General Duke Posted August 5, 2008 Ku: Mujrimiinta Hooyooyinka laayay Runtii garan mayo kalmado aan ku cabbiri karo calool xumada iyo ciilka maanta iga haya hooyooyinka Soomaaliyeed oo iyagoo dhulka xaaqaya la laayay. Waxaan ka akhriyay Internet-ka in 20 haween ahina dhinteen, 45 dhaawac yihiin, innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun! Waa markii labaad oo hooyooyin dhul xaaqaya la laayo, waa arrin argagax iyo urugo ku beeraysa qof kasta oo damiir leh. Ujeedo: Hooyooyinkaad Horaadkooda Nuugteen ha Laynina Yaan Beelaayo Hor Lihi Idinku Habsane Runtii garan mayo kalmado aan ku cabbiri karo calool xumada iyo ciilka maanta iga haya hooyooyinka Soomaaliyeed oo iyagoo dhulka xaaqaya la laayay. Waxaan ka akhriyay Internet-ka in 20 haween ahina dhinteen, 45 dhaawac yihiin, innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun! Waa markii labaad oo hooyooyin dhul xaaqaya la laayo, waa arrin argagax iyo urugo ku beeraysa qof kasta oo damiir leh. Maxay galabsadeen haweenkani, ma kuraasida shaydaanku idiin qurxiyay oo aad dartood dalkii iyo dadkiiba u rogteen bay idinku haystaan? mise qashinka inay idiinka guraan jidadka baa idin dhibaysa? Maxay yihiin waxa dalkayagii ka dilaacay oo dubka basharka uga eg dugaagana ka liittaa? War miyaan hooyooyin idin dhalin? ma dhulkaad ka soo fuurteen? Intaad horay dhib ugu gaysateen haweenka Soomaaliyeed maydinku filaan wayday? Hooyooyinka ha laynina aad horaadkooda nuugteen yaan beelaayo hor lihi idinku habsane. Waxaan idin leeyahay; Damiir laawaha dagaal uun u taaganow Dalkiina burburiyay xukunkiina dumiyayow Shacabkii kala didiyay dabka baas afuufayow Miinada u duuga ee hooyadiis dilow Dulli ayaad tahay ibliis baad u dacayantay Ee dulmigaad nagu haysid Ilaah wayne naga dul qaad. Haweenka Soomaaliyeedow meelaad joogtaanba mudaharaad isugu soo baxa idinkoo carruurihiinna gacnaha haysta ama dhabarka ku sita, waa inaynu muujinnaa inaynaan sidan u sii dul qaadan doonin. Raggu ama dalka maamulkiisa gacanta ha kala bexeen ama sidan wax haka badaleen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 5, 2008 FAALO:Ninkii waxa xamar ka socodanaya Jihaad Moodayayoow ku quuso hooyooyinkii nadaafada Posted to the MOL August 5, 2008, 11:00 am 26kii Decembar 1979 ciidamadii soofeetigii burburay oo qalabkoodu uu dhanyahay tiradoodana lagu qiyaasay 100kun ku dhowaad ayaa la wareegey oo qabsaday afqaanistaan. Dowlada Maraykanka oo ay markaa ku xafiil-tamayeen soofeetiga maamulka (dunida) ayaa markiiba u aragtay in arinkaasi khatar ku yahay amaankeeda iyo amaanka wadamada ay saaxiibka yihiinba sidaa darteed waxay bilawday inay abaabusho ciidam "hab diimeed" ku dagaalama oo loo bixiyey Mujaahidiinal Afghan, kuwaasoo lagu qanciyey 'In dhul muslim lagu soo duulay isla markaasna Jihaad waajibay". Quote Share this post Link to post Share on other sites