Sign in to follow this  
General Duke

Marka: TFG forces reach lower Shabbele

Recommended Posts

Degmada Marka oo howlo nabadeed u ay aadeen Cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda FS.

 

(WYNET)Marka:-Magaalada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa lagu soo waramayaa inay ku wajahan yihiin cutubyo ka tirsan ciidamada dawlada FS oo sida la sheegay loogu tala galay inay wax ka qabtaan ammaanka iyo kala danbayta gobolada shabeelooyinka iyo Jubbooyinka.

Magaalada marka oo ah Xarunta Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa lagu tiriyaa Gobolada ugu qalalaase badnaa mudooyinkii dagaalada sokeeye ay ka jireen dalka Soomaaliya , iyadoo maamulo kala duwan ay isaga kala dambeeyeen .

 

Dowladda FS ayaa laba maamul oo mudo kooban kala danbeeyey u magacowday Gobolkaasi oo xaalad xasaasi ah weli lugta kula jira, xilli isbaarooyin tiro badan ay daadsan yihiin wadada , taa oo dhibaatooyin badan ay ku qabaan darawalada ka shaqeysa Gobolada Konfureed , si gaar ahaaneed Gobolada Banaadir, Sh/hoose iyo Jubbooyinka .

 

Xaaladda ammaanka iminka wax weyn ayaa iska badalaya , maadaama tiro badan oo ciidamada dowladda FS ka mid ah ay howlgalo u aadeen Gobolkani Sh/hoose iyo Jubbooyinka .

 

dadka Sh/hoose oo qabiilo kala duwan ah ayaa dareemaya rajo ah in nabadii ay dib u soo laaban doonto mar haddi dawlada FS ay xaalkooda iska xil saartay.

 

Ali Abdi Ali Suheifa

 

Tel: +252-1-5555033

 

E-Mail: asuheifa@hotmail.com

 

Waayaha.net,Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Loogu Talgaley Gobolka Shabeellada Hoose oo Soo Gaarey Laanta-Buuro.

07/02/07

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Muqdisho [DMC] Julay 2007.

 

Ciidamo Militeri ah oo muddo 6 bilood ah Carbis meliteri ku qaadanaayey Goroonka Balli-Dooglle ayaa saaka laga soo qaadey halkaas, kuwaas oo ku hakanaya Xabsigii hore ee Laanta-Buuro halkaas oo lagu siin doono agabka Ciidan ee ay ku howlgali lahaayeen.

 

Ciidamadan oo tiradoodu tahay hal Guuto oo militeriga Soomaaliya ah ayaa waxaa loogu talagaley inay sugaan ammaanka Gobolka Shabeellada Hoose oo dhowaan ay ka dhaceen shaqaaqooyin ku saabsan isqabsi maamul kaas oo markii dambe keeney in isku shaandheeyn lagu sammeeyo maamulka.

 

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Dr. C/Qaadir Sheekh Maxamednuur ayaa Shabakadda DMC u xaqiijiyey warkan, wuxuuna sheegey in degmo kasta la geyn doono qeyb ka tirsan Ciidamda haatan soo gaarey Gobolka maamulada degmo kastana ay si toos ah u billaabi doonaan shaqooyinkooda caadiga ah.

 

Wararka aan ka heleyno Gobolka ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka islamarkaasna ka mid ahaa kuwii Gobolkaas muddo hore gacanta ku hayey ay codsadeen in Ciidankaas dib loo dhigo illaa laga soo xareeyo malleeshiyaadka halkaas haysan jirey hase yeeshee ilo wareedyo aad ugu dhow hoggaanka sare ee Gobolka ayaa sheegaya in laga diidey codsigaas.

 

Sidoo kale wararka aan ka heleyno Gobolka ayaa sheegaya in hub badan iyo Ciidamo kaleba la geeyey Gobolka Jubada Hoose taas oo ay sameeynayaan qeybo ka mid ah maamulka hase yeeshee ka mid ahaan jirey Isbaheysiga Dooxada Jubba oo haatan dib isugu abaabuley Gobolka Jubada Hoose.

 

War aan ka heley ilo aad loogu kalsoonaan karo ayaa tibaxaaya in hub iyo ciidan lagu daabuley doonyo kuwaas oo sida la sheegey la geeyey magaalada Kismaanyo. Warka ayaa intaas ku daraya abaabulka Ciidamadaas inuu hormuud ka yahay Dhuxuloow oo haatan noqdey Guddoomiye Kuxigeenka 3aad ee Degmada Baraawe.

 

Qaar ka tirsan mas’uuliyiinta Gobolka oo aan arrintaas wax ka weydiyey ayaa noo sheegey inay ka war hayaan dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee haatan laga wado Gobolka. Sidoo kale mas’uuliyiinta codsadey in Ciidamada dib loo dhigo ayaa waxa ka mid ah Jaamac Baloow oo ah Kuxigeenka Gobolka ee Arrimaha Bulshada.

 

Si kastaba ha ahaatee codsiga mas’uuliyiinta Gobolka ee ka mid ahaan jirey maamulkii hore ayaa sida la sheegey salka ku haysa cabsi ay ka qabaan Ciidamada Militeriga oo ay ku badan yihiin dadka u dhashey Gobolka kuwaas oo muddo dheer sugaayey inay dhulkooda dhinaca nabadgelyada maamulka ay gacan ku siiyaan.

 

Warar ayaa sheegaya inay mas’uuliyiinta qaarkood ay ku doodeen in Ciidamadas oo u badan beelaha Gobolka ay ku kaci karaan falal aar gudasho ah taas oo aan gacan siineynin bay yiraahdeen habsami u socodka maamulka Gobolka. Hase yeeshee waxaa dad badan oo Gobolka oo warkaas ku baraarugey isweydiyeen waxaa looga baqanayo Ciidanka qaranka ee iskugu jira dhamaan beelaha Soomaaliyeed haba lagu kala badnaadee.

 

Sidoo kale codsiga mas’uuliyiintan oo xitaa gaarey saraakiisha sare ee Ciidanka iyo qaar ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegey inay ku xiran tahay Mas’uuliyiinta Sare ee Gobolka iyo Degmooyinka inay ka timaaddo Codsiga dib u dhigisa Ciidamadu.

Barasaabka Gobolka oo aan weydiiney codsigas ay soo jeediyeen xubanaha maamulkiisa ku jira ayaa sheegey inaan marnaba dib loo dhigeynin Ciidanka islamarkaasna ay la’aantooda shaqeyn karin, wuxuuna ku nuuxnuuxsadey inaan marnaba dib loo dhigi karin geeyista ciidanka islmarkaasna ay ku yimaadeen codsigooda hore.

 

Waxaa durbadiiba soo ifbaxdey kala qeybsanaanta dhinaca fikirka ee maamulkii hore ee Indha-cadde iyo kuwa cusub oo uu horkacayo Dr. Siiddi waxayna aakhirkii sababi kartaa inay isla shaqeyn wayaan.

 

Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com.Tel:0025215570222 & 0015672447024

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo ku jiray xerooyinka Balli Doogle iyo Daynuunay oo howlo amaan sugid ah ka bilaabay Shabeelaha Hoose.

 

Ciidamada xoogga dalka ee dhawanahanba ku jiray xerooyinka kala ah Daynuunaay iyo Balli Doogle ayaa maanta lagu faafiyay deegaanada uu ka kooban yahay gobalka Shabeelaha Hoose,halkaasoo ay amaan sugid ka bilaabeen.

 

Howlgelinta ciidamadan ayaa waxaa ay ka dambeysay kaddib markii dhawaanahan ay maliishiyooyin hubeysani falal burcadnimo ah iyo dilalba ka wadeen deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose,waxaana ujeedada ciidamdan loosoo fasaxay ay tahay in ay xaqiijiyaan amaanka Gobalka.

 

warar ku dhow dhow masuuliyiinta maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamadani ay fariisin rasmi ahaaneed ka dhigan doonaan xerada tababarka Laanta Buuro oo kadibna ay ay ka howl bilaabi doonaan meel kasta oo gobalka ka mida oo lagasoo sheego amaan darro.

 

Dadweynaha ku nool gobalka Shabeelaha hoose ayaa si weyn usoo dhaweeyay howlgalka ciidanka xooggu ay maanta ka billaabeen gobalka Shabeelaha hoose,oo lagu adkeynayo amaanka deegaanka ,islamarkana lagu shiiqinayo kooxo qaswadayaal ah oo gobalka ku dhuumaaleysta ayna ku jiraan taageerayaasha maxkamadihiibeelaha midoobay ee laga awoodda roonaaday.

 

Xafiiska war qabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdiswho.

Contact:info@carmooyin.com or carmooyin@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this