xoolaha nool iyo deegaankiiba.

 

13. tahriibta iyo burcadbadeeda:

 

Hogaamiyaasha dhaqanka ee shirka ka soo qayb galey waxay tilmaameen intii ka danbeysay shirweynihii 1aad ee sanadkii hore febr. 2009 in tahriibtu aad hoos ugu dhacdey, sida laga soo xigtey ururo wadani ah lixdii bilood ee u danbeeyey sanadkii hore waxaa tahriibey 11,283 qof oo isugu jira Ethiopiyaan iyo Somali, halka shantii bilood ee u horeeyey sanadkan 2010 ay tahriibeen 1212 qof oo keliya, waxaana lasoo qabtey 32laash iyo48 motor oo isugu jira 25- 75 kheyl, hawlgaladaas oo ay sameeyeen Cidamada amaanka ee Puntland.

 

Burcad badeedka waxaa la qabtey: 214 qof oo hada ku jira xabsiyada dalka.

 

Goobihii faraha badnaa ee burcad badeedu ka qadhaaban jireen oo kusoo ururey hal meel oo ah magaalada Garacad oo ku taal koonfurta Puntland ee badweynta hindiya. Intaasoo dhami waxay ku yimaadeen howlgalo isdaba jooga oo ay qabteen Xukuumada, Culimaadu diinka iyo odayaasha dhaqanku.

 

Arimahaasi oo dhami waxay ku tusayaan in hoos u dhac weyni ku yimi tahriibayaashii iyo Burcad badeediiba.

 

Sidaa darted madaxdhaqameedyadu waxay ku baaqayaan in:

 

• In wacyi gelin lagu sameeyo bulshada loogana waramo dhalinyarada khatarta tahriibta iyo burcad badeedu u leedahay.

 

• inLa baro xirfado ay ku shaqeystaan si shaqo loo abuuro dadka ku howlan tahriibta iyo burcad badeeda.

• In la tayeeyo ciidamada ilaalinta xeebaha ee Puntland

 

• In la kordhiyo tirade xabsiyada dalka, korna loo qaado tayada noloshooda caafimaadba

 

14. Hirgelinta qodobada kasoo baxay shirweynaha labaad ee madax dhaqameedka Puntland.

 

Madax dhaqameedka Puntland waxay ka codsanayaan xukuumadda, hay’adah wadaniga ah iyo dadweynaha:

 

• inay gacan ka geystaan hirgelinta iyo waxka qabadka qodobada ku soo baxay baaqan.

 

• Beesha caalamka, hay’adaha caalamiga ah, laamaha qaramada midoobey, inay is garabtaagaan horumarinta dalka, amniga, cadaalada, xuquuqda aadanaha iyo la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeeda.

 

• Waxay kaloo codsanayaan in laga taageero sidii ay dadweynaha u gaarsiin lahaayeen qodobada baaqan, una qaadi lahaayeen olole wacyigelineed oo ay ugu baxayaan dhamaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka

 

• Waxay kale oo mada dhaqameedku codsanayaan in taageero laga siiyo sidii ay xafiisyo uga furan lahaayeen dhamaan gobolada dalka oo dhan.

 

ALLAH MAHAD L E H.

 

Xafiiska Allpuntland ee Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this