Sign in to follow this  
General Duke

Al Shabaab cowards the mother killers

Recommended Posts

Ku: Mujrimiinta Hooyooyinka laayay

 

Runtii garan mayo kalmado aan ku cabbiri karo calool xumada iyo ciilka maanta iga haya hooyooyinka Soomaaliyeed oo iyagoo dhulka xaaqaya la laayay. Waxaan ka akhriyay Internet-ka in 20 haween ahina dhinteen, 45 dhaawac yihiin, innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun! Waa markii labaad oo hooyooyin dhul xaaqaya la laayo, waa arrin argagax iyo urugo ku beeraysa qof kasta oo damiir leh.

 

Ujeedo: Hooyooyinkaad Horaadkooda Nuugteen ha Laynina Yaan Beelaayo Hor Lihi Idinku Habsane

 

Runtii garan mayo kalmado aan ku cabbiri karo calool xumada iyo ciilka maanta iga haya hooyooyinka Soomaaliyeed oo iyagoo dhulka xaaqaya la laayay. Waxaan ka akhriyay Internet-ka in 20 haween ahina dhinteen, 45 dhaawac yihiin, innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun! Waa markii labaad oo hooyooyin dhul xaaqaya la laayo, waa arrin argagax iyo urugo ku beeraysa qof kasta oo damiir leh.

 

Maxay galabsadeen haweenkani, ma kuraasida shaydaanku idiin qurxiyay oo aad dartood dalkii iyo dadkiiba u rogteen bay idinku haystaan? mise qashinka inay idiinka guraan jidadka baa idin dhibaysa? Maxay yihiin waxa dalkayagii ka dilaacay oo dubka basharka uga eg dugaagana ka liittaa?

 

War miyaan hooyooyin idin dhalin? ma dhulkaad ka soo fuurteen? Intaad horay dhib ugu gaysateen haweenka Soomaaliyeed maydinku filaan wayday? Hooyooyinka ha laynina aad horaadkooda nuugteen yaan beelaayo hor lihi idinku habsane.

 

Waxaan idin leeyahay;

Damiir laawaha dagaal uun u taaganow

Dalkiina burburiyay xukunkiina dumiyayow

Shacabkii kala didiyay dabka baas afuufayow

Miinada u duuga ee hooyadiis dilow

Dulli ayaad tahay ibliis baad u dacayantay

Ee dulmigaad nagu haysid Ilaah wayne naga dul qaad.

 

Haweenka Soomaaliyeedow meelaad joogtaanba mudaharaad isugu soo baxa idinkoo carruurihiinna gacnaha haysta ama dhabarka ku sita, waa inaynu muujinnaa inaynaan sidan u sii dul qaadan doonin. Raggu ama dalka maamulkiisa gacanta ha kala bexeen ama sidan wax haka badaleen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

FAALO:Ninkii waxa xamar ka socodanaya Jihaad Moodayayoow ku quuso hooyooyinkii nadaafada

Posted to the MOL August 5, 2008, 11:00 am

 

 

26kii Decembar 1979 ciidamadii soofeetigii burburay oo qalabkoodu uu dhanyahay tiradoodana lagu qiyaasay 100kun ku dhowaad ayaa la wareegey oo qabsaday afqaanistaan. Dowlada Maraykanka oo ay markaa ku xafiil-tamayeen soofeetiga maamulka (dunida) ayaa markiiba u aragtay in arinkaasi khatar ku yahay amaankeeda iyo amaanka wadamada ay saaxiibka yihiinba sidaa darteed waxay bilawday inay abaabusho ciidam "hab diimeed" ku dagaalama oo loo bixiyey Mujaahidiinal Afghan, kuwaasoo lagu qanciyey 'In dhul muslim lagu soo duulay isla markaasna Jihaad waajibay".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this