Sign in to follow this  
Abdiyare

Mudaneyaasha Beesha Sool

Recommended Posts

Abdiyare   

Mudaneyaasha Beesha Sool kaga jira Baarlamaanka Somaliland oo cambaareeyey fara-gelinta C/llaahi Yuusuf ee deegaanada Somaliland - Monday, 4 August, 2003

 

Hargeysa, Somaliland (Somalihome Online) - Mudaneyaasha Beesha Sool kaga jira Baarlamaanka Somaliland, ayaa cambaareeyey fara-gelinta iyo saamaynta maamulka C/llaahi Yuusuf ku leeyahay deegaamadooda, iyada oo uu dhawaan ku dhawaaqay gobol uu ugu yeedhay “Cayn” oo ay magaalo madax u tahay magaalada Buuhoodle oo ah degmo ka tirsan gobolka Togdheer.

 

Baaqan oo uu magaalada Hargeysa nooga soo diray Weriyaha Shebekada Somalihome Online, Mr. Mustafe Axmed Hirad, waxa ay Mudaneyaasha sidaa ku sheegeen qoraal ay shalay soo saareen, qoraalkaas oo ay ku saxeexan yihiin 20 Mudane oo ka kala tirsan Guurtida iyo Wakiillada waxa uu u dhignaa sidan:

“Sida laga warqabo waxa dhawaan Idaacadda BBC-da iyo Internet-kaba laga sii daayey war uu maamul Majeerteeniya ku sheegay inay Degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Todheer ee Jamhuuriyadda Somaliland yahay gobol ka tirsan maamulka Majeerteeniya, taas oo ah wax lagu qoslo iyo arrin daan-daansi ah, waxaananu u aragnaa arrintaa ay Baarlamaanka Majeerteeniya ku kaceen Islaantii Xaabadda qaadi kari weyday ee xaabada kale ku biirsatay.

 

Haddaba iyaga oo ka faa’iidaysanay nabadgelyo jaceylka Somaliland, waxay qaadeen saddex tallaabo oo cadaawad leh oo ay ugu soo gudbeen gudaha Somaliland, saddexdaa tallaabana waxay kala yihiin, Weerarkii Madaxweynaha JSL, Ciidamo ay ku soo gureen gudaha Somaliland iyo ugu dambeyn gobolka ay Cayn ula baxeen oo ah inay sheegtaan Baarlamaanku sheegoodu dhul ka mid ah Somaliland.

 

Laakiin waxaanu u sheegaynaa maamulka Majeerteeniya inay u diyaar garoobaan, dhabarkana u ritaan wax alaale iyo wixii ka dhaca falalka argagixisada ah ee ay ka wadaan gudaha Somaliland.

 

Ugu dambeyn waxaanu beesha Caalamka, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo dhammaan cidii kale ee danaynaysa Geeska Afrika aanu u sheegaynaa in arrimahaas wixii ka dhaca ay masuuliyadooda leeyihiin maamulka Majeerteeniya, iyaga oo caadaystay inay nabadda iyo horumarka Somaliland khal-khal geliyaan.

 

Somaliland waa dal, dhul iyo dad uu Caalamkuba og yahay xadkeeda dhuleed, badeed iyo hawadeedaba, cidii soo fara-gelisaana way ku guban doontaa.

 

Waxaanu C/llaahi Yuusuf u sheegaynaa inta uu Buuhoodle iyo Caynaba ku riyoonayo, inuu maamulkiisa gaadhsiiyo Badhaxle oo ah xaafad Gaal-kacayo ka tirsan, waxaananu ugu baaqaynaa Xukuumadda, Goleyaasha, Axsaabta siyaasiyga ah iyo dhammaan Shacbiga Somaliland, inay si deg deg ah heegan u galaan, jawaab deg deg ah oo gacan ahna ka bixiyaan arrinta, isla markaana haddii uu C/llaahi yuusuf dhibaatada ka deyn waayo Sool iyo Buuhoodle meel aanu hadda filayn ayay ka dhici doontaa.” Ayay ku soo xidheen hadalkooda Mudaneyaashu, waxayna kala yihiin:- “

 

Mudaneyaasha Beesha Sool

 

1. Cumar Faarax Budeeye

2. C/qaadir Maxamed Xasan

3. C/rashiid Sh. C/llaahi

4. Axmed Xasan Saalax

5. Cali Cumar Axmed

6. Cawil C/llaahi Caydiid

7. Maxamed Warsame Cali

8. Muuse Ciise Faarax

9. Cabdi X. Faarax

10. Cismaan Cali Cabdi

11. Maxamed Yuusuf Cabdi

12. Maxamed Jaamac Cabdi

13. Yaasiin Ismaaciil Cali

14. Maxamed Axmed Dhakool

15. Cali Ismaaciil Cali

16. C/qaadir Jaamac Cilmi

17. Cismaan Xuseen Gurxan

18. C/Waaxid C/qaadir C/raxmaan

19. Maxamed Xirsi Jaamac

20. Cabdi Warsame Xayir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this