Cowke Posted June 20, 2010 Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo Xariga Ka Jartay Dhisme Cusub (Sawiro) Boosaaso (RBC) Wasaarada arimaha gudaha Puntland ayaa dhisme cusub oo ay ka dhisatay magaalada Boosaaso maanta si rasmi ah u furtay. Dhismahan oo ka koobab xafiisyo iyo hoolal shirar ayaa loogu talagalay inay ku shaqeyso wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose qeybteeda magaalada Boosaaso iyadoo horey wasaarada u deganaan jirtay guri kiro ah. Munaasabada xariga looga jaray xarunta wasaarada ee cusub ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowlada oo isugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno, maamulka gobolka, kan degmada iyo waxgarad. Wasiirka dekedaha Siciid Maxamed Raage oo xariga ka jaray dhismaha cusub ayaa halkaasi ka sheegay in dhismahan uu noqon doono mid loogu shaqeeyo dadweynaha maadaama wasaarada arimaha gudaha ay tahay wasaarad qaabilsan golayasha degaamada. Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Cabdi Yaasiin oo isaguna ka hadlay xarig jarka ayaa sheegay in laga bilaabo maalinta berito [21-June-2010] ay wasaaradu ku soo guuri doonto dhismahan cusub oo ay ka soo bixi doonaan dhismihii hore ee kirada ahaa. Agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Siciid Cumar (Kaashawiito) oo isaguna ka hadlay munaasabada ayaa ka mahadceliyey dhismahan oo ay gacan ka geysteen hay’adaha samafalka, wuxuuna Mr Kaashawiito intaa ku daray in loo baahan yahay soo dhameystirka waxyaabaha ka dhiman guriga oo uu ugu horeeyo matoorkii korontada kaasi oo aan hadda diyaar ahayn. Dhismahan cusub ayaan wasaaradu sheegin kharashka ku baxay hase yeeshee waxaa ay qaadatay mudo bil iyo bar ah in la dhameystiro dhismaha iyadoo la raacay dhismihii hore ee wasaaradu ku lahaan jirtay isla goobta kaasi oo ahaa guri qadiimi ah. Dhismahan cusub ee ay yeelaneyso wasaarada arimaha gudaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo qaar kale oo wasaaradaha dowlada ka mid ah ay weli degan yihiin guryo kiro ah oo aysan lahayn dowladu. abdalle Muumin RBC Radio Quote Share this post Link to post Share on other sites